Bulshooy Hadafkeena Guudiyo

Hubkaa Wixii loo Xanbaarsaday

Waxaan Hanadada Barbaartiyo

Halyay badan taan ku weynay

Hadduu Hadafkeni midho dhalayo

Hibada Guushu Soo dhawaatay

Bulshooy Hodaniyo Daruur

Hillaac Galalac lihiyo Xareed

Hodan buu sahanku sheegay!

Shacabweynaha Ogadeniya Dal iyo Dibadba waxay soo dhaweeyeen mowqifkii ay qaateen  Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO) ee ku aadana wada xaajoodka ONLF iyo Ethiopia. Shacabweynaha Ogadeniya waxay hambalyo udirayaan Ergadi u qaabilsaneed Wada xaajoodkaas JWXO  sida kalsoonida iyo geesinimada leh gaashaanka ugu dhufatay ducfigii gumeysiga Abbysinia markii uu ka cararay goobti wadahadalka.

Xafiisyada Qaaradaha ee Wakaalada Wararka Ogadeniya (ONA) waxaa kusoo dhacaya teleefano iyo warqado hambalyayn iyo fariimo ku socda Maamulka sare ee JWXO. waxaa hambalyadan kusocota madaxda Jabhada ONLF iyo guud ahaanba shacabka Ogadeniya iyo kaadirka ONLF. Waxayna isugu hambalyeynayaan guusha lagasoo hooyay iyo mowqifka JWXO ee ku dhisan rabitaanka Shacabka Ogadeniya.

Ma waxaan u halgamaynay inaan qaadano Dastuurka Ethiopia!

Waxay shacabku aad usoo dhaweyeen oo ah guul iyo gobanimo tayada Ururnimo ee JWXO ku wajahday wada xaajoodka midaas oo noqotay mid caalamku uu yaqiinsaday in ururka ONLF uu yahay Dowlada dhabta ah ee ka jirta geeska Afrika halka Gumeysiga Woyanuhu uu yahay Jabhad wali hadafkeedu yahay midkii duurka.

Gumeysiga Ethiopia ayaa lafihiisa u cabsaday kana baxay shirki kadib markuu arkay Aqoonyahan tayo heersare leh, macluumaad iyo aqoonsiyada shuruucda caalamiga dabaqaya markii ay soo horfadhiisteen. Rag ka kooban qeybaha bulshada Ogadeniya oo idil oo isa soo diyaariyay watana kalsonida shacabiga iyo Ururka ONLF oo muddo kasoo shaqeyay  moqwqifkooda iyo ahdaafta ay wataan ee miiska ay la aadeen.

Dhinaca kale gumeysiga Ethiopia ayaa ahaa rag qeybsan oo aan ogeyn ciday la hadlayaan. taas oo muujinaysa khilaafka xoogan ee ka jira taliska Ethiopia. Gumeysiga Ethiopia waqtigan ma awoodo innuu gor gortan la galo jabhada ONLF mana wajihi karaan rabitaanka shacabka Ogadeniya.

Hadafka ONLF innu yahay midka shacabka Ogadeniya maahan arrin cusub oo ay warmoogyihiin. Gumeysiga Abbysinia waa ka warhayaa balse maadama xasilooni daro ka dhex jirto Gumeysiga. Woyanuhu arrimo uusan ka dabbaalan karin ayay faraha la galleen.

Waxayna arkeen iyaga oo laga saxiixday Xoriyada Ogadeniya maadama miiska isku difaaci karin.

Faa idooyinka Qadiyada Ogadeniya kasoo dhaxashay wadahadalki ONLF Iyo Ethiopia:

  • Ethiopia oo qirtay awooda Ururka ONLF oo siisay mudnaan in Miis Caalami ah lagula xaajodo. Wada xaajoodka ONLF iyo Ethiopia dhexmaray waa kii ugu horeyay ee heer caalami ah u dhaca waxuuna horseedi doona wajiga labaad. kulamo kale oo badan oo dhex mara ONLF iyo Ethiopia kuwaas oo suurto gal ah inay ka dhacaan wadamada Ree galbeedka islamarkaasna wadamo ree galbeed ah iyo heer Qaramada Midobay lagu dhex dhexaadiyo.
  • Wadahadlka oo ah nooc kale oo daggaalka qoriga lamid ah kana xanuun kulul. Markii u horeysay Qadiyada Ogadeniya waxay ku baastay tijaabadi imtixaanka ee Wadahadalada. Shacabka Ogadeniya  caalamka waxay u muujiyeen in afti wax ka yar aysan u qalmin islamarkaasna waxay caalamka tuseen inaysan aqoonin kaliya xabada sida loo rido balse Dagaalka Qalinkana ay kaga adag yihiin Gumeysiga Abbysinia. Ummada Ogadaniya waxay aqoon buuxda u leeyihiin xuquuqdooda iyo rabitaankoodaba iyo aayahoda ay u halgamayaan waxuu yahay. Midaas oo Caalamku garwaaqsaday aadna usoo dhaweeyay.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay Hadafka JWXO ee ku aadan xal u raadinta Qadiyada Ogadeniya. Waxuuna Caalamku la dhacay Formulahi ay JWXO soo bandhigtay. Gumeysiga Abbysinia waxay ku guul dareysteen miiski wada hadalka oo waliba ree galbeedka markan ugu hiilin doonin.

Gumeysiga Ethiopia waxuu marar badan oo kale isku dayi Doona inay soo roggaal Celiyaan, Kaalmo siyaasadeedna ay ka raadsadaan wadamada Ree galbeedka. Balse JWXO diyaar ayay u tahay wayna soo dhaweynaysaa hadaf ahaan in wada hadal lagu dhameeyo qadiyada Ogadeniya.

Heestan Bulsho ee midhaheeda aan ku bilownay qormadan ayaan idiinka tageyna oo muujinaysa Hayaanki iyo geedigeni aynu soo marnay iyo mowqifkeena Xornimo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay