Jimce: War goor dhawayd naga soo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya in saakay (12 Okt 2012) ay Askarta gumaysiga Itobiya ee joogtay Deegaanka lagu magacaabo Aftinta oo Qabridahar katirsan oo deegaankaasi ka waday dhibaatooyin iyo xad-gudubyo ay ku la kacayeen dadka shacabka ah ee deegaandaasi ay ka kaxaysteen 10 ruux oo shacab ah oo aan wax dambi ah galin.

Arintaasi ayaa markay dhacday waxaa weerar kadis ah ku soo qaaday Askartii gumaysiga ee dhibaatada ku haysay dadka shacabka ah Cutub katirsan NH/CWXO oo deegaankaasi ka ag dhawaa lana socday dhaqdhaqaaqa ciidamada gumaysiga. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarkaasi lagaga dilay Askarta gumaysiga Ethiopia 3 Askari halka dhaawacuna uu yahay 4 kale. Faahfaahin dheeraad ah ayaan ka sugaynaa xarunta dhexe.

Warara kale ee goor dhaweyd naga soo gaadhay Xarunta dhexe ayaa naloo sheegay hawlgaladan soo socda;

02/10/2012 Garbo-geenyo oo ka tirsan Deegaanka Ceelwayne dagaal halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Saama laluudka ah ee gumaysiga Ethiopia iyo NH/CWXO ayaa waxaa askarta Gumayisa Ethiopia lagaga dilay 5 Askri waxaana lagaga dhaawacay 4kale

25/09/2012 Deegaanka lagu magacaabo Lafta kala jeexan oo aware katirsan dagaal ka dhacay halkaasi ayaa waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 1Askari waxaana lagaga dhaawacay 1kale

09/10/2012 Duudxiir oo ka tirsan Gari-go’an dagaal ka dhacay waxaa askarta Ethiopia lagaga dila 2Askari.

09/10/2012 Salaxley oo katirsan Gobolka Jigjiga Dagaal ku dhexmaray Askarta Mooraalka aam haynin ee gumaysiga Ethiopai iyo NH/CWXO ayaa waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay dagaalkaasi 5 Askari.

30/09/2012 Deegaanka lagu magacaabo Caano-Layuurar oo katirsan Magaalada Ceel wayne ee Gobolka Shabeele dagaal halkaasi kadhacay ayaa waxaa ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Ethiopia lagaga idlay 1Askri waxaana lagaga dhaawacay 3kale.

Waxaa kale oo iyaguna jira dagaalo farabadan oo ka kala dhacay Deegaanada kala ah kax-labiyaleey oo Gadey katirsan, Shiniile iyo kuuska cilaale oo Qabridahar kawada tirsan, Ceelo-obo iyo Garbo-miijo oo Galaashe u dhow Iyo Qoraxda Ceelwayne, kuwaasi oo khasaare lixaadle loogu gaystay Askarta mooraalka jabsan ee Gumaysiga Ethiopia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay