Faah Faahin Su’alihi lawaydiiyay Amiin Barkhadle SVT

Warka subixii ka baxa TV-ga dalka Sweden SVT ayaa saaka lagu casuumay X-Hayaha OYSU Sweden Mudane Amiin Barkhale si uu uga qayb qaato dooda aroornimo ooku saabsanayd ka xuquuqul insaanka & xoriyatul qawlka saxaafada & sida ay Ethiopia ula dhaqanto.

 

X-Hayaha ayaa lagu soo dhaweeyay bal inuu warbixin ka dhiibo dhibaatada ka jirta Ogadenia walow marka su’aashaas la weydiinayay ay kaba dharagsanaayeen cadaymana gacantooda ay ku jirtay, Hayeeshee Amiin ayaa si waafiya uga warbixiyay xaalada guud ee arxan la’aanta ah ee ay Ogadenia ku jirto.

Saxaafada ayaa Mudane Amiin weydiisay waxa ay xaalada Ogadenia ka badali karto tagitaankii ay tageen Martin & Johan & walibana aragtidiisa guud sida uu malaynayo.

Amiin ayaa ku jawaabay waxaan aaminsanahay inay wax badan ka badalayso, waayo xaqiiqo badan oo awal qarsoonaa ayay soo saareen Martin & Johan , sidoo kale wax badan oo nalaga dhagaysan la’aa ama la rumaysan la’aa ayay u sheegayaan caalamka , marka wax weyn ayay ka badali kartaa ayuu ku jawaab celiyay Mudane Amiin.

 

Dhanka kale waxaa su’aal laga weydiiyay xuriyad la’aanta saxaafadeed ee Ethiopia ka jirta sideed u aragtaa? Balse Mudane Amiin oo ah Halyeey cod kara ayaa ku jawaabay maanta Ethiopia ma joogto xili laga hadlo ama la iska weydiiyo xuriyadla’aanta saxaafadeed ee ka jirta, sidaa darteed waxaan idin dhihi karaa waxaad gaadhsiiseen heer aysan joogin oo waad qiimaysan, waxayse ahayd maanta inaan ka hadalno burburka Ethiopia kusoo socdo maadaama aysii kala daadanayso.

Amiin oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi Ethiopia waxaa ka dagaalama ilaa dhawr xisbi oo uu markaas xusay uguna horayso ONLF.

 

Dhanka kale TPLF oo ahaa taliskii wadanka markii hore hayay, markay qabsanayeena jabhadnimo ku qabsaday ayaa hadana qarka usaaran inuu jabhadeentiisii kulaabto, sidaa darteed ayaan idiin leeyahay Ethiopia heer laga hadlo xuriyad saxaafadeed la’aanta ma ay joogto, waa siduu hadalka u dhigayee.

 

SVT ayaa Mudane Amiin u daaray clip ay dhawaan ka keeneen Kenya oo ay ku duuban yihiin dad lasoo jidh dilay & gabadh lasoo kufsaday, sidoo kalana ku duubnaa askarta hawaarinta oo iyaga dhexdooda isku eedaynayay falal dambiyeed ay gaysteen.

Amiin ayaa laga weydiiyay sida uu u arko arintaas & dareenkiisa sida uu yahay?

Amiin ayaa ku jawaabay waxani adinka ayay idinku cusubyihiin lagana yaabo inaad la yaabantihiin, balse anagu waanu ka daalnay waana wax joogta ah oo maalin walba dhaca, in shacabka sidaa loo xasuuqo tuulooyin idil oo waxii kunoolaana dab la qabadsiiyo anaga maalin walba ayaan aragnaa, clip kan noocyahiisa & kuwo kasii daran wey uun soo noqnodaan.

 

Marka lama yaabani waayo iguma cusba ayuu yidhi, jawaabtaas oo saxaafadii ku noqotay wax layaab leh.

Isku soo wada duuboo saxaafada caalamka gaadh ahaan mida Swedeen ayaa il gaar ahaanayd ku haysaa xaalada Ogadenia & dhaqdhaqaaqa gaadh ahaaneeyd ee Ethiopia.

Waxii intaas kasoo kordhaa waanu idinlasoo socodsiin doonaa.

 

Ilwad Ali

ONA

 

Barnaamijkan oo afka Swidishka ku baxaya videoga linkigan hoose ka daawo;

What does Johan Persson and Martin Schibbye for freedom of expression in Ethiopia? <<<GUJI HALKAN>>>

Linkiga kore guji si aad u daawato Filimkaas oo soconaya nusa saac.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay