Taariikh nololeedkii Allaha u raxmee sheekh Xaashi Maxamuud Dhicis
Nafwaliba way dhadhamin xanuuka geerida
Naxariistii janno allaah hakawaraabiyo e Sheikh xaashi maxamuud dhicis waxa uu dhashay sannadkii 1967 wuxuuna ku dhashay carriga Ogadenia deegaanka Horo hawd oo katirsan gobolka Jigjiga. Waxa uu ku caqliyaystay kuna soo barbaaray isla gobolka Jigjiga gaar ahaan agagaarka Rislay oo qiyaastii magaalada Qabribayax ujirta 15 illaa 20 KMs.
Sida ay u badan yihiin dadka somaliyeed gaar ahaa kuwa s.ogadenia waxa uu wax barashadiisa diiniga ah gaar ahaan QURAAN ka kariimka ah ku bartay yaraantiisii kuna soo qaatay miyiga deegaanka Rasla alle ha unaxariistee waxa uu kufiicnaa subaca qur aanka isaga oo ayna aayadna dhaafijirin xilliga lofadhiyo golayta subciska. Sannadkii 1984 ayuu usafray somaliya kana tagay Ogadenia si uu si uu usii wato wax barashadiisa wuxuuna tagay woqooyiga Somalia waxa uuna kamidnoqday da yartii somaliyeed kutubta ka akhrisan jirtay magaalooyinka Burco , Laasdhurre iyo Hargaysa sidookale waxa uu halkaas kusoo qaatay waxbarashadiisii dunawiga ahayd ee dugsi hoose dhexe , kadibna waa uu uwareregay magaalada boorame wuxuuna kamidnoqday ciidankii xooga dalka Somalia halkaas oo uu kamid noday mas uuliintii saldhiga Gabilay, sidookale waxa uumas uul kasoo noqday xeryo tabobarka . Sannadkii1991 ayuuu dib ugu laabtay gobolka Jigjiga halkaas oo uu kusugnaa muddo halsano ah, kadibna waxa uu usocdaalay waddanka Djbuuti oo isku dhex waday waxbarashadiisii iyo ganacsiba. Sannadkii1994 ayuu ka gudbay kanalka gacanka cadmeed isaga oo ugudbay dalka Yeman , si uu uga helo waxbarashadii uu ku tamayay nasiib wanaag marxuun sheekh Xaashi Dhicis waxaa usuurtagashay kamid noqoshada ardaydii waxkaba ranhaysay machadii ( AL-CAMAR ) oo ku yaalla dalka Yeman halkaas oo uu ka akhrisan jiray sanadkii 1994 – 1998, kadibna waxa uu ugasii gudbay Boqortooyada Sucuudi Carabiya , waxaana uu kusoo laabtay dalka Yeman sanadkii 2001.
Intaas kadib alle ha u naxariistee waxa uu kamid ahaa dadkii hayaanka dheer u soo galay imaanshaha waddanka Koonfur Africa waxa uuna soo gaadhay sannadkii 2002 isla markaasna ka billaabay ganacsiga waxaana uu kamid ahaa dadkii ugu firfircoonaa dhanka shaqada iyo wax soo saarka. Sannadkii 2005 ayuu go’aansaday in uu eheladiisii uu ka soo dhoofay ku booqdo Ogadenia, waxaana uu gaadhay 2009 kii. Isla markiiba waxaa qabatay maleeshiyaad ka amar qaata maamulka waqooyiga Somaliya (Somaliland) oo sidii caadada u ahayd si ixtiraam la’aan ah ugu gacan galiyay cadawga guunka ah ee GumaysigaEthiopiaisaga iyo waliba gabadh iyaduna socoto ahayd.
Cadawga ayaa sheekh Xaashi waxay ugaysteen jidhdil aad u ba’an taasoo jidhkiisa laga arkayay nabrihii iyo jeedalkii loogu gaystay intuu ku jiray xabsiga. Muddo markuu u xidhnaa ayuu Rabbi u fududeeyay inuu kabaxsado jeelkii. Habka uu uga soo baxsaday jeel ku dhex yiilay xerada ciidanka ayaa u baahan maqaal gooni ah. Ugu dambayn si geesinimo leh ayuu uga soo baxay godkay ku rideen maamulka daba-dhilfka ee Woqooyiga Somaliya ka arrimiya, wuxuuna ku soo laabtay waddanka Koonfur Africa oo uu kaga tagay xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Intaas kagadaal sheekh Xaashi Maxamuud Dhicis waxa uu billaabay u ololaynta xuquuda Bani aadanka gaar ahaan dumarka ku dhibaateysan Ogadenya iyo guud ahaan shacabka ee waxna la dilo waxna jeelasha laga buuxiyay, waxa uuna ahaa qof si wayn loogu xasuusto dulmi nacayb, kuna taama in dadka Somaliyeed ee Ogadenia inay mar hoos hadhsadaan calankooda lakala qarin hayay muddada dheer.
Inkastoo uusan calfan Xorriyadda Ogadenia, haddana waxaa hubaal ah inuu ka qayb galay halganka iyo hayaanka xoriyadda oo waxbadan uu ka midho dhaliyay, in bandanna ay u aayi doonaan waxyaabihii uu qabtay.
Wuxuu ka mid noqday hawlwadeenada ugu cadcad ee Jaliyadda Somalida Ogadenia ee Koonfur Africa (JOKA). Sannadii 2010 – 2011 wuxuu ahaa hogaanka Dacwadda iyo Diinta ee JOKA. Taariikhdu markay ahayd 15/3/2012 ayaa loo doortay Hogaanka warfaafinta ee JOKA iyo maxakamadda Guud ee jaliyadda S.Ogadenia ee Koonfur Africa.
Hadaba taariikhdu markay ku beegnayd 2/9/2012 ayay tuugo hubaysan oo utun horena ka dhaxaysay ugu soo galeen dukaankiisa isaga oo markaas kula sugnaa labo wiil oo kale. Hadallo kooban ayay is-dhaafsadeen tuugta, kadibna mid kamid ahaa oo uusan iska dhaadaynin ayaa si bilaa naxariis ah toori uguga dhuftay u dhawaadka labxda ( naaska hoostiisa ), tooridaas ayaan waxyeelaysay wadnaha sida ay dhakhaatiirtu sheegeen. Waxaa lola cararay hospital ku yaalla magaallada Port Elizabeth oo lagu magacaabo Porovitoinal hospital, halkaas oo caafimaadkiisa lagula tacaalayay muddo dhan nus sac, kadibna waxaa loo gudbiyay hospital ka Livistown kobtaas oo uu Allaha u naxariistee daqiiqado kadib ku nafbaxay.
FG: dukaanka sheekha lagu dilay ayaa horay loogu soo waxyeeleeyay in kabadan 11 qof oo uu isagu kamid ahaa walina waxaa dhexjooga qaar dhaawacyadii kasoo gaadhay ay ka muuqdaan.
Alle ha u raxmee waxa uu ifka kaga tagay 4 caruur ah oo kala ah 2 wiil iyo 2 gabdhood oo saddex kamid ah aySouth Africajoogaan iyo hooyadood.
Xasuuuuus gooni ah
Rabbi naxariistiisa janno hakawaraabiyo isaga iyo inta muslim ah ee geeriyootayba e sheekh Xaashi Dhicis waxaa siwayn loogu xasuustaa fidinta dacwadda iyo diinta, waxa uuna marwalba dadka fari jiray Alle ka cabsiga iyo in uusan qofna adduunka ku waari doonin, qofkastana badsado sahaydiisa uu adduunka kalatagayo taas oo ah kaliya taqwada allaah (SW). Waxa uu soo saari jiray nadwooyin diini ah taas oo uu ku eegijiray kolba baahida bulshadu ay u qabto in xaqqa latuso laguna toosiyo waddada Rabbi u jideeyay, waxaana wali dad badani daalacdaan (akhristaan) kutubtii kala duwaynayd ee uu lahaa, iyo waliba kutub badan oo uu gacantiisa ku daabacay, wuxuu aad uga dhex muuqan jiray masaajidda iyo goobaha cibaadada.
Allaha u naxariistee markaan dhaho sheekh Xaashi hawasha ma qaban karno oo way adagtahay wuxuu igu dhihi jiray aduunka wax walba waa laqaban karaaye aan isku dayno. Wuxuu ahaa madaale u jajaban hawlaha halganka. Waxaa kaloon ku xasuustaa hami weyn oo uu ka qabay in uu qadiyada shacabka Ogadeneya wax badan ka qabto, wuxuna si firficoon qadiyada u gaadhsiiyey muslimiintaSouth Africasiiba haya’daha cadaaladda ka shaqeeya.
Xafiifka warfaafinta ee Jabhadda, Jaaliyadda Somalida Ogaadenia ee (JOKA) iyo Midowga dhalinyara Iyo ardayda Somalida Ogadenia K/Africa, waxay tacsi tiiraanyo leh u gudbin hayaan dhamaan umadda Ogadeniya ee uu ka geeriyooday marxuumka (Inshaa Alaah) sheekh Xaashi Dhicis gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu katagay, waxaana Ilaahay uga baryaynaa in naxariistii janno ka waraabiyo, kulligeena samir iyo iimaan inaga siiyo .. aamiin thumma aamiin.
Waxaa soo diyaariyay Dr. Qiso iyo Omar JIGJIGa.
ONA/SA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=15873
















