jaaliyadda Ogaadeenya ee Finland iyo urur hoosaadyadeeda Bulshada sida dhallinyarada OYSU  Finland iyo Ururka Haweenka Finland waxay taageero buuxda u dirayaan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeeniya go’aankii ay ka qaadatay saxiixidda dastuurka Itoobiya. Shacabka somalida Ogadeenya maanta waxaa u cadaatay in ay leeyihiin cid u baadigoobaysa xornimadeeda xaqa ah.

Waxaanu u mahad celinaynaa madaxda JWXO ee muujisay bisayl iyo geesinimo xad dhaaf ah. Jaaliyadda Ogaadeenya ee Finland ururada Bulshada ee dhallinyarada OYSUFinland iyo Ururka Haweenkuba waxay Madaxda JWXO ku boorinayaan in ay sii adkeeyaan halganka dhidibada adag ku taagan, sidoo kalane ayasan gumaysiga marnaba u dabcin.

Waxaanu ku faraxsannahay in caalamku arko maanka gaaban iyo makasnimada abasiiniya ay maanta weli meesha la kuududo. Jaaliyadda Ogaadeenya ee Finland iyo ururka dhallinyarada OYSU ee Finland waxay baaq u dirayaan guud ahaan bulsha weynta Ogaadeenya gaar ahaan Jaaliyadaha dibada, waxayna ugu baaqayaan in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka, dardarna la galiyo halganka, loona feejignaado cadowga tabihiisa qalafsan.

Bulashada caalamka waxaan si buuxda uga codsanaynaa in ay taageero buuxda siiyaan ummadda Ogaadeeniya si ay u helaan xornimadooda.

Waxaanu ugu baaqaynaa cidwalba oo u dhalatay Ogadenia in ay isutaagaan una midoobaan xornimada muqadaska ah.

Midnimo, Minttid, Isku tashi Allaahu Akbar.

 

CABDIRAXMAAN JARARI

ONA

HELSINKI FINLAND


 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay