Ogaden News Agency (ONA)

Warbixino dheeraad ah oon ka helnay dagaalkii lagu qaaday Barmiilka

Warar muhiim ah oon ka helnay gudaha Ogaadeeniya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal aad u khadhaadhaa oo ka dhacay Magaalada Barmiilka, weerarkaasi oo lagu qaaday fadhiisin ay askarta gumaysigu ka daganaayeen magaaladaasi.

Waxay cutub katirsan NH/CWXO 8dii Bishan 9aad ee 2012 weerar ku qaadeen Magaalda Barmiilka fadhiisin ay Askarta gumaysigu ku lahaayeen halkaas. Wararar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerarkaa oo ku saabsan khasaara dagaalkasi uu u gaystay cadawga oo ah bakhtiga ciidankiisa. Warkii ugu dambeeyay een ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in askarta gumaysiga ee lagaga dilay goobta ay gaadhayaan in kabadan 55 Askari halka dhaawacuna uu ahaa  61kale.

Dhanka kale 16/09/2012 Deegaanka lagu magacaabo Tar-foodley oo katirsan magaalada godey dagaal ka dhacay ayaa waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay 2askari waxaan lagaga dhaawacay 2kale. Sidoo kale dagaal ka dhacay deegaanka Dooxa- yarey oo Qobridahar karitsan ayaa waxaa lagu dhaawacay 2 askari oo kuwa gumaysiga ah.

Isla 16/09/2012 Dagaal isna ka dhacay meesha lagu magacaabo Cabdille-gadda oo katirsan Galaalshe aya waxaa askarta gumaysiga loogu gaystay khasaare lixaadle.

ONA.

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=16501

Posted by on Sep 20 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 5,386
  • Last 7 days: 41,788
  • Last 30 days: 183,878
  • Online now: 19
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com