Maqaalkan xiisaha leh ee shabakadda Radio Jigjiga uu qoray wuxuu muujinayaa siday ugu diirsadeen shacabka dulman caddaymaha caalamka la soo hordhigay ee muujinaya xasuuqa uu gumaysiga Itobiya ka wado Ogadenya isagoo adeegsanaya eyga ku naaxay hilibka shacabka Cabdi Iley ka dib markuu soo baxsaday halgame Cabdulaahi Xuseen. Qoraalka RJ ee taariikhiga ah oo la odhan karo weedh kasta milyan ayuu kuu qiima yahay, waxaa ka mid ah;

– Bahda RJ ayey ahaayeen kuwii habeen, iyo maalinba qori jirey in gacan yare Cabdi Iley uu yahay kan intabadan soo abaabula hawlgalo ku sheega been abuurka ah, kuwaasoo loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo shacabka aan waxba galabsan si darajo, iyo madaxnimo loogu helo, balse waxaanu had, iyo jeer isweydiin jirney sababta ay dawlada Itoobiya ugu ogolaatay kuwa u shaqeeya iney tacadiyadaas shacabka kula kacaan, balse hada su’aashaasi isweydiin dambe uma baahna, waayo waxaynu hada odhan karnaa dawlada Itoobiya waa tan mushahaarka, iyo sahaydaba siisa dambiilayaasha dhibaatada wada sidaa awgeedna dawladaas, iyo wakiiladeeda Jigjiga u jooga waa dameer, iyo labadiisa dhagood!.

Maqaalka oo dhamaystiran Halkan ka akhri

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay