Ogaden News Agency (ONA)

Hawl-wadeenada jaaliyadda Ogadenya ee Galbeedka Australia oo shir muhiim ah isugu yimid

Maalintii ay Taariikhdu ahayd 17\9\12 ayaa waxaa shir muhiim ah isugu yimid  hawladeenada jaaliyada Ogadenia ee galbeedka Australia (Perth). Shirkan oo lagaga hadlayay Arimo muhiima ayaa waxaa sidii caadada u ahayd shirarka jaaliyadaha waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah  oo uu soo jeediyay Mudane Sheekh Abdiqadir.

Wacdigii diiniga ahaa ka dib waxaa laguda galay ujeedadii shirka oo uu soo bandhigay Gudoomyahay Jaaliyada Somalida Ogadenia  perth Halgame  Aden Dakhare isagoo ka warbixiyay waxqabadka jaaliyada oo sheegay inay jaaliyadan ay had iyo goor heegan u tahay halganka lagu xoraynayo Ogaadeeniya.

War bixintaa Gudoomiyaha jaaliyada ka dib wuxuu codbaahiyaha ku soo dhaweeyay afayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia mudane Cadaani Hirmooge oo si qoto dheer uga waramay xaalada guud uu wadanku ku suganyahay iyo isbadalada kasoo cusboonaaday Geeska Africa.

Intaa kadib waxaa madasha lagu go’aamiyay in la qaban-qaabiyo mudaharaad wayn oo lagaga soo horjeedo xasuuqa balaadhan ee gumaysiga Itobiya uu ku hayo shacabka S.Ogadenia.

Shirkan ayaa ku dhamaaday jawi farxad iyo afgarad ku dheehantahay.

Perth

ONA

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=16460

Posted by on Sep 18 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,433
  • Last 7 days: 59,626
  • Last 30 days: 246,998
  • Online now: 15
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com