Nairobi waxaa maanta lagu qabtay shirweyne ay soo qaban qaabisay jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee dalka Kenya shirka oo ay ka qayeb galeen dadweyne aad u badan waxaa goob joog  ka ahaa qaar kamida mas’uuliyiinta Jwxo.Shirka oo qaban qaabadiisu maalmihii oogu danbaysay ka socotay magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyey amaanka Hotelka uu shirku ka dhacay, dadweynaha shirka ka qayeb galay ayuu shirku u lahaa xiiso gaar ah iyadoo ujeedada shirka maanta ay ahayed abaabul jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Kenya kaga qayeb qaadaneyso qorshe guud oo ay samaynayaan Jaaliyada Ogaadeeniya ee aduunka oodhan kaas oo qorshahaas oo si gaar ah loogu abaabulayo bulshada Ogadeniya oo shaqsi kasta oo ree ogadeniya ahi ka qeyb qaadan doono abaabulkaas.

Aqoonyahano iyo Mas’uuliinta Jwxo ayaa shirkan kasoo jeediyay khudbado iyo taariikhda Dhulka Ogaadeeniya oo lagu soo bandhigay shirkan. qodobadaas waxay aad iyo aad u soo jiidatay dadweynihii shirka ka qayeb galay.

Muuqalada shirkan oo sawiro maqal iyo muqaal leh iyo warbixin faah faahsan dib ka filo.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay