Go’aamo Kasoobaxay Shirweynihii Odeydaya & Indheergaradka Somalida Ogadeniya Ee Qaarada Waqooyiga Amerika
Shir ballaadhan oo ka dhacay magaalooyinka matanaha ah ee gobolka Minnesota ee carriga mareykanka September 15 iyo 16 2012, waxaa shirkan isugu yimid odayada iyo indheergaradka Ogadeniya ee ku dhaqan waqooyiga Amerika. Shirkan oo qayb ka ahaa shirar ay dhawaanahan isugu imanayeen qaybaha bulshada Ogadeniya waxaa looga wada Hadley isbedellada ka dhacaya Geeska Afrika xilligan xaadirka ah iyo saameynta ay ku yeelanayaan qadiyada Ogadeniya iyo shacabkeeda dhan walba. Shirkan waxaa gabagabadii ka soo baxay baaq iyo go’aamo wax ku ool ah oo meelo badan taabanaya.
Taageero:
Shirku wuxuu si buuxda u taageerey Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeniya wadahadalla bilowga ah ee dhexmaray JWXO iyo Gumeysiga madow ee itoobiya,wuxuuna labada dhinacba ugu baaqay iney ku dadaalaan siduu xal caadalad ah oo waara looga gaadhi laha. Wuxuuna shirku bogaadin iyo ammaan u soo jeediyey jabhadda kaalinta ay soo gaadhsiisey howsha ummadda Ogadeniya ay uhayan,wuxuuna shirku dhiiri galiyey in jabhaddu howsha ummadda sidaas hufan u sii waddo illaa shacabka dhulka Ogadeniya ku naaloodo xorriyad taam ah. Waxaa kale oo uu shirku muujiyey in howsha ummaddu sidii la rebay ay u socoto sidaasna jabhaddu ku sii daadihiso.
Baaq:
Shirku wuxuu Somalida Jamhuuriyadda ugu baaqey in ay gartaan dantooda una midoobaan danta guud mar haddii uu kaligi taliyihii ay u kala dhuuman jireen uu ka baxay geeska Afrika. Wuxuuna soo dhaweyey hanbalyana u direy Madaxweynaha cusub ee loo doortey Somaliya Xasan Sh. Maxamud. Wuxuu shirku si buuxda u taageerey maamul hoosaadka loo sameeyey Jubba land una arkey iney xaq u leeyihiin iney iyagu doortaan maamul dadkiisu raali ka yahey, Somaliyana ay ka helaan xaqooda dowlad hoosaad oo ay u madax banana yihiin.
Go’aamadii shirka:
Odayada iyo indheergaradka Ogadeniya markey dhageysteen warbixinnadii ergooyinkii ka soo qayb galey shirka, markey gorfeeyeen kana doodeen ajandayaashii shirka la horkeeney,markii si faahfaahsan loo qiimeeyey Geeska afrika iyo waxa maanta ka socda waxaa shirka ka soo baxay go’aammadan:-
1. In la taageero wadahallada u dhaxeeya ONLF iyo Itoobiya ee lagaga wadahadlayo qadiyadda Ogadeniya wuxuuna shirku caddeeyey in shacabka Ogadenya uu xorriyad doonayo ee uusan xukun iyo xeedho kordhin midna uusan usoo halgamin inta xoriyad taam ah lahelayana uu halganku sii socondono.
2. In ay muqaddas tahey loona howl galo midnimada Somalida Ogadeniya lana dhiso guddiyo ka shaqeeya arrimaha midnimada iyo sidii bulshadu wax u wada qabsan laheyd una hanan laheyd xorriyadeeda mustaqbalka dhow.
3. In laga hortago cadowtinimada iyo faragalinta maamul goboleedyada Soomaalidu ku hayaan shacabka Ogadeniya lana magacaabo guddi wax ka qabta arrimahaas.
4. In loo sameeyo odayada Somalida Ogadeniya guddi guud iyo kuwo gaar gaar ah oo si joogta ah u howl gala qaatana kaalintoodii odeynimo ee ay bulshada ku lahaayeen.
Odayada iyo Waxgaradka Somalida Ogadeniya ee Qarada Waqooyiga Amerika
MIDNIMO WADATASHI MINTID
ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=16423
















