Ka hor qabsashadii gumesytayaasha reer Yurub ee qaarada Afrika, Ogaadeeniya waxay ahayd wadan ka mid ah shacab weynihii Soomaaliyeed ee loo qaybiyey shanta, hadana kala ah Soomaaliya, DJabouti, Waqooyi bari Kenya iyo Ogaadeeniya. Haddii aan soo koobno taariikhda gumeysiga iyo qaybintii dhulkii Soomaaliyeed.

1883-1887 qaybsigii Afrika ee reer Yurub waxay Soomaalida u kala qaybiyeen Ingririis, Faransiis iyo Talyaani. Talaabo aanay qaadeen dawlad Afrikaan ah ayuu ku dhaqaaqay boqorkii Abasiiniya ee la oran jiray Mililikhii labaad oo ahayd ka qayb galka qaybsiga Afrika ee gumeystayaashii reer Yurub. Iyagoo gumeystayaasha reer Yurub eegaya danahooda ah in ay gacanta ku dhigaan wadamada la deriska ah Mililikh ayay soo dhaweeyeen, heshiisyo hoosena lagaleen. 1887, Harar magaalo madaxdii gobolka Ogaadeeniya ayay Abasiiniya qabsatay. 1885-1908 Ingiriiska iyo Talyaanigu waxay jabiyeen heshiiskii ilaalinta Ogaadeeniya iyagoo gacanta u galiyay si qarsoodi ah boqortooyadii Abasiiniya. 1895-1922 Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa wuxuu dagaal hubeysan ku qaaday gumeystayaashii ilaa intii uu ka shihiidayey. 1948 Ingiriisku wuxuu heshiis la galay Abasiiniya kuna wareejiyay waddanka Ogaadeeniya. 1954 Ingiriisku wuxuu ku wareejiyay qaybtii u danbeysay ee Ogaadeeniya dawlada Itoobiya.

Taariikhdaas kooban kadib, qofwalba wuxuu dhashaa isagoo xor ah oo madax banaan, qofna looma abuurin in asaagii adoonsado. Hadana taariikhda aadamiga sida ku cad waxaa mar walba jiray is cadaadis, isku dul noolaansho, gumeysi iyo xornimo raadis ka soo horjeeda intaas. Gumeysigu sidiisaba waa qabsasho xoog shisheeye dhul iyo dad uusan lahayn, kana hor istaaga xaqa ay u leeyihiin horumarka dhaqan dhaqaale, bulsheed iyo xoriyada aasaasiga ah ee aadanimo. Inkastoo gumeysigu leeyahay magacyo iyo noocyo kaleba, hadana mida maanta ka taagan Ogaadeeniya waa tan kor ku xusan. Waxaa kaloo taariikhdu ina baraysaa in markasta xaalada gumeysigu abuurto in dadka la gumeystaa layimaadaan iska caabin iyo falal lidi ku ah gumeysiga. Falaalkaas oo ah dhaqdhaqaaqa bulshada masiibadu ku habsatay ay kaga horjeedo gumeysiga si ay isaga tuurto, una helaan xuquuqdooda aayo ka tashi, una gaadhaan horumar dhanwalba ah.

Dhaqdhaqaaqa xornimo doonka ah iyo iska caabinta gumeysigu, wuxuu yeeshaa hogaamin mideysan oo ka soo dhexbaxda kana turjumeysa rabista shacabka xornimo doonka ah. Hogaamintaasi waxay ku soo shaac baxdaa kartida iyo tayada dheeraadka ah ee ay muujiyaan shacabka la gumeysto oo salka ku haysa awoodooda hogaamin. Hogaamintu waxay ku hubeysan tahay aragti iyo khad siyaasadeed oo ku saleysan duruufaha shacabka la gumeysto iyo midka gumeystaba. Hogaaminta hadafkeedu yahay xornimo gaarsiinta shacabka dulman waxaa saldhig u ah in lahelo nidaam xisbi ama jabhadeed oo ku gaashaaman

• Hadaf xornimodoon siyaasadeed oo tawri ah
• Dhaqaale madax banaan oo wadani ah
• Shacab baraarugsan una heelan halganka
• Ciidan xoogan oo tayo sare leh

Hadafka siyaasiga tawriga ahi waa xeerka iyo barnaamijka siyaasiga ah oo habsami u fulintiisu horseedayso in halganka shacabka gobanimo doonku qabsado jid cad oo uu ku xawaareeyo hayaanka halganku. Hadafkaasi waa in uu ku saleysan yahay duruufaha iyo xaaladaha dhabta ah ee shacabka lagumesyto iyo gumeystuhu ku sugan yahay. Hadafkaas oo jaangooyo hufan loo adeegsado wuxuu soo jiidayaa taageerada shacabka Ogaadeeniya iyo caalamkaba. Hadafkaa siyaasiga ah la’aantiis guul lama beegsado, balse waxay keeneysaa majaro habow, kala qaybsanaan iyo jaha wareer.

Dhaqaaluhu waa shidaalka matoorka halganka, hadaan lahelin ama la adeegsan dhaqaale madax banaan, wuxuu halganku noqon mid cadowga u garbo duuban. Sidaa darteed dhaqaalaha halganku waa in uu ku tiirsan yahay shacabka iyo qayraadka dhulkeena oo qorshe dhaqaale oo jaango’an loo sameeyay, si loogu adeego horumarinta halganka iyo wacyigalinta bulshada. Kobcinta halganka iyo socodsiintiisa, waxaa dabooli kara oo kaliya hantida bulshada reer Ogaadeeniya, halgankeenuna waa in uu ku tiirsanaadaa maanka, muruqa iyo maalka umadda reer Ogaadeeniya, sida ay Soomaalidu ku maahmaahdo ”Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa” sidaas daraadeed dhaqaalaha halganku waa in uu ku tiirsan yahay shacabka iyo dhulka Ogaadeeniya.

Horumarka iyo xawaaraha halganku wuxuu si toos ah ugu xidhan yahay heerka baraaruga shacabku gaadhay, hadaba si heerka halganku kor ugu kaco, guushana uu u haleelo, waa in la bisleeyo kasmada iyo garaadka siyaasiga ah ee shacabka reer Ogaadeeniya iyadoo la adeegsanayo khadka tawriga ah iyo siyaasadda hogaamintu u dajisay halganka. Baraarugsanaanta shacabku waxay keenaysaa isku duubni iyo mintidnimo ku hayaamisa shacabka toobiyaha toosan, markaasna waa hubaal in uu halganku gaadhayo guusha xornimada uu hiigdsanayo.

Ciidan tayo leh waa jidka umadda gobonimo doonka ahi ku gaarto xornimada ay higsanayso, waa gaadiidka umaddu ku guureyso ee ay ku geedi galeyso. Ciidanka xoreyntu waa in uu lahaadaa layli sare iyo aqoon ciidan oo tayo sare leh iyadoo lagu qalabeynayo aragtida guud ee halganka, gaar ahaan istaraajiyada iyo xeeladaha dagaalka. Ciidankaas oo ka soo dhex baxay shacabka waa inuu haystaa taageerada shacabka. Ciidanka qaab jabhadeed u dagaalamayaa waa in uu leeyahay karti iyo awood tayo leh, waana in uu helaa daryeel fiican hadba intii awoodu saamaxdo, madaama uu yahay gaadiidka uu halganku ku guurayo oo lantiis ayna suuro gal ahayn in la gaaro yoolka xornimada.

Halganka Ogaadeeniya oo soo taxnaa ilaa iyo markuu gumeysigu qabsaday marnaba uma ebyamin hada ka hor gundhiga qodobada asaasiga u ah ee aan kor ku soo xusnay. Inkastoo dareenka shacabka iyo abaabulka ciidanka xornimo doonku uu had iyo goor sareeyay, waxaan marnaba jirin JWXO ka hor khad tawri siyaasi ah iyo dhaqaale madax banaan, taasoo wiiqaysay ilaa iyo maantana turun turaynaysa habsami u socodka hayaanka halganka xornimo doonka Ogaadeeniya.

Sida taariikhdu inoo tilmaamayso halganka shacabka Ogaadeeniya wuxuu bilowday soo galitaankii Abasiiniya dhulka Ogaadeeniya, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay halgankii ugu horeeyay ee Afrika, waxaanu soo maray heerar kala duwan. Abasiiniya oo had iyo goor damaceedu ahaa in ay qabsato dhulka Soomaalida oo idil, waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay dhulka Ogaadeeniya u qabsan lahayd, taasna waxay u soo gashay dadaal dheer, sida inay u habar wacato xooggag shisheeye iyadoo ku beer laxawsanaysa diin, inay ka qeyb gashay shirkii Baarliin, ee lagu qaybsanayay qaarada Afrika. Iyadoo gumeystayaashii reer Yurub gacan ku siisay qaybsashadii Afrika si ay ugu gacan siyaan hamigeeda qabsashada Ogaadeeniya. Inkastoo ay Abasiiniya ahayd boqortooyo da’weyn, isla markaana ay haysatay ciidamo, ayna caawinayeen qaar kamid ah dawladihii reer Yurub ugu xooga badnaa, hadana kuma ay guuleysan iney qabsato dhulka Ogaadeeniya muddo dhowr boqol oo sano ah. Shacabka Ogaadeeniya oo ah shacab gumeysi diida, islaamna ah, marna isuma dhiibin gumeysiga Abasiiniya, wuxuuna ilaa markii uu gumeysigu soo galay gayiga Ogaadeeniya ilaa maanta ku jiraa halgan xornimo doona. Halgankaas oo soomaray dhibaatooyin duruufeed iyo kuwa siyaasadeedba, cadawguna u maleegayo shirqoolo uu ku tirtiro waligiis, hadana marna uma suuro galin in uu halganku sii xoogaysto mooyee.

Wuxuuna shirqoolada iyo cadaadiska cadowaga uu shacabka reer Ogaadeeniya ka dhaxlay adkeysi iyo bisayl halgameed oo gaaray meeshii ugu sareysay lana loodin karin. Dhiidhigii gumeysi diidnimo ee shacabka iyo waayo aragnimadii halganeed ee la koror saday, waxay shacabka Ogaadeeniya ku hogaamisay in ay tiirarka ugu qotomiyaan halgankii hubeysnaa ee OLF 1963. Halgankaas hubeysani wuxuu cadawga ku dhuftay dharbaaxooyin kulul, wuxuuna gaarsiiyay heer uu ku ladi waayo gayiga Ogaadeeniya. Sidoo kale dareenka iyo doonista shacabka Ogaadeeniya meelkasta oo uu joogayba waxay dhalisay dhisidii WSLF. Hogaamintaas oo horseeday in umadda Ogaadeeniya gasho halgan hubeysan oo aad u kharaar, kuna guuleystay in cadowga laga xoreeyo 97% gayiag Ogaadeeniya. Mase noqon guul lagu raago, waxaana sabab u ahayd khad siyaasadeed iyo hufnaan maamul oon jirin. Taasoo halganka dhaxal siisay kala daadsanaan iyo dib u dhac guud. Ciidamadii xoreynta waxaa loo kala dajiyay qaab qabiil iyo gobolaysi, taasoo keentay midnimo la’aan iyo iska hor imaad gaadhay heer dadweynihii gumeysi diidka ahaa xabadda iskula soo jeesto, waxaana batay dhaca iyo boobka hantida halganka.

Dhibaatooyinkaasi waxay keeneen in shacabku ka rajo dhigo WSLF, waxaanay dhalisay dhismaha ONLF 1984, ee ku saleysan mabda isku-tashiga, waxayna ONLF cadeysay in aan marnaba laga noqonayn wakiil qadiyada Ogaadeeniya. Markii lagu dhawaaqay ONLF si buuxda ayay u heshay kalsoonida shacabka Ogaadeeniya oo marnaba aan ka rajo dhigin halganka xornimo doonka. Inkastoo ayna ONLF lafteeda ka maqnayn dhibaatooyinkii hor taagnaa halgamadii ka horeeyay, haddana waxay runtu tahay iney hayso dhabbahii gundhiga u ahaa halganka, tahayna cida kaliya ee maanta u taagan qadiyadda una baahan taageerada xoogaga kala duwan ee shacabka reer Ogaadeeniya.

Gabo gabdii, halganka shacabka Ogaadeeniay wuxuu soo maray dhibaatooyin fara badan oo kaga imanayay dhinacyo badan, waxaa kale oo la soo maray khaladaad iyo jaho wareer badan. Wakhtigan aynu joognana xoogag badan ayaa isku dayaya sidii halganka shacabka Ogaadeeniya loo wiikhi lahaa. Guud ahaan waa waqti ay duruufo kala gedisani jiraan, waana waqti loo baahan yahay qorshe cilmiyeysan iyo khad siyaasadeed oo lagu xalliyo mashaakillada jira lagagana hortago wixii halganka dhibaatooyin u keeni kara.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay