Ereyadaa aan kor ku qornay si loo kala fahmo waxaa lagama maarmaan ah in marka hore la qeexo Nabad iyo Colaad waxay kala yihiin iyo siday ku yimaadaan.

Nabadda ayaa horta asal u ah xidhiidhka aadanaha. Mana burburto nabadda ilaa uu daraf ka mid ah labada daraf ee xidhiidhka uu ka dhexeeyo ku xadgudbo. Xadgudubkaana waxaa keena badanaa damac. Ilaahay ayaa ku abuuray banii-aadamka waxa Damaca la yidhaahdo, oo ah inuu qof doono inuu ku darsado oo qaato darafka kale wuxuu haysto ee maal iyo xoolo ah ama dhul ah, amaa dad nooloo uu adoonsado ah. Darafka kale ee lagu soo xadgudbay sadkiisii in la qaato ama dadkiisa la adoonsado haduu u hogaansamo xad-gudubkaa oo ah siduu doonayo qofka uu damaca wado, Nabada uu doonayo dambiilaha ayaa sii soconaysa oo ah inuu qaato xoolaha darafka kale uuna adoonsado. Haduuse ka dhiidhiyo qofkaa oo diido in la dhoco xoolihiisa iyo dalkiisa ama la adoonsado, waxaa halkaa ku burburaya nabadii dhex tiilay waxayna noqonayaan dulmiile weerar ah iyo xaqle difaac ah.

Taariikhda fog hadaanan dib uguba noqonin, xidhiidhka ka dhexeeyn jiray boqortooyadii Abyssinia(ee Itobiya la baxdya qarnigii 18aad) iyo shacabka Somaliyeed wuxuu ahaa mid ku dhisan damaca Itobiya ee boobka iyo isbalaadhinta ku dhisnaa iyo iska caabinta Somalida oo xaqooda difaacayay. Duulaanka iyo boobkii hanatida shacabka ay ku hayeen boqortooyada Itobiya waxay si dhab ah u bilaabatay intuu Minilk caasimadda ka dhigtay Adisababa oo waliba uu xidhiidhka diiniga ah la samaystay quwadihii reer galbeedka ee duulaanka ku soo qaaday Afrika oy qayb ka ahaayeen. Hadaba Colaada ka dhexeysa Itobiya iyo shacabka Somalida Ogadenya asalkiisu waa midkaa. Itobiya oo soo duushay oo ku socota boob iyo jajuub oo leh ogolaada in aan idin xukumo/adoonsado, iyo shacabka Somaliyeed ee Ogadenya oo waligoodba diidanaa xadgudubkaa oo lahaa dalkan anagaa leh. Sidaa darteed Nabad ma jirin hadda ka hor, mana jiri doonto ilaa caqligaa Itobiya uu wax iska badalo oy ka ogolaanayaan in loo sinaado xoriyadda oo aanay isku dayin qowmiyadna inay adoonsato qowmiyad kale.

Nabadda waa asaaska nolosha, waana la wada jeceyahay. Hasa ahaatee nolosha qofka waxaa kala qaalisan Xoriyadiisa markuu  ixtiraamayo Baniiaadam-nimadiisa. Waana sababtaa uu yidhi Mr. Patrick Henry – Give me Liberty or Give Death – Ama xoriyadayda i sii ama i dil. Ereyadaa markuu yidhi caaqilkan waxaa bilowday Kacaankii Mareykanka (American revolution) ay ku xoroobeen. Shacabkii xoriyad doona waa inuu sidaa ku go’aan qaataa. Aan is-dilno ama aan kaa xoroobo. Marwalbana shacabka xaqdoonka ah ee dalkooda difaacaya ayuu ku dhacaa khasaraha ugu badan ee naf iyo maalba leh. Haduu doonayo shacabkaasi inuu ka xoroobo gumaysiga waa inuu u adkaystaa dhibaatada gumaystaha uu ku doonayo inuu ku hanjabiyo. Halkan fiiri; 

http://necrometrics.com/20c300k.htm             

Waxay timaadaa -Aan Wadahadalno- marka lagu hoobto dagaalka u dhexeeya kuwii adoonsigooda u soo duulay iyo shacabkii naftooda u hebeeyay inay xoriyadda ay xaqqa u leeyihiin helaan. Marka uu garwaaqsado dulmiilaha doonaya inuu shacabkaa gumaysto in aanay arintaasi si dhibyar ugu suurta galaynin, oo shacabkan ay ka go’antahay inuu ama u shihiido xoriyadiisa ama uu hanto xoriyadiisa. Markaa umbuu wadahadal dhab ah bilowdaa. Inta ka horeysa, wuxuu gumaysiga ku dadaalayaa inuu shacabka halgamaya gaadhsiiyo heer ay ka niyad jabaan xoriyadooda oy u adkaysan waayaan dhibaatada ay ugu yartahay dilka qofka isagoon waxba galabsan loo dilayo in shacabka lagu argagixiyo. Xasuuqa ka dhacay Ogadenya sanadihii ugu dambeeyay ayaa tusaale u ah dambiyada gumaysiga Itobiya.

http://www.ogadennet.com/?p=16668

Aan wadahadalno macnaheeda ma’aha way heshiiyeen labadii dagaalamaysay. Mana aha daraf ayaa is-dhiibay. Natiijada wadahadalka ayay ku kala cadaanayaan labadaa midka uu noqon doono. Hasa ahaatee daraf walba wuxuu ku dadaalayaa inuu hadafkiisa meelmarsado.

Shacabka Ogadenya wuxuu xaq u leeyahay inuu ka Tashado Aayihiisa, wuxuuna sugay inuu xaqiisaa uga tanaasulaynin dhibaatada xad dhaafka ah ee Itobiya ay u gaysatay shacabka Soomalida Ogadenya 20kii sanee ugu dambaysay gaar ahaan.

Shucuubta Geeska Afrika waxay ku wada noolaan karaan nabad iyo is-kaashi iyo horumar hadii lawaayo damaca is-adoonsiga ee qarnigii 19aad bilowday oo boqortooyadii Itobiya ay qaybta ka ahayd.

ONA.      

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay