Maqaal aad u xiisa badan oon ka akhriyay waagacusub ayuu qoraaga maqaalka la yaab ku tilmaamay ka maqanaanshihii labadaa masuul caleemasaarkii M/weynaha cusub ee Somaliya.

Wuxuu yidhi qoraaga maqaalka Daahir Alasow oo ka mid ah madaxda ururka saxafiyiinta Somaliya ASOJ; ” Faroole iyo Siilaanyo markii ay Meeydka Melles Zenawi ku dul barooranayeen Addis Ababa ma meeqaam Madaxweyne ayaa loo qaabilay, ma dalSomalia ka baxsan ayey ahaayeen? mise Gumeyste baqtiyay Aaskiisa ayaa kala qiimo badan Caleemasaarka Madaxweyne Soomaaliyeed.

Inkastoo lagu xasuusan doono inay dib u dhalashada Qaranimada Somalia ka xun yihiin kana soo horjeedaan oo ku fikirayaan sidii loo fashilin lahaa hadana Waa hubaal in Faroole iyo Siilaanyo Somalinimada meel uga dhaceen ,taas oo ka dhigan inay Taariikhda Somalia ka galeen Baal madoow!  Hadii loo raaco dalabkooda in Beesha Caalamka ku casuunto Caleemasaarka Madaxweynahooda, walaalkooda, wiilkooda Soomaaliyeed waxaan dhihi karnaa , Ma jirto Garaadxume ka liita nin sugaya  in gurigiisa laga sooro balse Abwaan Sangub oo Muqdisho jooga mar aan telefoon kula hadlay Caawa wuxuu igu salaamay.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhamsytiran; 

http://waagacusub.com/news/18.09.12.1%20faroolevssilaayo.htm

ONA.