Ogaden News Agency (ONA)

Q3aad. Habkii loo asaasay Hawaarinta iyo dambiyada ay shacabka ka galeen

Talaabooyinkii ugu horeeyay ay qaadeen hawaarinta waxay ahaayen kuwii ugu xumaa ee laga filayay: waxay hawlgalo shacab xasuuq ah ka bilaabeen gobolada Nogob, Qorahay, Jarar iyo Doolo. Habkii ay u dhaqmeena waxay kaga soocmeen ciidamadii Itobiya ee horay loo yaqaanay. Dabayaaqadii 2008 ayay qaadeen hawlgalki ugu horeeyay waxayna ahayd wakhtigan mid dadkii la socday xaalada gobolku ay lasoo daristay jahwareer, waxayna markii ugu horaysay ay arkeen dad Somali ah oo dhaqan iyo dhul-joogba kaga liita ciidanka Itobiyaanka; Dad Somali ah oo khmarada iyo ansho xumooyin kaleetaba muujistay. Dad somali ah oo sida ay sheegeyaan xoga laga helay qaar ka mid ahaa maamulka sare ee Hawaarinta 100kii maalmood ee ugu horaysay shaqadooda oo lagu magacaabay (I Tus) oo macnaheeduna ahaa mushahar malihid hadaadan yeelin wixii lagu dhaho. Nin da’yar oo kamid noqday ciidankaas ayaa ka sheekeeyay habkii isaga iyo saaxiibkii ay ku waayeen musharkii sadexda bilood iyo10ka habeen ee ugu horeeyay. Wuxuu yidhi;

“Waxaa aniga markii lay qorahayay la’ii sheegey inaan magaladaan ku dhashay joogayo, balse waxaa la’iga horgeeyay ciidamo naloogu sheegay inay yihiin nabadiid oo naftood hurayaal ah oo dhimasho diyaar u ah. Anigu mushaharkii waxaan ku waayay markaan  diiday koox dhalinyaro ah oo geel la joogtay in aan laayo. saaxiibkayna mushahar muusan qaadanin oo wuuba dhintay” ayuu raaciyaya.

Ciidamada ONLF ayay u egtahay inay lasii haysteen tabaha loo carbiyay maleesiyadan waxayna ku qaadeen olole adag oo 100 maalmood ee ugu horayay hawshii lagaga fadhiisiyay inbadan oo ka mid ahaa maleesiyada, waxaana laga helay hub, raashin iyo saanad lagu qiyaasay $2 milion. Ciidan kii 100 maalmood ka qayb galay wax yarbaa u xaadiray mushaharkii siday noo sheegeen qaar la socday. Waxay noqdeen wax dhintay, wax goostay iyo qaar laganaaxay oo lagu eedeeyay inay xog bixiyeen. Ninkamid ahaa kuwii goostay ayaa yidhi; “markuu dagaalku naqabsaday waxaan indhahayga ku arkay saaxiibkay oo baasuuke kaligii lagu basiyay. Meesha nin kaligii baasuuke lagu ridayo ma sii joogi karin”.

Tigaray gu waxay ka shakiyeen in ONLF ay helayso xog u sahlaysa inay sidhibyar ku qabsadaan saldhigyada tababarka ama duulaankaba loo sameeyay ee Hawaarinta iyo ihadhigtaba, waxayna dhawr jeer badaleen waxyaabo badankood u muuqda in lagu basaasayo malayshiyada. Waxaa markii ugu horaysay lasiiyay qalabka loo yaqaano “GPS (Global Positioning System ) oo ah qalab lagu ogaado meesha uu joogo ruuxa wataa. Military ahaan waxaa isticmaala GPS-ka wadamada hormaray, aqoona uma aanay lahayn dadka loo dhiibay qalabkan, ujeedada loo siiyayna waxay ahayd un in iyaga hawaarinta ah, loogu dhabagalo dhaq-dhaqaaqoodana lagula socdo. Waxaa ladhimay hubkii la siinayay malayshiyada, rasaastii kaydka ahayd, dawadii iyo saadkii kaleetaba, waxaa sidoo kale meesha laga saaray gadiidkii ay isticmaalayeen sida xogo lagu helay sanadkii  2009-2010. Waxaa lajaray boqolkiiba 50 lacagtii ku baxaysay saadka Hawaarinta, waxaana dib loogu celiyay bakhaarada ciidamada Itobiya 50 ton oo rasaasta fudud ah iyo wax kor u dhaafaya 5000 oo isugu jira hubka noocyadiisa kala badalan. Waxaa sidoo kale la soo saaray arimo cusub oo kale: waxaa la amray in ciidanku lugeeyo gobol ilaa gobol oy sifeeyaan, wixii ree guuraa ah ay arkaan, waxaa la siiyay mushahar aan waxba laga jarin inkastoo laga daahinayay. Waxaa sidoo kale siwayn loogu hafiyay waxyaabo akhlaaqdooda sii xumeeyay sida; kucad dokumiitigeena sirta ah sanadkii 2009. Waxaa khamro iyo jaad ku baxday 20% oo kamid ah lacagta maleeshiyada loo qoondeeyay saadkeeda inay kubaxdo. Dhankakale waxaa loo fasaxay inay guursan karaan tirakasta oo dumar ah iyagoon aabahood waydiisan, sida laga helay xafiiska maxkamada shareecada ee kililka. Waxay maxkamadu ugu yaraan halmar heshay digniin ku saabsan inayna faragalinin guurka iyo furiinka ay sameeyaan ciidamada hawaarintu.

Baadhis kooban oonu ku samaynay guurka ay Hawaarintu samaysay ayaa muujinaysa jiritaanka arintaas. Waxaanu wax ka waydiinay 200 oo kamid ah ciidanka malayshiyada su aasha ah, imisa dumar ah ayaad guursatay intaad ciidanka katirsanayd? Boqolkiiba 70 kamid ah waxay noo sheegeen inay guursadeen wax kabadan hal xaas.100kiiba 40 waxay sheegeen inay guursadeen wax kabadan 4 xaas. Ninkamid ahaa dadka aanu waydiinay su’aasha ayaa ku jawaabay ; “waxay ku wanaagsanayd  inaad iwaydiisaan imisa dumar ah yaad aragtay”. Isagoo tibaaxaya inuuna guursan balse anshaxumo kale uu kula kulmay dumar badan. Boqolkiiba 80 raga aanu wax waydiinay da’doodu waxay u dhaxaysay 20 ilaa 30 jir, waxayna kala joogeen 6 gobol oy casimada kililku ka midtahay.

Bilawgii xasuuqaWajigan danbe waxay ku bilaabeen hawshooda dar-dar kulul, waxay lugeeyeen dhul hawd ah, iyagoo bartilmaameed-sanaya “qayrada” amaba meelaha daaqsin ama biyo dartood deegaanku ugu ururo, halkudhiga cusub e lagu hawlgaliyayna wuxuu ahaa; “waxaan ku dilayn dil, waxaad aragtana cun”. 2010 ilaa 2011 waxay fuliyeen 63 hawlgal oy ku dileen dad shacab ah gabi ahaanba. Dhinaca kale waxay dagaal weerar iyagu qaadeen ah la galeen ONLF 2 jeer oo kali ah. Meesha ay iyaga ONLF weerartay 113 jeer. Waxay si cad kuu tusaysaa tirakoobkaa inay hawsha Hawaarintu ku wajahnayd shacabka. Dilka ay geysteen, uusxabaalka, iyo xabsiguba way tiro beeleen. Dadka la xidhayna waxaa lagu xukumayay xabsiyo dhaadheer iyagoon sharci la marsiinin. Waxaa kale oo ku cusub taariikhda deegaanka in dadka maxaabiista ah loo laayo hab qarsoon oo duqoni magaratay ah (silent death). Dadka maxaabiista ah waxaa laga dilayay xubnaha muhiinka ah sida kalyaha, beerka iyo madaxa, kadibna waxaa loo diidayay inay dhakhtar la kulmaan sidaas ayayna ugu dhimanayeen xabsiga gudihiisa amaba dibadiisa.

Felceliskii kadhashay ficilkooda xun: 

Sidii caadiga ahayd cabudhintani mayna keenin wax isbadal ah oo guul u keena Itobiya. Dadku waxay miciinsadeen inay cadawgooga cadawgiisa saaxiib kadhigtaan. Dhalinta waxay si habqan ah u beegsadeen goobaha ciidamada ONLF ku sugan yihiin. Sida laga soo xigtay afhayeenka ONLF tirade dhalinyarada ah ee ku biiraysay naftood-hurayaashu waxay jibaarantahay 4jeer in ka badan. Dhanka kale waxaa dunida caalamka laga ogaaday jariimooyin ka socday Ogadenia mudada dheer taasoo dhibaato siyaasadeed ay ku noqotay taliskaAddis ababa.

ROG OO XASUUQ RAADKAGANA QARI

Sida dadka yaqaana tariikhda xasuuqa talisyada macangaga ihi gaystaan ay rumaysanyihiin, aasaas ka malaysiyada waa hab ay madaxda talisyada xcasuuqa gaystaa ku rabaan inay waxkasta oy dilaan danbigeeda ay kaga gabadaan malayshiyadaa. Dalka Ogadenia waxaa shaqadaas si wanaagsan u fuliyay malayshiyada Hawaarinta ee Cabdi iley uu madaxda ka yahay. Hadaba markay u cadaatay inayna ku baxsan doonin dunuubta ay galeen, waxay iyaguna iskood isugu dayeen hab ay danbigooda ku qariyaan. Dilalkii ugu foosha xumaa oo ay kamid ahayd kuwii Gunagado, Birqod iyo Garbo, waxay isku dayeen inay dadka u fahansiiyaan in ONLF ay ku lugleedahay xasuuqyadaa.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa dilkii Xaaji C/qadir Guuleed, oo ragii dilayay nin kamid ihi hadal dheeroo uu ku celcelinayay ahaa; “hebelaw adeerkaa hadilin, war adeerkaa miyaadan garanaynin maxaad u dili”. Hebelka magaciisa la sheegayana uu yahay nin aan gobolkaba joogin goobta wax lagu dilayo iskaba daaye, kana mid ah ciiddanka ONLF oo galbeed ay hawshiisu tahay. Ujeedaduna waxay ahayd in dadka inta badbaada oo oon waxba arag oo dhulka la seexiyay ay maqlaan wax u eg nin ay yaqaaneen inuu ONLF yahay isku jifana yihiin Xaajiga oo laga araaraynayo adeerkii inuu dilo, si ay ugu maleeyaan inuu isagu Xaajiga dilay. Waxaa kale oy mirayeen tuulooyinka iyo xaafadaha magaalada iyagoo isu ekaysiinaya inay yihiin ONLF.

Q4aad Waxaan ku eegi doonaa cinwaanka ah – Maxay ku Dambayn Hawaarintu – Waqtiguse muxuu riman yahay.

Lasoco—

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=15878

Posted by on Sep 10 2012. Filed under Maqaalo. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 10,593
  • Last 7 days: 57,323
  • Last 30 days: 245,668
  • Online now: 32
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com