Waayadanba waxaa socday shaki badan oo dhex yimid u adeegayasha gumeysiga Ethiopia wakiilka uga ah Ogadeniya iyo Woyanaha. Waxaana ONA horey idiinku soo tabisay in xayiraado badan la saaray howlihi ay qaban jireen iyada oo waliba ciidamo kasocda Addis ababa iyo sirdoonka Woyanuhu ay la baxeen cabdi UBO muddana ay soo heysteen.

Waxaa hadaba Xayiraadaha badan kamid ah in Cunaqabatayn si gaar ah loo saaray Dakhligii Miisaniyada ee Kililka uga iman jiray Addis Ababa. Miisaniyadaas oo inteeda badan ku magacowna arrimaha Nabad galyada, iyada oo qeybo yarna laga siin jiray Qandaraasleyda. lACAGAHAN oo intooda badan ay shaqsiyaad jeebka ku shuban jireen ayaa baadhitaano ay ku socodaan si taliska Ethiopia dad badan ugu eedeeyso musuq maasuq islamarkaasna loogu marmarsiyoodo si nidaamiyan ah xabsiyada loo dhiggo u adeegayaasha gumeysiga.

Suuqa magaalada Jig Jiga ayaa lacagahaasqeybo kamid ah lagu sarifi jiray laguna harqin jiray iyada oo dad aad u badan ay shaxaad iyo dhac dhac badan ka heli jireen lacagahaa musuq maasuqa lagagala baxo xafiisyada gumeysiga. Waxaana lagu soo waramayaa in lacagtii dhex ordi jirtay magaalada Jig Jiga aad u yaraatay ama lagaba waayay. Xafiisyadi gumeysigana aanba loo shaqo tagin maadama shaqadoodu aheyd badidood lacagahaas.

Suuqa magaalada Jig Jiga ayaa aad looga hadal hayaa lacagihi faraha badnaa sababta loo wayay iyaga oo ku sheegay dhowr arrimood oo kala gadisan:

Dad ayaa sheegaya in lacago badan la lunsaday iyada oo laga faa ideystay dhimashadii Zenawi oo keentay in haayadaha Gumeysiga Ethiopia oo dhan ay isku dhex yaaceen burburna la soo wajahay Taliskii gumeysiga. Sidaas awgeedna waxaa la lunsaday lacag badan oo dabagal lagu hayo.

Arrinta labaad ayaa lagu sheegaya inay tahay

waxaa jira walaca  balaadhan  oo  gumaysigu  ka  qabo  kooxda  Abdi  UBO oo ku  jirta  hardan  iyo  boos  iska  riixasho  waxaana suura  gal  ah In ninba inta uu  hayo la  baxasado  taas  oo  gumaysiga  ku  beertay walaaca  xoogan loona  hakiyey  lacagatan  ilaa  xal  laga  gaadhayo  kooxadan lana qoondenayo ninkii  badali lahaa Cabdi  Ubo ee  misaaniyadan  lagu  aamin  lahaa.

Mida kale ayaa lagu sheegaya inay kadanbeyso wadahadalada u furmay Ethiopia iyo Ururka ONLF. waxaa aan u maleynayna sababta loo hakiyay Miisaniyada kililka inay tahay Gumeysiga oo  isbadal siyaasadeed raba innuu ka hirgaliyo Dhulka Ogaden si uu gogol xaadh ugu sameeyo wadahadalada ONLF iyo Ethiopia u bilaabanaya.

Sikastaba hanoqote waxaa walaac badan oo dhaqaale iyo dhan amniba so foodsaarantay u adeegayaashii Gumeysiga oo dad badan oo kamid ahina waayadanba kasoo fakanayeen. waxaa dad badan la aaminsanyahay in lagu soo eedeyn doono musuq maasuq iyo waxii lamid ah sida horeyba caadada ugu ahaan jirtay Gumeysiga.

ONA

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay