Waxaa ugu horeynba marag ma doonto ah in ONLF lagu qasbay inay qoriga qaado si xaqqa uu shacabka Somaliyeed ee Ogadenya u leeyahay Aaya-ka-tashigiisa u helo ka dib markii uu taliska Adisababa ishortaagay rabitaankii shacabka ee baarlamaankii sida sharciga ah lagu doortay uu ansixiyay in afti laga qaado shacabka sidii ku qornayd cahdigii lagu heshiiyay ee (Ethiopian Transitional Charter).

Sida aan lawada socono 20 sano oo dhiig badan uu ku daadatay Ogadenya ka dib, waxaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kadhacay shir ay isugu yimaadeen madax ka kala socotay Jabhada ONLF iyo Itoobiya ujeedadiisuna ahayd in laga wada hadlo sidii loo soo afjari lahaa dagaalada oo loogu heli lahaa qadiyadda Ogadenya xal waara oo keena nabadgalyo ku dhisan cadaalad.

Kulankani ma ahayn kii rasmiga ahaa ee lagu wada hadlayay ama lagaga doodayay waxyaabaha ay labada dhinac kala tabanayaan ama lagu heshiin karo ee wuxuu ahaa kaliya shir lagaga wada hadlayay uun in la isla ogolaado inuu wada hadal dhex maro labada dhinac iyo inkale iyo qaabkii loo qaban lahaa shirka wada hadalka iyo qodobada laga wada hadlidoono.

Jabhada ONLF waxaa lala wada socdaa inay waligeedba diyaar u ahayd wada hadal in lala galo itoobiya lana eego in lagu heshiin karo iyo inkale,  sidoo kalana waxaa lala socdaa inay Itoobiya inbadan isku dayday sidii ay ONLF ula kulmi lahaayeen una wada hadli lahaayeen, hasa ahaatee aanay buuxinin shuruudihii wadahadalka ay ku ogolaan lahayd ONLF intii ka horeysay wadahadalka ka furmay Nairobi. Waxay dadweynaha ay arintan qusayso aad ugu farxsan yihiin inay maanta suuro gashay in si rasmi ah oo sharciga caalamka waafaqsan loo kulmay waana mid ay dhamaan shacabwaynaha Ogaadeenia iyo dhamaan cidii kale ee arimaha Ogaadeeniya danaynaysaaba ay soo dhaweeyeen sababtoo ah waligeedba xabada shacabka S.Ogadenya waxay ahayd mid qasab lagaga dhigay oo lagu raadinayo fursad lagaga gudbikaro xabada iyo dhiiga labada dhinac ka daadanaya. Waana mid la iska wada ogsoonyahay inay munaasab tahay kashaqaynteedu iyadoo aysan macnaheedu ahayn inuu shacabaka S.Ogadenya ama jabhadda ONLF ka daaleen halganka ama isbadal ka duwan fikradihii hore uu yimid ee waa hawl kamida uun hawlaha halganka lagu jirro.

Haddaba marka aan eegno xaalada lasoo daristay dadka fara ku tiriska ah ee arimaha wada-hadalka ku hadaaqay, dadweynaha Ogadenya ee sida dhabta ah u yaqaana kooxdaa waxay ogyihiin inay yihiin kuwo iyagu ku nool gumaadka shacabka S.Ogadenia oo aysan habayaraatee wax dan ahi ugu jirin in ay meesha nabadi ka dhalato iyagoo is aaminsiiyay inay noloshoodu ku xidhan tahay xabada socota oo ay u arkaan inay tahay takaliya ee ay kusii noolaan karaan. Dhinaca kalana ay ku adag tahay waxa ku iman doona dhiigii shacabka ee ay xalaalaysteen iyadoo laga wada dharagsanyahay halka ujeedo ee ay arintan kaga hor imankaraani waxa ay tahay.

Waxay ONLF iyo Itoobiyaba shaaciyeen in si heerka caalamka waafaqsan loo kulmay laguna heshiiyay in wada hadal rasmi ahi uu dhex maro Jabhada ONFL iyo Itoobiya, oo laga wada hadlo masiirka dhabta ah ee shacabka S.Ogadenya. Waxaase durba la arkayaa labada koox ee kala ah gumaysi-kalkaalka Jigjiga iyo hadhaagii Itixaadka ee ku biiray Liyuu Boolis (sida aan ka daawanay Al-jazeera) oo jahawareer uu ku dhacay lagana dareemi karo hadalada ay isla dhex marayaan inay uga soo horjeedaan wadahadalkaa u furmay labada dhinac si maslaxadooda gaarka ah waafaqsan. Sidaa darteed ayay ugu qorayaan shabakadahooda wax aan jirin. Waxyaabaha ay ka hadlayaan kooxda fasaqantay ee Itixaadka sheegan jirtay marka aan eegno waa wax uu ruux walba oo uu ilaahay caqli siiyay fahmi karo ujeedada ay ka leeyihiina inay tahay oo kaliya inay kazoo kabtaan ceebtii ay horay u galeen, markii ay shacabka Ogadenia si aad u fool xun ugu dhex ceeboobeen gabi ahaana kaga dhexbexeen shacabwaynaha Ogadenia, islamarkaana  waxa ay leeyihiin ama ay rabaani waa hal arin oo ah inay ka dhaadhiciyaan inta dhagaysata anagu shalay waan saxsanayn markaan isdhiibnay oo waaka ay Jabhaduba hadda isdhiibayso. Waxayse moogyihiin inuu shacabka Ogadenya aad uga dharagsan yahay farqiga u dhexeeyay labada urur inta uu le’eg yahay.

1. Ururkii horay ujiri jiray ee al-itixaad mar uu dagaalami jiray oo ay gudaha wadanka  joogeeni way jirtay laakiin inaynu dhahno way jiri-jirtay mooyee miyaan la ogsoonayn inay mudo aad u dheerba kala tageen oo ay kala danaysteen. Arintaasi mid laqarin karo maaha oo waa wax cad oo aan iswaydiin u baahnayn. 

2. Kadib markii uu ururkaasi baaba’ay ayaa waxaa siyaabo kala duwan Itoobiya ula shaqayn jiray intii wakhtigii uu ururku jirayba hogaamin jirtay oo ugu danbayntii markii ay wax ay qabtaan ay garan waayeen dan mooday inay si shakhsi shakhsi ah oo qarsoodi ah isu dhiibaan waana laga warhayaa arintaasi inay tahay mid jirta. Ugu danbayntiina waxaa u suurawday inay isasoo uruursadaan intoodii heshiiska ku ahayd isdhiibidu sidaasna ay Itoobiya ergooyin ugu dirsadeen halkaasna loogu ogolaaday inay isdhiibaan. Halka arin ee laga ogolaadayna ay ahayd in la amaangalin doono waxoogaana loo tuuri doono. Ujeedada ay Itobiya ka lahaydna wuxuu ahaa inay dacaayad ku hesho, isla markaana ay garwadeen u noqdaan maleesiyada Liyu booliska.

Dhanka kale marka aynu eegno xaalada Jabhada ONLF.

  1. Waa jabhad caalami ah dhamaana shacabka Ogadenia uu wada taageersan yahay dal iyo dibadba taasina mid cidna ka qarsoon maaha. Gudaha anagaa ogsoon, dibadana waan lalal wada socdaa.
  2. Waa jabhad ciidan ahaan iyo hogaamin ahaanba u dhisan oo waliba cudud aad u xoogan leh jiritaan-koodana uu caalamka oo dhani ogsoonyahay.
  3. Waxaa la ogsoonyahay inay itoobiya hadda ka hor dhowr jeer isku dayday sidii ay jabhada uwada hadli lahaayeen oo ergooyin badan u dirtay, halkaasna waxaa laga daalacan karaa sababta keentay arimahaasi inay tahay Itoobiya oo garwaaqsatay jiritaanka iyo cududa jabhada ONLF dhan ciidan iyo dhan siyaasadeedba.

 

Haddaba iyadoo aysan iga ahayn is barbardhiga ururkii al itixaad iyo Jabhada JWXO oo aysan taasi ahayn mid munaasaba in la isbarbar dhigo balse ujeedada aan ka leeyahay waa un si loo fahmo qoraalada qaarkood ay qorayaan labadan koox ee kala ah kuwa Jigjiga fadhiya iyo hadhaagii Itixaadka oo doonaya inay isbarbar dhigaan JWXO hasa ahaatee ay tahay wax aad loogu qoslo oo dhalaankuna fahmi karo ujeedada kaliya ee ay kaleeyihiini inay tahay uun inay dhahaan; anaguba sidan oo kale unbaanu heshiiska u galnay ama wadadan unbaan marnay. Goormaa la maqlay wadahadal ayaa u socda UWSLF iyo Itobiya? Caalamka iyo shacabka S.Ogadenya markii ugu horeysay ey maqlaan waxay ahayd un iyadoo la leeyahay Adisababa ayay Ibraahim dheere iyo Dr. Sheferow Tagla Mariam heshiis ku kala saxiixdeen. Heshiiskaa wuxuu ahaa iyo ceebta ka raacday waagaa kuwii saxiixay halkan ka akhriso .. http://somalitalk.com/2010/uwslf/

