Dhambaaladii jaaliyadaha ay ku taageerayeen go’aankii uu qaatay wafdigii JWXO uga qaybgalay shirkii wadahadalka ayaa weli soo gaadhaya shabakadda. Waxaa ka mid ah goobaha aan dhambaaladii ugu dambeeyay ka helnay, Gudiga Qoxootiga S.Ogadenya ee dalak Yemen Sana’a oo na soo gaadhsiiyay inuu si buuxada u taageeray go.aankii geesinimada lahaa ay qaateen waftigi wahadalka ONLF ugu qaybgalay ee Nayrobi.

Marka Gudigu Qoxootigu waxay gaadhsiinayaan inuu mudan yahay amaan iyo sharaf iyo cisiba Waftigii J.W.XO u matalayay wadahadalka iyo hogaanka sare ee JWXO oo xaqiijiyay kana runsheegay amaanadii ay u hayeen shacbigooda madaalaha ah ee mudada dheerna dulmanaa diidayna inuu isu-dhiibo gumaysiga Itoobiya iyo gumaysi kalkaalkiiba

Waxaa sidoo kale dhambaal tahniyad ah nasoo gaadhsiiyay jaaliyadda guunka ah ee Jermalka, dhambaalkaa oo si dhab ah uga tarjumay dareenka dhamaan jaaliyadaha ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan;

Walaalayaal iyo Dulmanayaal, waxeynu ognahey in dhibka ka jira Ogaadeeniya uu yahey wixii dhex-marijirey Gumeyste iyo la Gumeyste. Dhibkaas iyo dibin-daabyadaas oo laga soo bilaabo soo galitaankii Gumeysiga ee Ogadenia uu Gumeysigu caadeystey inuu u gaysto Shcabiga Ogadenia ee raba uun iney helaan Xoriyada dalkooda oo ah mida uu qof walba oo aadamihi xaq u leeyahey.

Gumeysiga Ogadenia jooga ee Abysinia wuxuu bilaabey inuu dadka kala dagaalamo nolosha iyo horumarka, inuu hagar-daameeyo ilihii dhaqaalaha ee Ogadenia  oo xoolaha nooli ugu horeeyeen, sida Xero-Oodkii Geela, Sumeystii ceelasha Biyaha laga Cabo. Intaas kadib waxaa bilaabatey in Shacabku ka dhiidhiyaan Ficilkan xun ee Gumeysiga, kadibna si uu Gumeysigu dadka u sii Cabudhiyo wuxuu bilaabey inuu laayo hal-doorka iyo kolka wiilkii ama Odeygii ummada u kaca si uu ula dagaalamo in-dheer-garadka iyo dadka masakaxda fiican ee Ogadenia.

Kadib markii uu Shacabka Ogadenia u adkeysan waayey Dibin-daabyada joogtada ah iyo Tacadiga Gumeysiga waxaa bilowdey Asaaskii Jabhadihii kala danbeeyey oy ugu danbeysey Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenia (JWXO) oo maanta 28-jirsatey, halganka qaybtiisan danbe ee 30-ka sanadood ku dhow intuu socdey Gumeysigu wuxuu u geystey Shacabka Ogadenia dhibaatooyinkii ugu foosha-xumaa ee ka dhaca Aduunka, Ogadenia wuxuu ka dhigey Gumeysigu Xabsi korka ka furan wuxuuna ka jarey Dunida inteeda kale, wuxuu sameeyey xabsiyo waawayn oo Shacbka loogu magac-darey, wuxuu Abuurey Dabaqoodhi xirfadeysan oo si fiican isaga ugu shaqeeya oo Midiidin u ah. Gumeysigu wuxuu ku Amrey Ciidamasiisa ka kooban Qawmiyadaha kala duwan inay Kufsadaan Gabdhaha Ogadenia, iney dilaan qofkey doonaan, iney Xidhaan cidii loo baahdo iyo in dadka nolosha lagu aaso.

Dulmanayaal arimahaas oo dhan wuxuu Gumeysigu ula jeedey Gumaadka shacabka Ogadenia iyo Han-jabinta Shacabka oo ah iney ka hadhaan taageerada ey la garab-joogaan halganka xaqa ah ey JWXO Hogaamineyso. Illaahey mahadiis taas bil-cagsigeeda wuxuu maanta gaadhey halganka shacabka Ogadenia meel aad u sareysa, qadiyada Ogadeniayana waxey noqotey Qadiyad caalami ah oo waxey noqotey Waa baryey Sacabo laguma qarin karo, taas waxaa daliil u ah markey wadahadalka isku soo hor-fadhiisteen Wafdigii wadahadlka ee JWXO iyo Kooxdii wayaanaha, kadibna ay JWXO noqotey dawlad qalabeysan oo wax waliba u dhanyihiin halka kooxdii wayaanaha ay noqotey dad Shacab ah oo meesha iska yimid oon xitaa wadanin qalinka wax lagu qoro.

Hadaba wadalka qaybtiisii hore markey wayaanuhu Shacir kala kulmeen oy arkeen dad iyaga ka horeeya iney JWXO tahey, waxey ku soo tashadeen wareegii labaad iney muran iyo is giriirin la soo fadhiistaan, waxey markiiba la soo boodeen beentii iyo daba-maryadii lagu yaqaaney ee aheyd Cahdi la´aanta, waxey dhianca iska dhigeen qodobadii ajendaha ahaa ee horey loogu heshiiyey, ka anamaa iyagoo horey u arkin, taasna waxey u sameeyeen waxey isku qanciyeen iney JWXO ka garaad iyo aqoonsareyso dawlada Gumeysiga kolka iney Kiiska iska waalaan oy Muran bilaabaan ayey doorbideen, kolka meeshaas waxaa kaaga soo baxdey in cida Dawlada ah ey tahey JWXO, cida aan xitaa jabhadnimo gaadhina ay tahey maamulka wayaanaha ee ka arimiya Addis Ababa,

Gabagabdii qormadan waxaan ku soo uruurineynaa;

Hambalyo:

Anagoo ah Maamulka jaaliyada Ogadenia ee Germany waxaan ugu hanbalyeyneynaa Wafdigii JWXO u qaabilsaneyd wada hadalka dhexmarey JWXO iyo wayaanaha Go´aankii Taariikhiga ahaa ey qaateen, waxaan leenahey waxaad u dhigteen Gumeysiga Shacir lama ilaawaan ah, waxaanad tusteen waxa aynu nahey ka Reer-Ogadenia ahaan, waxaana idin leenahey Guuleysta ee halkaas kaga haya, marka danbe ee uu Gumeysigu Miiska yimaadana Cashiro kuwii hore ka badan u dhiga anaguna garabkiina ayaanu taaganahey.

Wayaanaha iyo Gumeysatada Abysina waxaayu leenahey;

miyaadan ku quusaneynin Ficiladaadii hore, adiga iyo kuwa Jawaasiista ah eed sida Yeyda u tababartey ee hangoolada kuu ah ee Shacka kuu soo Seeteeya kuuna Garaaca xiligiinii wuu dhamaadey, waxaa la soo gaadhey goortii Cadaaladu ka shaqayn laheyd Geeska Afrika iyo Dhamaan Shucuubta dulman eed Dusha ka rarataan, hadii garashadii Wayaane dhaafi waydey Xeerkey iyagu malmaluuqdeen in la Citiraafo taasi waa Riyo Been ah, waxaana shaqayn doona rabitaanka Shcuubta dulaman oy Reer-Ogadenia ugu horeeyaan, kolka inta goori goor tahey Wayaanow dib u fiirso ayaanu leenahey.

Shacabka Ogadenia waxaan leenahey;

Dulmanayaal, waxaad ku jirtaan dhibaato aan Caalamka ka jirin, waxaa idin heysta Gumeysi naxariis-daran, waxaad Xoriyadiina u Hurteen Dhiiga Kumaan Gabdho iyo Wiilal, waxaan shaki ku jirin inuu imaan doono xiligii Xoriyada iyo Madax-Manaanida iyo waliba Xiligii Cadaalada oo kii shaleyto idin Leynayey cadaalada la kor-keeni doono, kolka yaan laga daalin ku Adkeysiga Mabaadii´da Gobonimo-doonimada iyo Midnid-nimada iyo waliba isku tashiga. 

Guul iyo Goboinomo, Ogadenia ha Xorowdo, aamiin

Maamulka jaaliyada Ogadenia eeGermany, Taariikh 18.10.2012.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay