Wararka nagasoo gaadhaya Xarunta Dhexe JWXO ayaa sheegaya kadib markii ay Maleeshiyada Hawaarintu u adkaysan waayeen dagaalada isdaba jooga ah ee ay NH/CWXO ku qaadayaan fadhiisimaha ay askarta wayaanuhu ku leeyihiin Magaalooyinka waayeyn ee Ogaadeeniya ku waasi oo gabaad u haa maleeshiyada hawaarinta ayaa waxaa Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 26 Sep 2012 kagoostay maleeshiyaad joogay Deegaanka Gunagado ee Gobolka Jarar ku waasi oo isu soo dhiibay Qaybta Duufaan ee CWXO.

Askarta isu soo dhiibtay CWXO oo aad utira badan ayaa waxaa magacyadoodu ay nasoo gaadheen rag ay kamid ahaayeen Cabdulaahi Ibraahim iyo Cabdi Dhuux…

maleeshiyada hawaarinta ayaa bar yahaan dambe waxaa ku badanayey baxsiga iyadoo bishan September oo kaliya ay soo gaadheen xeryaha qaxootiga dalka kenya in kabadan labaatameeyo liyu poliska qornaa oo kasoo goostay gumaysiga Ethiopia.

Hawaarintan isu soo dhiibtay Qaybta Duufaan ee CWXO ayaa lasheegayaa inay lasoo goosteen Hubkoodii waxaana hadda gacanta ku haya maleeshiyadaan soo goosatay waaxda qaabilsan Askarta soo goosata ee qaybta Duufaan ee CWXO.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay