Oslo- Waxaa caawa fiidkii kulankoodii bilaha ahaa ku yeeshay magaaladda Oslo ee xarunta u ah wadanka Norway, xubnaha Jaaliyadda Soomaalida Ogadenia.

Shirka Jaaliyadda ayaa sida caadada ahayd lagu furay Aayado kamid ah quraanka kariimka ah oo uu akhriyey Sheekh Abdiwali Garaad, intaas kadib waxaa xubnaha loo qeybshay Ajendihii shirka, iyadoo war-bixin kooban oo taabaynaysay wax-qabadka Jaaliyadd ee bisha Augst iyo September oo iswata, qaab cilmiyeysan u soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Abdirahman Sheikh Yusuf, oo intaas kadib micra-foonka ku soo dhaweeyey hoggaanka Arimaha Ururka ee Jaaliyadda Norway, Mudane Abdishakuur, oo goobta ka soo jeediyey hawlaha kala duwan ee Jaaliyaddu ku talaabsatay labadii bilood ee tagay iyo hawlaha la filayo in la qabto bilaha soo socda.
Shirkan oo lagu falan-qeeyey qodobo badan oo taabanayey wax-qabadka iyo horu-marinta Jaaliyadda S. Ogadenia ee dalka Norway, ayey isku raaceen dhamaan xubnihii ku sugnaa shirkii caawa sidii loo dardar-gelin lahaa hawsha islamarkaasna looga midho dhalin lahaa sida ugu dhakhsaha badan talaabooyinka lagu gaadhayo dhamaan qodobadda shirka la isula soo qaaday.

Dhanka kale, waxaa khadka isgaadh-siinta xubnaha si toos ah shirka ugala soo qeyb-galay Mudane Cadaani Hirmooge oo ka soo jeediyey khudbad kooban oo uu xubanaha ku booriyey inay sii xoojiyaan dadaaladad aan kala go’a lahayn ee lagu baadi-goobayo xorriyada iyo madax-banaanida dhulka Ogadenia ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya. Sidoo kale, Mudane Cadaani ayaa la wadaagay xubniihii kasoo qeyb galay shirka war-bixinadii ugu dambeeyey ee gudaha Ogadenia iyo dadaaladda Diblomaasiyadeed ka socda dalka dibadiisa. Waxaa sidoo kale, shirka xubnaha goob-joog ka ahaa Hogaanka Arimaha Ururka ee Jabhadda ONLF, Xaaji Mohamed Yusuf oo xubnaha ku booriyey in dadaadlka la kordhiyo xilligan kala guurka ah oo ah mid u baahan midnimo iyo isku-tashi dheeraad ah.

Waxana si farxad iyo guul ku dheehan tahay kusoo gaba-gaboobayey shirkii Jaaliyadda Norway, oo gundhig looga dhigay wax-qabad laba-jibaaran iyo hawl-karnimo dheeraad ah si loo xaqiijiyo himilooyinka ay higsanayaan Shacabka Ogadenia ee ah Xorriyada.

Mohamed Ilyas
Oslo/ Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay