Maanta waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka dhacay mudaharad balaadhan oo ay si heersara ah usoo agaasimen jaaliyada Ogadenya ee gobolka Minnesota. Mudaharadkan oo lagaga soo horjeeday xukuumada Ethiopia ayaa waxaa uu xidhiidh lalahaa mudaaharaad maalmahanba laqorshaynayay oo ay dhamaanba shucuubta ku hoos dulaman xukuumada Tigreega ee ku balansanayeen inay dunida dacaladeeda ka bilaabaan maalinta 28 May 2011.

Dhanka kale mudaharadkan ayaa lagu dhiiri galinayay ururka ardayda Ethiopia oo ayaguna iclaamiyay inay mudaharad lagaga soo horjeedo xukuumada Tigreega ay maalinta Sabtida ah ay ka bilaabi doonaan gudaha Addis Abba iyo dhamaanba wadanka intiisa kale.

Hadaba mudaharadkan ayaa waxaa isugu soo baxay dad aad u farabadan oo kuwada labisnaa funanado ay soo diyaariyeen ururka u ololeeya in Ethiopia ay joojiso gumaadka ay ka wada gudaha Ogadenya oo afka qalaad lagu yidhaahdi “Anti-Genocide Movement” I Care about the Ogaden” funanadahan oo midab ahaan madoobaa kana turjumayay dhibaatada io xasuuqa shacabka Ogadenya ay ciidamada Ethiopia ku hayaan ayaa waxaa dhanka kalana ku buufsanaa erayo halku dhagyo ah oo ay ka mid ahaayeen STOP GENOCIDE, ETHNIC CLEANCING, TORTURE iyo erayo kaloo lamid ah.

Jaaliaya Ogadenya aya manta mudaaharaadka hab cusub oo aynan horay u samayn jirin u samaysay, ayada oo ay jaaliyadu manta socod kabilowday xafiiska Jaliyada Ogadenya oo ku yaala ka soo horjeedka suuqa soomaalida ee loo yaqaano “Mall 24” ayagoo magaalada socod ku dhex maray ilaa madhasha mudaharadka oo uu jirtay 3 Kilometer.

Mudadii ay jaaliyadu socodka ku maraysay wadada dheer ee Chicago avenue ayaa erayadii ay ku dhawaaqayeen waxay sababtay oo ay aad u soo jiidatay dhamaanba dadkii ajaanibta ahaa iyo dadkii soomaaliyeed oo ayagu markii ay sawaxanka halkudhagayda maqleen isasoo buux dhaafiyay wadooyinka hareerahooda ayagoo runtii dhamantood muujinayay tageero inay u hayaan xoriyada Ogadenya. Dhanka kale waxaad arkaysay dadka ajaanibta ah oo ayagu danaynayay inay wax ka Ogadaan qadiyada Ogadeenya islamar ahaantaana suaalo waydiinayay xubnihii mudaaharaadayay.

Kadib markay jaaliyadu isugu timid madashii lagu balan sanaa oo ahayd badhtamaha farasmagalada Minneapolis ayaa waxay soo buuxdhaafiyeen ka soo qaybgalayaashii madashii loogu talagalay, waxayna markaliya bilaabeen inay ku dhawaaqaan erayo halkudhagyo ah oo kadhan ah xukuumada Ethiopia, sida Ethiopia hadhacdo, gumaadka shacabka Ogadenya waa in la joojiyaa, dabqoodhigu ha dhaco iyo wixii la mid ah.

Saacado badan kadib mudaaharaadkii sifiican ayuu kudhamaaday waxayna markale jaaliyadu bilowday inay socod ku soo noqdaan ilaa xafiiskii jaaliyada Ogadenya. Waxaa xusid mudan in markii ay jaaliyadu ay soo socotay uu bilowday roob mahiigaan ah balsee aynan jaaliyadu u jixin jixin oo ay howlahoodii ay kaga soo horjeedeen gumaysiga Ethiopia ay is ka siiwateen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay