In kasta oo inteenna dibadda joogta aynu ku dhex noolahay bulshooyin dimoqraadi ah, dhinac walba oo nolosha ka mid ahna ka horumarsan, oo ay waliba ay suurtowdo in aan inteenna badan kasbanay khibrado balaadhan oo inoo suurtogalin karaya inaan si fiican u garano xaqiiqada dhabta ah ee aduunku sida ay maanta tahay, hadana waxaa yaqiin ah in qaarkeen doorbideen inay naftooda dhagraan oo iyagu isa siraan. Waxay oggolaadeen in dad iyaga oo kale ahi ay dullaystaan amaseba, waa tan ugu darane, waxay ikhtiyaarkooda ku qaayibeen inay garbahooda ku xambaaraan heeryada culus ee gumaysiga. Waa amuur lala yaabo oo fajac iyo amakaag ku ridaysa ruux walba oo u fiirsada ayna aad u adagtahay in la fahmo, maxaaa yeelay way adagtahay in la garto inuu ruux aadame ah oo ku nool qarniga 21-aad aqoon iyo khibradna ilaa xad leh uu iskiis u qaayibo in la gumaysto, oo qaab kasta oo dulmi iyo ihaano ah uu ogolaado. Anigu kollayba aad bay iigu adkaatay in arinkan aan fahmo.

Waxaa yaabkaygii daawo u noqotay oo ilaa xad i qancisay aragtida aqoonyahan dalka fransiiska u dhashay oo lagu magacaabo La Boétie(1530-1563) oo aan maalin dib u milicsaday. Aqoonhankaas oo da’yaraan ku dhintay wuxuu aadamaha uga tagay buug yar laakiinse aad u qiimo badan oo lagu magacabo – Adoonsigu wuxuu ku yimadda khiyaarka kan la adoonsado-.Wuxuu buuggiisa La Boétie ku falanqeeyay xidhiidhka ka dhexeeya adoonka iyo kan adoonsada ee sayidkiisa ah, amaseba hadii aan si kale u idhaahdo sida ay u wada dhaqmaan adoonka iyo sayidkiisu. Buuggan oo aan intiinna aan wali akhriyin kula talinayo inay daalacdaan oo si fiican u darsaan fikradaha muhiimka ah ee uu weeleeyo waxaa ka mid ah:

1.Dad aadame ah lama adoonsan karahayo hadii ayna iyagu doonaynin in la gumaysto.

2.Dadka la adoonsado intooda badani iyaga ayaa u sahlay kan adoonsanaya inuu dullaysto oo ku dul socdo.

3.Ruuxa adoonka ahi isaga ayaa silsiladda lugiihisa ku xidha oo sayidkiisa ku taageeraya siduu awoodda u sii haysan lahaa, sababta oo ah maba rumaysana inuu noolan karo saldanada sayidkiisa la-aanteed, taasoo dugsatay salkana ku haysa barbaarin adag oo horey loo soo siiyay ka dibna caado adag iyo dhaqan joogto ah u noqotay. Radiyo Xoriyo waxaa horay uga baxay barnaamij gaar ah oo aan kaga faaloonay habka loo carbiyo daba-qoodhiga.

4.Ruuxa adoonka ahi isaga ayaa isa sirahaya oo sidaas isaga xayuubinaya xorriyadiisa, maxaa yeelay ruuxii difaaca xaqiisa iyo xoriyadiisa u soo jeeda oo u taagan cidina ma adoosan karayso.

5.Ruuxa la gumaysto marka ugu horaysa ee uu gumaysigu ku cusub yahay waxooga wuu yare tabi inuu lumiyay xorriyadiisii iyo karaamadiisii, laakiinse inta badan durbaba wuu hilmaami oo wuxuu la qabsan waayaha cusub ee gumaysiga ah. Taasi waxay muujinaysaa inay caadadu ka xoog badan tahay dabeecadda asalka ah ee basharka iyo inay sidoo kale barbaarintu ka qaalib noqonayso baahida uu ruuxu u qabo madaxbanaani.

6.Habka uu gumaystuhu dadka uu gumaysto u barbaariyo waxaa ka mid ah inuu baro oo si fiican uga raarido maskaxdooda inay u adeegidda gumaystaha ku gaadhahayaan sharaf iyo haybad oo idil. Lagama doonahayo oo kaliya inay fuliyaan amaradiisa balse waa inay sii maleeyaan rabitaankiisa oo ay gartaan waxa uu ku fakarahayo ee farxad galin karahaya oo ay sii fuliyaan (hordegaan). Lagama doonahayo sidoo kale inay adeecaane waa inay maqsuudiyaan oy u raaxeeyaan (gumaystaha). Waa inay naftooda u qahraan (jajuubaan) hadii loo baahdana uba hibeeyaan si ay sayidkooda ugu meelmarto ujeedooyinkiisa iyo libaantiisuba. Waa inay dookhooda ka tanaasulaan oo ay ka sayidkoodu dookh ka dhigtaan oo ay si buuxda isaga dhalan rogaan ahaanshaha dad caadi ah oo ay noqdaan adoon sayidkoodu mulkiyo (oogo ahaan, fikir ahaan, nafsad iyo qiym ahaan dirkaba).

Allahayoow xikmadda aqoonyahanka aad ku mannaysatay moolsanaa! aragtidiisuna toolmoonaa! Tilmaamihiisu saxsanaa! dhaqanka adoomadu meel kasta iyo waqti kasta ha joogeene isu ekaa!

Waxaad moodda inuu La Boétie daalacday dhaqanka iyo maamulka gumaystaha wayaanaha iyo sida uu u barbaarsaday aaran doofaar, daboqoodhiga gudaha ee dulliga qaayibay iyo daboqoodhiga doolka ah ee u baratamaya inay ikhtiyaarkooda ugu adeegaan wayaanaha iyaga oo ay dantoodu tahay kaliya inuu sayidkoodu raalli noqdo!!! Iyaga oo ogsoon sida gabdhahooda, walaalahood iyo xaasaskooda loo kufsanahayo, dadkooda loo xasuuqahayo ee loo gumaadahayo, loo dhacahayo, loo xidhahayo dambi la-aan iyaga oo ayna maxkamadi xukmin, waxay hadana, waa yaabe, raalli buuxa ku yihiin inuu sayidkoodu maqsuud yahay!!! Oohinta walaashiisa la kufasanhayo iyo karaamadiisa laga lugmeersanayo midna kama diirayaan, maxaa yeelay waa damiir laaweyaal laga siibay dareemadii dadnimada oo barbaarin loogu dhalan-rogay adoon. Dad ma ahee waa adoon!! Sidoo kale Waxay xoog iyo qasab lacag kaga soo uruuriyaan dadkooda aan haysanin wax adeeg dawladeed ah markaasay u geeyaan saraakiisha ciidanka gumaystaha si ay ku helaan abalmarin ah raalli baan kaa ahay!!!

Aaaranka doofaar iyo daboqoodhiga gudaha dalka jooga waxoogaa garawsho iyo cudur daar ah ayaaba suurtowda in loo helo oo la yidhaahdo waay baqyaanoo cadaw ma naxe ah oo ka xoog badan baa muquuniyay, inkasta oo ayna mudnayn in marna loo garaabo. Bal u fiirso kuwa qurbaha ku nool ee dalalka xorta ah ku hoos nool ee haysta badbaado ilaa xad ah ee haddana meherad iyo hawl ka dhigtay inay turuntureeyaan halganka xaqa ah ee dadkooda dulman aayo-ka-tlintiisa lagu baadi goobahayo! Waxay hadh iyo habeen u soo jeedaan sidii ay fitmo, dicaayad iyo tashwiish irdho iyo kala shaki ugu dhex beeri lahaayeen jwxo. Suaasha mudan waa maxay sababtu? Maxay tahay ulajeedadoodu? Jawaabtu waa dad cadawgu barbaarsaday oo doonahaya oo kaliya inay sayidkooda raalligaliyaan!!! Waa abuur siloon oo laga soo dooriyay dad ahaansho oo loo dhalan rogay adoon oo markaas si ikhtiyaari ah sayidkooda wayaanaha ah moodahaya oo aaminsan inay martabada ugu sarraysa ee mudan inay higsadaan ay tahay raalligalinta sayidkooda. Marka uu sayidkoodu raalli noqdo ayay iyaguna maskaxdu u dagi, naftu u xasili oo ay isodhan sharaf iyo karamo buuxdaad haleeli!!

Halgameyaal;
Waxaa loo baahan yahay inuu horseedka halganka umadda somalida Ogadeeniya hagahaya si fiican u fahmo gedaha iyo astaamaha dadka qaatay barbaarinta gumastaha ee adoonta siloon ah, oo uusan marna ku dagmin dhagarta iyo khiyaamada ay maleegahayaan, kuna jahowareerin oo ku mashquulin dabogalka dhaqankooda iyo falaadkooda sirgaxan, una nuglaanin qayladooda iyo sawaxankooda hantaataca iyo kut-idhi-ku-teenka ku salaysan, iyada oo laga duulahayo murtida soomaaliyeed ee odhanaysa “Dakhsi ururay haan ma bujiyo”. Kuwaas waa inaan ficil iyo waxqabad halgameed ku qancino inaga ku leh:

Adoomada siloonee aasaya xaqoodoow
Axadilaawaha falanee ashahaadada inkirayoow
Uurkiraale dammanee iimaanka beeloow
Alhuumo iyo inkaar iyo usgag iyo nijaasoow
Injir iyo qudhmuun iyo adeegeyaal wayaanoow
Ardaallada ilduufee ubadkooda dubanoow
Asaaggood ka goojine ehelkood u daranoow
Abtir iyo qabiil sheeg ku irdho galin dad wadajira
Arxangooyska doqonkee aayihiis ilooboow
Aadaanka diinta iyo ka argagaxa islaamkoow
Aragtida gurracan lehe ka arradan aqoontoow
Jwxo way adkaatoo aanadeedii gudataye
Udgoonkii xorriyaddaa noo soo uraysoo israacyay dadkaygii
Eebe mahadii weeyoo ka adkaanay wayaanee
Utun iyo eed kii galay waan ka aarsan doonaa
Ma ilaabayo dakanaday oo afbadan tahay ablayda

Waxaa ina horyaalla hawlo culus iyo qorsheyaal fulin iyo meelmarin tayo leh u baahan. Hadii ay aaranka doofaar, daboqoodhiga gudaha iyo midka doolka ahi qaayibeen adoonimada, horseedka u dhaartay inay umadooda heeryada gumaysiga ka faydaan waxaa laga sugahayaa waxqabad qorshe maangal ka ambaqaadahaya, fulin tayo leh oo ay aqoon iyo dadaal ismakaabsady diiradda u hayso, kuwaaso dhamaantood ay saldhig u tahay talosaarasha Eebbe iyo tashi la wadaago oo dimoqraadi ah iyo maamul hufnaan iyo xisaabtan adag ku salaysan.
Waxaa hubaal ah inay jwxo maalin maalinta ka dambaysa qaadayso talaabo hrumar leh oo aynu toobiyihii guusha cagta saaray, waa in aanu mar walba mudnaanta siinno ku baahinta shacbigeenna fikirka halgameed ee jwxo iyo abaabulka iyo wacigalinta shacbigeenna, iyo sidoo kale sii xoojinta is-haysiga xubnaha iyo isku duubnida xubnaha iyo shacabka.

Hadal iyo murti aynu si tayo leh u meelmarino qorsheyaasha hawleed ee ina horyaalla oo ka niibkeenno xaqiijinta ahdaafta iyo yoolalka inoo astaysan.

Midnimo, mintid, isku tashi, eebe ayaa ka wayn

Mudane CabduLlahi Mukhtaar.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay