Wararka nagasoo gaadhaya Xarunta Dhexe JWXO ayaa sheegaya inuu niyab balaadhan ka muuqdo maleeshiyada Hawaarintu ka dib markay u adkaysan waayeen dagaalada isdaba jooga ah ee ay N/hurayaasha CWXO ku qaadayaan fadhiisimaha ay askarta wayaanuhu ku leeyihiin magaalooyinka waayeyn ee Ogaadeeniya oo maxaysatada Hawaarinta ay gabaad u ahaayeen.
Waxaa Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 26 Sep 2012 goostay maleeshiyaad joogay Deegaanka Gunagado ee Gobolka Jarar ku waasi oo isu soo dhiibay Qaybta Duufaan ee CWXO. Dhalinyarada isu soo dhiibtay CWXO oo aad u tira badan ayaa waxaa hogaaminayay rag ay kamid ahaayeen Cabdulaahi Ibraahim iyo Cabdi Dhuux.

Hawaarintan isu soo dhiibtay Qaybta Duufaan ee CWXO ayaa la sheegayaa inay lasoo goosteen hubkoodii waxaana hadda gacanta ku haya maleeshiyadan soo goosatay waaxda qaabilsan askarta soo goosata ee qaybta Duufaan ee CWXO.
Maleeshiyada hawaarinta ayaa baryahan dambe waxaa ku badanayey baxsiga iyadoo bishan September oo kaliya ay soo gaadheen xeryaha qaxootiga dalka kenya in kabadan labaatameeyo kasoo goostay gumaysiga Ethiopia.

Warar kale oon ka helnay ilo-wareedyo muhim ah oo ka mid ah maamulka JIgjiga ayaa soo xaqiijiyay in Cabdi illay nin walaalkii ah oo ladhoho Khadar ilay ahna ninka jooga qaybta maaliyada ama xisaabaadka ee xafiiska nabadgalyada uu wixii lacago gudaha ka yaalay Cabdi iley uu u kala dhiibay dad ay qaraabo yihiin oo uu Khadar iley ugu horeeyo, waxaana la soo ogaaday in Khadar iyo xaaskiisa ay ku dhex jiraan qorshihii ay wadanka kaga soo bixi lahaayeen si ay dibada u keenaan lacagta wuxuuna soo mari doono sida la sheegayo Talyaaniga ama Germalka isagoo iibsaday Viso lagu dhex mari karo Yurub oo dhan. Arintaasoo u baahan in isha lagu hayo oo lala socdo.

Magaalada Jig Jiga ayaa lagu soo waramayaa in lacag la’aan ay ka jirto kaidb markii dowlada dhexe ay amar ku bixisay in aan la fasaxin miisaniyada Kililka 5aad loogu talagalay. Waxaa lagu soo waramayaa inayna hadda wax shaqo ah ka soconin dalka ka dib markii qandaraasyadi la bixinayay ay joogsadeen oo dhamaan hawlihii ay madaxa isla galeen oo la wada joojiyay.

Wararka farxadda leh ee nagasoo gaadhay dalka Ogaadeeniya ayaa sheegaya in Roobkii Dayrtu uu si wanaagasan uga bilowday dalka Ogaadeeniya iyadoo ilaa shalay uu ka Da’ayey Qaybo kamid ah gobolada Jarar iyo Qoraxay ee dalka Ogaadeeniya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay