jaaliyada Victoria  waxay  si wayn  usoo dhawaynaysaa  taageero  buuxdana ay siinaysaa  go’aankii geesinimada  lahaa ee jwxo kaqaadatay  wadahadalkii  udhaxeeyay  O N L F iyo  Ethiopia kadib markii Ethiopia ay fulin wayday kana baxday qodobadii  lagu heshiiyay wareegii  koowaad  iyadoo iska indha tirtay dhamaanba  qodobadii  aasaasiga u’ahaa wadahadalka  miiskana la timid dastuurkii ay malmaluuqatay  Ethiopia   dastuurkaas  oo ah mid aan khusaynin  shacabka  S/Ogadeniya  ee uu hormuudka tayahay  JWXO.

Hadaba  JWXO  waxay qaadatay go’aankii  xaqa ahaa kaasoo ku salaysnaa  aayaha  shacabka ogadeniya  oo mudo qarni ah udagaalamayay xaqooda iyo in ay masiirkooda si madax banaan uga tashadaan  hadafkaas oo ah midka ONLF ay utaagan tahay .

Jaaliyada Victoria waxay hanbalyo  iyo  boogaadin udiraysaa  geesiyiinta  JWXO  gaar ahaan waftigii uga qayb galayay wadahadalka  sida geesinimada  leh  ee ay uguteen  waajibkii  kasaaraa  umadooda, anagoo si buuxda utaageerayna  go’aanka ay qaadatay  JWXO,  sidoo kale waxaanu balanqaadaynaa in aanu sii toban jibaaro taageerada  shacabka  Ogaadeniya ee  hormuudka katahay JWXO.

Jaaliyada Victoria waxay baaq  udiraysaa  dhamaan umada  Ogadeniya  meel ay joogaanba  gaar ahaan  jaaaliyaadka  ku kala firirsan  aduunyada  dacaladeeda  in ay dar dar galiyaan  oo ay toban jibaaraan  dadaalkooda  ku aadan baadi goobka  loogu jiro helitaanka  xoriyada  shacabka Somalida Ogaadeniya ee lama taabtaanka ah .

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay