waxaa maanta  oo ay taariikhdu  ahayd 15/9-2012 kulan muhiima  oo lagu kala war khaadanayay isugu yimid ururka OYSU Sweden & Jaaliyada Sweden  faraca Stockholm, kulanka  ayaa ahaa kuwo lagu lafa gurayay wax qabadka ururka, warbixino howlahii ururka u fulay &  dajin  qorsho shaqeed.

X-Hayaha OYSU Sweden Mudane Amiin Barkhadle ayaa ka warbixiyay safarkii ay asaga & xubnaha OYSU Sweden ay ku tageen Portugal, Safarkaas oo ahaa mid ay kaga qayb galeen siminaar ka dhacayay Portugal oo loogu tala galay ururada dhalinyarada European Youth Exchange.

Sidoo kale waxaa la’isla qaadaa dhigay sidii loogu samayn lahaa xaflad soo dhaweyn ah 2dii wariyee ree Sweden ee naftoodii halista- u galiyay soo shaac bixinta qadiyada Ogadenia, banaankana usoo saaray waxii abid qarsoonaa.
waxaa la magacaabay gudigii kasoo shaqayn lahaa qabashada shirka suxifiyiinta.

Gudoomiyaha Jaaliyada Sweden Mudane Cabdinasir Maxamed (Gadhweyne) ayaa isaguna siiyay xubnaha warbixin muhiim ah oo meelo badan taabanaysay. waxuuna xog dheer ka bixiyay xaalada halganka Ogadenia meesha eega marayso, isaga oo ku baraarujiyay xubnaha hawlaha maanta miiska usaaran inay sidii loogu tala galay u fuliyaan. gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Doorashada Ururka Dhalinyarada Jaaliyada Sweden.

Mudane Gadhweyne waxuu X-Hayaha  xubanaha u sheegay in dhawaan laqaban doono doorashadii OYSU Sweden lana saari doono gudi farsamo oo kasoo shaqeeya siday usoo xuli lahaayeen maamulkii xilka la wareegi lahaa.

Inshallaah Dhowaan waxaa warbaahinta ONA lagusoo daawaci doona xogtii ku saabsanayd shirkii  Portugal Youth Exchange ee ururka OYSU ka qeybgalay & guulihii ay OYSU kasoo hoyisay goobtaas. Kulanka galabta oo ahmiyad badan xambaarsanaa ayaa kusoo gabagaboobay farxad & rayn rayn.

Ilwad Ali
ONA
Sweden.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay