Maqaal aad u qota dheer ayuu qoraa lagu magacaabo Jessica Evans kaga warbixisay siyaabaha uu Bangiga Aduunka uga qayb-qaadanayo dhibaatada ay ciidamada Itobiya ku hayaan dadka shacabka ah ee la doonayo in si qasab ah looga rarao dhulkooda. Sidaan la socono 5 gobol ayay Itobiya ku dhawaaqday inay ka hirgalinayso waxay ugu yeedhaan –Guriyeyn (Villagization)- oo ah dadweynaha reer guuraaga ah ama tuulooyinka yaryar dagan meel la’isugu keeno, iyadoo la leeyahay waxaa loo samaynayaa adeegyada ay u baahan yihiin. Gobolada la magacaabay in sanadka 2013 ugu yaraan dad gaadhaya 1.3 Milyan qof laga rarayo ayaa kala ah Gambella, Afar, Somali, and Benishangul-Gumuz. Hadaba qoraagan oo arintaa ku eedeeysay Bangiga Aduunka inuu qayb ka yahay ayaa ku bilawday baadhitaankeeda ay sameeysay sheekadan;

Ojod oo magaciisa dhabta ah qariyay oo ah wiil Itobiyaan ah oo 20 jir ah oon ugu tagay xerada qaxootiga ee Kenya ayaa igu yidhi; “Askar ayaa ii timid oo i weydiiyay sababta aan u diiday in la’iga raro meesha”. Cabsi badan ayaa ka muuqatay markuu ii sheegay. ” waxay igu bilaabeen inay i qaraacaan oo gacanta iga jabiyaan. Waan orday saan aabahay oon ugu sheego, hasa ahaatee askartii ayaa iga soo daba carartay. Aniga iyo aabahayba waan orod ayaan isdhignay. Xabado ayay naga soo daba rideen.” Waxaan maqlayay buu yidji Ojod aabahay oo cabaadaya hasa ahaatee dib uguma aanan noqonin oo duurka ayaan ka galay askartii. Maalin ka dib ayuu ogaaday in aabihii ay dileen.

Xad-gudubyada noocan ah ee ah xabsiga, qaraaca iyo dilka ayaa ka socda Itobiya xataa gobolada aanay ka jirin kacdoonka hubaysan, oo ah siyaasadda dawladda ee lagu magacaabay horumarinta dadka reer guuraga ah iyo kuwa laga tiro badan yahay. Dawladaha bixiya lacagta Bangiga Aduunka ee Mareykanka uu ka mid yahay ayaa bixiya lacagta lagu fulinayo xad-gudubyadaa ka socda Itobiya oo si dadban u taageeraya tacadiyadaa.

Barnaamijkan loogu magacdaray –Guriyaynta- ayay Itobiya u qorshaysay in 1.5 milyan qof loogu raro tuulooyin ay Itobiya u qoondaysay oo lagu sheegay in lagu horumarinayo arimahooda waxbarasho, caafimaad iyo adeegyada kale. Hadafka ay dawladda sheegtayna waa in isbadal dhaqan-dhaqaale (Socio-economy) loogu sameeyo dadka. Hasa ahaatee bay tidhi qoraaga arimahan soo baadhay, dadkan la soo qasbay oo aan lagala tashan inay doonayaan iyo inkale, ayaa marka la keeno meelaha loo qoondeeyay waxay la kulmaan wixii loo soo sheegay oon waxba ka jirin. Qofkii dib ugu noqda halkii laga soo qaadayna xabbad ayaa lagu dhuftaa.

Mashruucan –Guriyeynta- waa mid Itobiya ay alifatay oon ka mid ahayn mashaariicda Bangiga Aduunka, hasaa ahaatee Itobiya waxay ku tilmaantay barnaamijyada Bangiga ugu talagalay shantaa gobol inay ku fulinayaan sidan. Mashruuca Bangiga Aduunka ee ah –Protection of Basic Services (PBS), ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo Waxbarashada, Caafimaadka, iyo adeegyada kale. Wuxuu Bangiga maalgalin ku samaynayaa mashaariicdaa, wuxuuna qayb ka bixinayaa mushaharka la siinayo macalimiinta iyo hawl-wadeenada kale xukuumada ee ka shaqeeya –Guriyeynta- qasabka ah. Inkastoo siyaasadda Bangiga Aduunka uu ka soo horjeedo in dadka si-qasab ah looga raro deegankooda, hadana wuxuu indhaha ka dadbaa xad-gudubyadaa ay Itobiya ku hayso dadka reer guuraaga ah. September 25, wuxuu Bangiga u ogolaaday Itobiya amaahdii ugu badnayd ee mashruucan PBS loo bixiyo, iyadoo aan lagu xidhin shuruudaha caadiga ah.

Maalin ka hor intaan la saxiixin amaahdaa ayay dadkii dhibaatada ay ka soo gaadhay –Guriyaynta- ka codsadeen bangiga Aduunka in lagu xidho shuruuda ah in  lagula xisaabtamayo Itobiya lacagtaa siday u isticmaasho. Hasa ahaatee waxba lagama soo qaadin ayuu yidhi qoraaga maqaalka.  

Mashruucan dadka sida qasabka ah looga rarayo deegaanadooda ayay Itobiya isku dayday inay ka hirgaliyaan Ogadenya, iyadoo la adeegsanayo maleesiyada Hawaarinta. Dadweyne badan ayaa arintaa lagu dhibaateeyay oo qaarkood lagu dilay qaarna xoolahoodii lagu dhacay. Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa arimahaa si aad ah uga hortagay oo dagaal culus la galay ciidanmada Itobiya iyo Hawaarintii la socotay ee loo soo siray inay dadka shacabka ah ka raraan deegaanadooda oy isugu keenaan meelo loo xariiqay. Waxaa loogu baaqayaa dadweynaha inay arimahaa ka feejignaadaan lana kaashadaan CWXO difaaca hantidooda iyo deegaanadooda.

Halkan ka akhri maqaalka 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay