Wararka Naga soogaadhaya  Gudaha wadanka Ogaadenia  ayaa  sheegaya  Xidhxidh  baahsan oo ay ciidamada Gumeysigu  ka wadaana  Gudaha  Wadanka Ogadenia. Hadaba Caasidmada gobolka Jarareed, Galaalshe, deegaanka isku dhoonley iyo caasimada Gobolka Nogob iyo magalada Shilaabo ayaa kamid ah goobaha xidhayga baahsan ka dhacay iyada oo dad aad u tiro badan goobahaas lagu xidh xidhay. Waxaa magacyo kooban nagasoo gaadhen dadkaas goobahaas lagu xidhay taarikhdu markay ahayd 30/08/2012 iyo 06-07 bishii Septemper 2012.

07-09-2012 waxaa  lagu xidhxidhay  magaalada Galaalshe Dadka  kala ah:

1.    Bashiir axmed Dayib

2.    Ina maxmed Cagoole

3.    Maxamed Faaqid

4.    Maryama Dayib

Isla taariikhdaas (07/09/2012) waxaa  lagu xidhxidhay magalada Fiiq ee  caasimada Gobalka Nogob :

1.    Xabiib Maxamuud Badal

07/09 2012 Waxaa sidoo  kale lagu  xidhxidhay  magaalada Dhaxbuur ee  caasimada  Gobalka Jaraar  Dadka  kala ah:

1- Farxaan  xasan maxamuud

2- Xasan  maxamed iyo

3-  Aamin

06-09-2012 Deegaanka lagu magacaabo Iskudhoonley  waxaa lagu xidhxidhay  Dadka kala  ah:

1-Maxamed Cabdi cumar

2-Sulub cumar Nur

3-Cabdulaahi muxumed cali

4-Maqtal cabdulahi carafe

4-maxmed muxumed

5-Cabdiraxman maxamed

6-mowsar muxumed

7-maxamed maxamuud sugule

8-Rayfal maxmed Sagal

30-8-012 waxaa   lagu xidhay magaalada Shilaabo  Dadka  kala ah:

1-Cabdi-wali   haybe

2-Bishaaro Cabdi-qaadh

3-Cabdulahi-Burundi

4-Farxaan  Farey

5- Sahra  Gaani

6-Wali Askar

7-Maxamed Qalab-qalab

8-Bashiir Aaqil

9-Faalug maxamed

10-Abshir Cabdulahi

11-Maxmed Kaafi

12-Gini Badal

13-Hodan Axmed Qaadh

14-Shamsa  Qalafey

15-Ina  Deeq cali

16-Dahab cali Haybe

17-Muyaarad mahamed

Xadhiga baahsan ee lagu bartilmaameed sanayo dadka shacabka ah ayaa waxay dadka ku xeeldheer arimaha Ethiopia ku sheegeen inaytahay si aanay dadka ogaadeeniya fursad ugu helin ka fikirka mar xaladan kalaguurka ah ee uu galay halganka Ogaadeeniya taasi oo aad moodo inay gumaysigu ku fashilmeen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay