Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia (OYSU) waxay soodhaweenahayaan taageera buuxdana siinahayaan go’aanka ay JWXO qaadatay kadib markii ay wadahadalka khilaaf iyo wax kabaxsan nidaamkii loogutalagalay ay la imaatay Ethiopia taasoo kaliftay in wadahadalku burburo. Waxay JWXO qaadatay go’aankeedii saxnaa ay udagaalamaysay mudo. Waxay ONLF qoriga uqaadatay halgandheera ugashay aayakatashiga shacabka Ogadenia taasoo in lahelo mooyee ayna ka hoos dhacaynin marnaba.

Midowga Dhaliyarada iyo Ardayda Ogadenia wuxuu si kalsooni buuxda ah usoodhaweenahayaa go’aanka cad eey qaadatay JWXO waxaana aaminsanahay ineeyna marnaba joojin doonin waajibaadkooda ilaa ay kagaadhaan kobteey kusocdeen ee aheed xal uhelida qadiyada Ogaden.

OYSU waxeey cambaareeynayaan caqli xumada ama tala xumada miiska caalamka latimid Ethiopia taasoo ah midaan marnaba ucuntameeynay xaq-udirirka Ogadenia ilaa oo xalka rasmiga ah lahelo mooyee.

OYSU waxay ugu baaqaysaa bulashada caalamka ineey taageero buuxda siiyaan Halganka Gobanimo doo nee shacabka Ogadenia ku jiro si uu uhelo aayakatashigiisa.

Wakhtigan aan joogno mahan wakhtigii la isgumaysan jiray isticmaalka wakhtigiisaa dhamaa.

Waxaan oogu baaqaynaa cidwalba oo udhalatay Ogadenia ineey isutaagaan una midoobaan xaqooda. Waxaan leenahay umada Ogadenia kaca kaca oo xaqiina udagaalama.

“Umad waliba aayaheeda ineey heshaa iyadaa leeeh”

Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Waa bayaan kale oo culus oo ka soo baxay dhalinta geesiyada ah ee OYSU ee Ogaadeenya. Waa inoo balamo go’an iyo hawlo wacan oo inagu arooriya ka dibna inaga durduursiiya xoriyad buuxda.

    Furaha kali ah ee dagaalka Ogaadeenya ka aloosan lagu xalin karo waa halganka xaqa ah ee aayo-ka-tashiga Ogaadeenya oo lagu xaliyo hanaan xaq iyo xalal. Furaha kali ah ee nabada, amaanka, xasiloonida , sinaanta, iyo hormaarka ee ay Geeska Afrika leedahayna waa Ogaadeenya. Ma laga yaabo in mid la helo, midka kalena la waayo. Waa lamaane la wada helo ama waayo.

    Waa sida aynu horaan u ogayn ee aynu nidhi: “Umada waliba aayaheeda in ay ka tashato iyada ayaa leh”. Ogadeenya ma ka duwana umadaha tira badan ee aayahooda ka tashaday sida Koonfurta Suudaan iyo Bariga Tiimoor. Ma laga yaabo in ay Ogaadeenya ku xasisho maaweelo ka sokaysa aayo-ka-tashi qaran.

    OGAADEENYA ha GUULAYSATO, itobiyana ha GUBATO!

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay