Warka aan ka helayno gudaha magaalada Q/dahare ayaa sheegaya inay askarta gumaysiga Itobiya iyo dabaqoodhiga la socda ee loo yaqaano Hawaarin ay tan iyo shalay oy taariikhdu ahayd 30/9/2012 wadeen olole ka dhan ah dadkii daganaa Tuulada Ceel-xaar oo 7KM ka durugsan Qabridahar, magaala madaxda Gobolka Qoraxay.

Ololahan nacabka ah ee askarta gumaysiga iyo maleeshiyada hawaarinta ay bilaabeen ayay gabi ahaanba waxay ku dumiyeen guryihii iyo aqaladii tuulada waxayna dadka isugu keeneen oo ay ku soo ururinayaan xaryaha ciidanka ee gumaysigu ku leeyahay deegaanadaasi.

Dadka aqaladoodii la dumiyey oo aad u cadhaysnaa ayaa ku soo xareynta xeryaha gumaysiga diidmo aad u adag ka muujiyey waxaana lasheegayaa in shacabkii degaanka Ceel-xaar ay ciqaab iyo jidh-dil u gaysanayaan askarta gumaysiga Itobiya iyo dabaqoodhiga la socda.

Ma aha markii ugu horaysay ay askarta gumaysigu gubaan  ama dumiyaan tuulooyinka Ogaadeeniya.

Fal-dambiyeedkan loo gaystay tuulada Ceelxaar oo faahfaahsan ayaan baadhitaan ka dib idiin soo qori doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay