Saacado kahor ayaa waxaa lagu toogtay xerada Qaxootiga Ifo Muwaadin udhashay wadanka Ogaadeeniya oo lagu magacaabo Ducaysane

Ninkan oo ahaa nin oday ah kana mid ahaa dadka qaxootiga ah ee deganaa xerada Qaxootiga Ifo ayaa lagu dilay badhtamaha xeradaasi
dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo dadka waxgaradka ah ayaa kusoo batay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka kenya.

Dablaydii dishay marxuumka ayaa kabaxsatay goobta ay falka kagaysteen. Illaa hada cid loo qabtay ma jirto dadka dilkan qorsheysan ka dhex wada xeryaha Qaxootiga dhadhaab lamana garanaayo cidda kadabmaysa dilalkan.

FARXAAN MAXAMED ONA/IFO

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay