Laguma hayo taariikhda qof gumaysi u adeegayay oo wanaag ay ka qortay. Xataa haduu gumaysigaasi ka guulaysto shacabkii halgamayay, wuxuu ahaanayaa un khaa’in gumaysiga uu adeegsan jiray oo muhimadii laga lahaa ay dhamaatay qofkii ka midka ahaa shacabkaasi ee la socday gumaysiga ama isu dhiibay. Meesha qofka halgamaaga ah haduu guulaysto iyo hadii laga guulaystaba uu uga tagayo taariikh ifaysa umadiisa iyo shucuubta caalamka oo idil ay bidhaansadaan.

Labada halyay ee Afrika ka hanaqaaday bilowgii qarnigii 19aad, waa Sh. Cumar Mukhtaar iyo Sayid Maxamad Cabdille Xassan, oo labadaba aan gaadhin hadafkay u dagaalamayeen oo gumaysigii reer Yurub uu ka adkaadey, ilaa maanta waxaa lagu dhigaa taariikhdooda jaamacadaha caalamka, gaar ahaan jaamacadaha gumaystayaashii ay la dagaalamayeen.

Waxaan la soconaa inay boqolaal odayaashii waagaa noolaa iyo boqolaal dhalinayara ah oo la duufsaday ama dhuuni u raacay ay la socdeen gumaysiga oy garab ordayeen oo ciidanka gumaysiga uga dheeraynayeen xataa dilka iyo gumaadka mujaahidiintii la socotay labadaa halyay.

Waxaa kaloo jiray qaar badan oo dhexda kaga tagay halgankay la wadeen walaaladood oo u tagay gumaysigay la dagaalamayeen markay u adkaysan waayeen dhibka halganka ama ka adkaysan waayeen laaluusha gumaysiga .

Siyid M. Cabdille xassan isagoo ka faanaya kuwa noocaa ah wuxuu yidhi;

· Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooyeh

· Diintayda anigaan ku gadan dabaqii naareedeh

· Anaan labada daarood tan hore darajo moodaynin.

· Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu gelineh

· Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabaneh

· Doofaarka eyga ah anaan daarihiis gelineh

· Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhaneh

· Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyineh.

Kuwii noocaa ahaa ee Sayidka iyo daraawiishta ka raacay gumaysiga ee ka doortay inay qaataan –deeqda gumaysiga- iyagana taariikhda meel ay kaga xusan yihiin lama hayo.

Halganka shacabka Ogadenya uu maanta ku jiro halganadii Gobanimada ee shucuubta caalamka ay soo mareen umbuu la mid yahay. Intuu halganka socdo qaar badan ayaa gumaysiga garab yaaci oo gumaysiga uu ku raran agabka, qaar ayaa gadhwadeen u noqon, qaar ayaa u gali oo walaalkii loo soo diri. Arimahaa iyo ka badanba waxay ka mid tahay wadada halganka xoriyadda loo maryo.

Waxaan xusuusanaa qaar ka mid ahaa G/dhex oo gumaysiga u tagay. Qaar fanaaniin ahaa oo ka soo heesay Jigjiga. Qaar odayaal ahaa, kuwa sheeganaya aqoonyahnimo iyo qaar leh culama diineed ayaan nahay iyo kuwa kale oo intaba ka dagay Jigjiga oo calanka Itobiya soo ruxay. Maxay ku kordhiyeen gumaysiga Itobiya? Maalmo ayay Itobiya u adeegsatay dacaayadda halganka. Qaarkoodna waxaaba loo diray dadkii ugu xigay inay ku soo farfiiqaan oo hortooda lagu dilo.

Waxay ka mid yihiin arimahaa jabka gumaysiga iyo garaad xumadiisa. Inuu kharsh xoogan ku bixiyo soo kaxaynta kuwaa, wuxuuna is-moodsiiyay hadday Jigjiga ugu tagaan kuwaa aan tilmaanay in halganka shacabka S.Ogadenya uu halkaa ku hakan.
Wuxuu moodayaa gumaysiga in soo dhaweynta iyo kal-gacayka loo hayo fanaaniinta iyo abwaanada halganka ay tahay mid shaqsi ah oo haduu kala soo dhex boxo ay soo dabgalayaan dadweynihii ay ku saaxiibeen halganka ee u mashxaradayay markuu isa soo taago masraxa. Shaki kuma jiro inay ka xumaanayaan dadweynihii jeclaa, sida isagoo loo soo sheegay geeridiisa ayayna isugu tacsiyaynayaan. Halkaa ayaana ugu dambaysa hadal hayntiisa dambe.

Wuxuu waaga ku baryaa gumaysiga iyo kuwii isu soo dhiibayba markay arkaan halgankii oo horey uga sii socday iyagiina candhuufta lagu tufayo markii la arko.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay