Ogaden News Agency (ONA)

Jaaliyadda Australia oo ka banaabaxay dhibaatada lagu hayo shacabka Ogadenya

Taariikhdu Markay ahayd 23\9\12 ayaa waxaa mudahaarad wayni uu ka dhacay Galbeedka Australia ( Perth). Mudaharaadkan oo ay qabteen Jaaliyda Somalida Ogadenia, uruka OYSU iyo jaaliyada Oromia, ayaa waxaa lagaga soo horjeeday gabood falada iyo xasuuqa ba,an ee uu gumaysiga macangaga ah ee gabalkiisii sii dhacayo “Ethiopia” ku hayo dadka shacbka ah ee aan waxba galabsan.

Mudaharadkan ayaa lagu hor qabtay Park wayn oo loo yaqaano Kings Park waxayna mudaharaadayaashu lug kutageen aqalka Parlamanka ee western Australia.

Dadkan mudaharaadayay  ayaa qaar kamid ahayeen caruuro waalidkood ku waayay xasuuqa binimadamnimada kabaxsan ee lagu hayo umada reer Ogadenia caruurahaas iyo dhamaan mudaharadayaashii ayaa dareenkoodo iyo shucuurtoodu aad u kacsanayd kuna dhawaaqayay  erayada sida Stop Human rights violation in the Ogaden,  Stop killing the Innocent People in Ogaden! Stop arresting, Stop raping, stop brutality, we are the Voice for the Voiceless in Ogaden Our Voice must be Hard! Freedom of speech should be respect!  Free Ogadennia we deserve our freedom and justice, Ethiopia government should respect human rights!  where is international community! Erayadan iyo kuwakaloo badan oo dareenka da waynaha joo jiidanayay ayay mudaharaadyaashu ku dhawaaqayeen.

Intaa kadib  Gudoomiyaha jaaliyada Somalida Ogadenia Halgame Aden Dakhare ayaa soo jeediyay qudbad ah  inuu adunwaynuhu indhaha ukala fura xasuuqa tacadiyada iyo saxxafadaha laga xidhayo Ogadenia.


ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=16649

Posted by on Sep 23 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,814
  • Last 7 days: 59,764
  • Last 30 days: 246,096
  • Online now: 41
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com