Balse xaqiiqdu waxay tahay wadada ay ONLF hayso inay tahay mid caalami ah oon u baahnayn faallo badan, oon habayaraatee isdhiibitaan iyo wax lamida toonana lagu tilmaami karin ilaa hadda.  

Hadhaagii Itixaadkana waxay dusha iska saareen ceebtii hore mid kasiidarin uun maanta mar haddiiba ay isku dayeen inay wax kasheegaan kulanka JWXO iyo Itoobiya. Waxaana intaa dheer shacabka Ogaadeeniya oo maanta taagan heer aad u sareeya dhanka bisaylka siyaasada iyo dhanwalba oo arintan ay soo hadalqaadeena ku tilmaamay ceeb hor leh oo ay ku darsadeen tiihore iyo waliba isdhiibitaankoodii oo ay shacabka marlabaad xasuusiyeen.

Dhanka kale kooxda gumaysiga u jooga Jigjiga oo ka kooban shakhsi aan damiir, diin iyo wax haba yaraatee aqoona aana lahayn iyo inyar oo wehelinaysa oo calooshood la ciyaar ah, ayaa waxa ay bilaabeen ficilo ay xooga ku saarayaan inay bal in uun carqaladeeyaan wadahadalada u bilawday JWXO iyo Itoobiya balse waa wax iska fashilan ishana ay labada dhinacba ku hayaan lalana socdo dhaq-dhaqaaqooda iyo sidii looga feejignaan lahaa.

Haddii aan soo qaadano ficilada ay ku dhaqaaqeen ee ay ku fashilmeen waxaa kamida xasuuqii kadhacay Qoriilay iyo waxyaabo kale oo xasuuqaas laxidhiidha. Dhanka kale waxay isku dayeen inay odayaal ay qasbeen soo uruuriyaan iyagoo ku leh qasab ku canbaareeya wadahadalkaas balse waalaga horjoogsaday maadaama horayba loola socday fikirkooda, sidoo kale qoraal dheer oo aan macno ku fadhiyin ujeedooyin kala duduwan oo iskahor imaanayana ay kaga hadleen ayay soo daabeceen inkastoo ay iyagu caqli ahaan qaabka ay wax u qoreen larabeen iyagoo dhinacna iskaga dhigaya dad aan caqabad ahayn dhinacna raba inay wax ku xumeeyaan ayaa waxaa hadaladooda kamida in ay Jabhada JWXO waa hore Itoobiya isu dhiibtay oo ay heshiis qaadatay balse caqli xumidooda iyo heerka aadka u liita ee uu garaadkoodu taaganyahay mafahansana inay iyaga laftoodu ceebaynayaan nidaamka ay sheegaan inay kamid yihiin ee ah Itobiya oo ku waqtigan xaadirka ah ku hawlan wadahadalka ay jabhada la galayaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Itobita Bareket Simon. Dhanka kale caqligoodu ma uusan garadsiinin inay si kale u dhigaan ama ay qaab kale uga hadlaan arinta ee sidii ruux qarwaya oo kale ayay iska hadaaqeen waase loowada joogaa sida ay wax u dhicidoonaan.

Ugu danbayntii; Shacabka sharafta badan ee S.Ogaadeeniya waxaan usoo jeedinayaa inay sidii ay awalba ay hakganka u taageersanaayeen ay u sii xoojiyaan sababtoo ah Itoobiya wadahadalka waa lagu heshiin karaa ama waa lagu kala kici karaa, balse inay shakhsiyaad calooshooda u shaqaystayaal ahi ku hawoodaan inay wax ka sheegaan waa mid uusan shacabku u dulqaadan doonin fiiro gaarana in loo yeesho loo baahanyahay.

Dr. Muxumed Macalin.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay