Wadanka Itobiya waa wadan ay deganyihiin qiyaastii inkabadan sideetan qowmiyadood oo kala luuqad, kala diin , kala dhaqan iyo kala muuqaalba ah.

Marka aan eegno xaalada uu ku suganyahay ciidanka Itobiya waxaan si aad u fudud u fahmi karnaa in ay Itobiya qarka u saaran tahay kala guur iyo burbur.

Laga soo bilaabo wakhtigii uu taliska Itobiya lawareegay ciidanka guumaysiga Wayaanuhu waxaa marba marka ka danbaysa soo ifbaxayay khilaafaad iyo kala qaybsanaan xoogan oo ciidamada guumaysiga soo kala dhex galayay, waxaana la ogsoonyahay in ay jireen ciidamo xoog leh hogaamintoodiina wataa inay wadanka Eritaria isudhiibeen qaarna meelo kale u baxsadeen.

Ciidanka guumaysiga Itobiya waa ciidan ay kujiraan qowmiyado badan oo kamida sideetameeyaha wadanka Itobiya degan ama u dhashay balse hogaaminta ciidamadaas waxaa afduub kuhaysta ciidanka wayaanaha oo aad u tiro yar marka loo eego tirada ciidan ee ay qowmiyadaha Oromada, Amxaarada iyo qowmiyadaha kale kuleeyihiin oo ah mid aad u badan.

Ciidamada Itobiya ayaa leh qaybo kala Nooc ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Ciidanka Qaranka, Kuwa ay u bixiyeen Faderal Police oo ay ugu tallo galeen inay ku xukumaan caasimadaha ama magaalooyinka waawayn ee Itobiya, Ciidanka Police ka caadiga ah oo ay hada ka gaabsadeen maadaama oo ay dareemeen in aysan ka fiirsan soo xulitaankoodii hore, sidoo kale waxay aas aaseen ciidamo kale oo ay u bixiyeen Liyuu boolis (hawaarin) kuwaas oo ay ujeedada ka danbaysaa tahay in lagu fuliyo falalka ay kula dhiciwaayaan ciidamada qaranka iyo kuwa kale inay fuliyaan.

Ciidamadan ayaa dhamaantood isugujira qowmiyadaha Itobiya hogaamintooduna waxay gacanta ugu jirtaa ciidamada iyo saraakiisha tirada yar ee guumaysiga Wayaanaha waxaa kale oo intaa dheer Ciidan Wayaanaha ugaar ah (AGAZI) laguna maalgaliyo lacagaha deeqda looga helo wadamada horumaray ee loogu talogalay gurmadka dadka tabaalaysan, kuwaas oo dhamaantood ka kooban Wayaane khaas ah oo ku xaraysan meel gooniya diyaarna u ah gumadka hadba qowmiyadii kacdoon samaysa waana ciidamadii kacdoonkii Itobiya ka dhacay doorashadii hore, aadka u laayay shacabkii Addis ababa, wallow ay shaqadoodu intaas oo kaliya tahay, tiradooda oo aad u yar awgeed ayaana loo ogolayn dagaal inay galaan si uusan Wayaanuhu u baabi’in balse heegan u ah gumaadka shacabka rayadka ah ee kuwii addis oo kale.

Burburka ku soo foodleh ciidamadaas

Sidaan horay u soo sheegay waxaa jiray iskudhacyo xoogan oo kasoo dhex baxay ciidamada guumaysiga wakhtiyo badan, Hadaba iyadoo ay iskudhacyadaas iyo khilaafaadkaasi ahaayeen kuwo Nature ah oo kadhex aloosmi kara wadan walba oo uu guumaysi kajiro ayaa waxay guumaysiga wayaanuhu inbadan iskutaxalujin jireen sidii ay hadba u abuuri lahaayeen xeelad cusub oo lagu guumaysto Itobiya laguna afduubto ciidanka Itobiya, taasina waxay usahashay inay ilaa maanta gacanta ku hayaan taliska ciidamada Itobiya qaybahooda kala duwan.

Ciidamada oo sida lawada yaqaan kala leh hogaamin iyo ciidanka caadiga ah ayaa waxaa wakhtiyadii hore khilaafaadka iyo iskudhacyada abuuri jiray ama uu dhibku soo kala dhexgali jiray hogaaminta ciidanka iyo intii indheer garadka ahayd ee ciidanka caadiga ah ka tirsanayd oo ka biyadiidi jiray in ay wayaanuhu xoog ku haystaan hogaaminta ciidanka.

Xaalada dhabta ah ee maanta ay ciidamadaasi ku sugan yihiin ayaa ah mid aan isqarin karin saamayn aad u wayna ku yeelatay shacabka Itobiya, dhamaan ciidamadii waxay gaadheen heer ay qaataan fikirkii iskudhaca iyo khilaafaadka ka dhex abuuri jiray hogaaminta ciidanka oo ahaa mid kasoo horjeeda guumaysiga wayaanaha.

fadaral police ka hadii aan soo qaadano waxaa ugu badan qowmiyada Oromada iyo qowmiyado kale, hogaamintiisana waxaa haysta wayaanaha, hadaba inkastoo wakhtiyadii hore ay arinta khilaafaadku ku koobnayd xam xam iyo khilaafaad hoose oo ay wayaanuhu kii ka horyimaadaba hoos ahaan u dili jireen ayaa waxay xaaladu hada maraysaa in ay xubnaha ciidamada fadaral policeku gaadheen heer ay u kala socdaan qowmiyad qowmiyad, oo intii isku qowmiyad ahiba ay gooni isuraacdo, goonina u tashato, Wayaanaha oo isku dayi jiray inuu hadba xeelad hor leh keeno ayaa hada taagan dib u gurasho.

Ciidamada fadaral police ka oo intooda badan ku sugan magaalooyinka waawayn ayaa hada gaadhay heer ay xanaaqooda ku muujiyaan shacabka iyagoo kooxdii fadaral police ah ee isku qowmiyad ahiba markay dariiqyada magaalada marayaan gumaada oo laaya dhacna u gaysta shacabka ay u gartaan inuu qowmiyad kale yahay si ay u aargoostaan ama ugu ciilbaxaan.

Heer aad u xun meeshii ugu danbaysayna maraya ayaa ka dhex abuurmay guud ahaantoodba. Tusaale ahaan marka qof danbiile ah ama tuug ahba ay fadaral policeku qabtaan waxay gaadheen heer hadii uu meeshaas ku suganyahay xubin police ah oo ay tuugaas isku qowmiyad yihiini inuu dagaalamo kii soo qabtayna uu qowmiyadiisa uu aargoosi ugu tago.

Ciidamada Qaranka waa sidaas si le’eg waxayna gaadheen heer marka ay dagaal la galayaan CWXO ay isugu dhex qariyaan xabada iyagoo kala aargoosanaya taasina waxay ku kaliftay in marka ay xabadi dhacdo uu ninwaliba dhabarka saaro kay isku qowmiyada yihiin isagoo cabsi tan CWXO mid la mida ka qaba ciidanka uu ka tirsanyahay.

Ciidanku waxay bilaabeen inay kacaga jiidaan amarada kaga imanaya hogaamintooda Wayaanaha taasina waxay sababtay in ay guumaysiga wayaanuhu isku dayeen inay adeegsadaan qowmiyadaha ugu tirada yar Itobiya ee layaso, iyagoo ay ujeedadoodu tahay in ninka ay qowmiyad layasi jiray ay ka soo qaataani uu iyaga uun aaminsanaandoono (tusaale ahaan dhanka maamulka fadaraalka ku xigenka k/t Meles qowmiyadaas yar yar ee layaso ayuu kasoojeedaa) balse waxay u horseeday arintaasi gadood ciidan oo hor leh, kadib markii ay xoogii ciidamadu dareemeen qorshuhu inuu yahay shuqul Wayaane, Hadana waxaa ka dhex taagan kacdoono burbur qarka u saaran.

Shacabka oo dareensan khilaafaadka iyo dhibaatada ka dhextaagan ciidamada Itobiya ayaa ku sugan cabsi aad u badan, waxaana aad u saamaysay qabyaalada aadka u fog ee ay wayaanuhu ka dhex abuureen ciidamada..

Sidoo kale Tusaale yar hadii aan kasoo qaadano ciidanka Cabdi illey ee ay wayaanuhu u bixiyeen Liyuu boolis (hawaarin) ayaa noqday kuwo ay wayaanuhu u carbiyeen fulinta awaamiirta ay kala lexjecloodaan ciidamada qaranka iyo kuwooda kale.

Sharciyada Caalamka ama Qaramada Midoobay waa kamamnuuc in cunug yar oo aana qaangaadhin (under age) qori loo dhiibo ciidana lagadhigo. iyadoo ay sidaas tahay ayaa waxay wayaanuhu sameeyeen in ay ciidanka hawaarinta ee Cabdi illey shuruud uga dhigeen inuu ruuxa kamid noqonayaa noqdo -Under age-, ama qof aan dhanayn, Ciyaalasuuq iyo Dadka xaal waaga ah ee lagu tilmaamo dadka nolosha caadiga ah laqabsankari waayay ee bilaa rajada ah.

Hadaba inkastoo ay wayaanuhu ciidankan ka heleen ujeedadii ay u aasaaseen ayaa waxaa dhanka kale khasaare aad u wayn ku noqday dhalinyaradii Soomaalida ee ciidankaas ku jirtay oo markii labaray dhac, kufsi, dil bilaash ah iyo daroogo badan ay dhalinyaraasi isu badaleen kuwo aan ka amar qaadan cidii amri jirtay, taasina waxay tilmaamaysaa in uusan qofka Soomaaliga ah hadii uu mar ciyaalasuuqoobo ama daroogiiste noqdo in uusan noqonayn qof amar ku shaqeeya, waxayna ka waayeen sidii ay uga barteen ciidamadii kale ee Itobiya.

Yaryarkan lamaandooriyay ee loo bixiyay Liyuu boolis (hawaarin) ayaa bilaabay inay falalkii ay miyiga ka fulin jireen ee gumaadka iyo kufsiga iyo dhaca iyo jidh dilka ahaa ay ku soo rogeen magaalooyinkii ay dadka faraha badani daganaayeen ilaa heer ay magaalada Jigjiga oo ahayd meel ay wayaanuhu u ekaysiin jireen inuu sharci ka yaraha jiro, ay hawaarintu gaadheen heer ay xitaa maamul ku sheegii wayaanaha ama kuwii ay wayaanuhu adeegsanayeen kusoo rogaal celiyeen, taasina ay kaliftay in Soomaalidii kale ee iyagu waxoogaa gobolada hoose yaraha dhaamay ay dareemaan dhibaatada haysata shacabka gobolada hoose.

wayaanihii oo aad uga fajacay amar diidada ay hawaarintu bilaabeen ayaa walwal aad u wayn ka qaaday hab u socodka ciidanka hawaarinta Cabdi illey, waxayna go’aansadeen dhawaana la filayaa inay kordhin doonaan Xerooyinka guumaysiga ciidamada qaranka ee ka jira Ogaadeenya si ay uga digtoonaadaan ciidamada hawaarinta, waxaase intaas u siidheer ciidankii ay goobahaas gayn lahaayeen oo kacdoon xoogani ka dhex aloosanyahay.

Dhibaatooyinka ka dhex aloosan ciidanka guumaysiga iyo siyaasada wayaanaha ee guuldaraysatay mid hal qoraal lagaga faaloon karo iyadoo aysan ahayn ayaan islamarkaana tixgalinay in uusan qoraalku dheeraan akhristuhuna ku caajisin.

Ugu danbayn waxaan odhan lahaa ama aan qabaa in dhexda loo xidho si ay dareen wadaninimo ku dheehantahayna loo dardargaliyo taageerada lala garabtaagan yahay wiilasheena qoryaha wata ee dhiigoodii, naftoodii iyo noloshoodiiba u huray Calanka Ogaadeeniya, Ujeedadooduna ay tahay in mar uun ay gabdhaha Ogaadeen, hooyooyinka Ogaadeen, odayaasha Ogaadeen iyo dhalinyarada Ogaadeen ka baxaan ciilka iyo calool ka oyga uu wayaanuhu ku hayo indhahana saaraan Calankeena oo babanaya guri walbana ay saaraan insha allaahu tacaalaa.

Calanka Ogaadeenya
calankaogaadeenya@yahoo.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay