Itobiya waxay iska dhaahdicisay shalay waxay ku guulaystay inay maanta iyo barriba ku guulaysan karto, sidaa daraadeed ayay kharash iyo waqti badanba ku bixisaa waxay ismoodsiisay iyo been loo qurxiyay. Waxaan la soconaa inay Itobiya aad isugu mashquulisay 2dii sanee la soo dhaafay kharsha badan ay ku bixisay riwaayad uu cinwaankeedu ahaa – Waxaa heshiis kala saxiixday Itobiya iyo ururkii ugu xooga badnaa dagaalyanka Ogadenya  iyo garabkii ugu weynaa ONLF. Marka la weydiiyo maxaa lagu heshiiyay oo lakala saxiixday? Jawaabta aad ka helayso labada dhanba wuxuu noqday;

1-    inay hubka dhigaan koxihii dawladda ka soo horjeeday.

2-    inay dastuurka Itobiya ogolaadaan.

3-    in laga cafiyay dambiyadii ay ka galeen Itobiya.

4-    in la siiyay dhul-beereed.

5-    in meel looga soo wadajeedsado nabad-diidka oo loola jiido ONLF.

Ka dibna waxaan la soconay dabaadagyadii iyo socdaaladii loo sameeyay kooxihii is-dhiibay. Waxaan kaloon la soconaa mashruucii loogu wanqalay soo dhaweynta qurba-joogta oo calankii ONLF ay qaarkood la tageen Jigjiga oo laga sudhay halkaa. Waxaan la soconaa xeryahii la ooday iyo teendhooyinkii la yidhi waxaa ku soo xaroon doona ciidamada ONLF oo ka socda garabkii weynaa ee heshiiska qaatay.

Arimahaasoo idil laba ujeedo ayay ka lahayd Itobiya lamana odhan karo way rumaysnayd in koox fara-ku-tiris ah oo isa soo dhiibay ay ahaayeen xooga dhabta ah ee ka halgamaya Ogadenya. Xaqiiqada waxaa weeye hadafka ay Itobiya ka lahayd riwaayadii la jilayay oo kharashka badan ay ku bixisay Itobiya (120 milyan oo doolar inta la sheegay), wuxuu ahaa inay ugu sii gogol xaadho shirka dhabta ah ay la gali doonto ONLF. Itobiya waxay ugu talagashay riwaayadihii la jilayay 2dii sanee la soo dhaafay in;

1-shacabka lagu jahawareeriyo oo loogu sawiro in nabadda Itobiya ay doonayso ay ka hirgalin karto Ogadenya iyadoo adeegsanaysa xoogagii is-dhiibay, ONLF-na aan loo baahnayn.

2- hadii loo baahdo in ONLF lala hadlona la dooransiiyo inay ogolaadaan waxyaabihii ay kooxihii ka horeeyay ogolaadeen oo loo sameeyo dabaaldag u dhigama ama ka balaadhan dabaaldagii shacabka lagu khaldayay ee loo sameeyay kooxihii ka horeeyay. Haday diidaan ONLF arintaana lagu furo dacaayad.

Itobiya iyadoo aaminsan ama laga dhaadhiciyay inay ONLF diyaar u tahay in loo dhiibo warqad lagu tilmaamo heshiis oo rajada shacabka lagu maaweeliyo, ka dibna siyaasiyiintooda ay jaga beenaadka Jigjiga kula looltamaan kuwa gumaysiga uga adeega ee isku haysta.

Hasa ahaatee waxay la kulantay wafti ONLF ah oo xambaarsan himiladii halganka shacabka Somalida Ogadenya ee soo taxnaa. Arintaa marnaba kuma aanay soo talagalin Itobiya, gaar ahaan 30kii sanee la soo dhaafay ma’aanay arag Itobiya shaqsi Somali ah oo mabda’a umadeed kala doodaya oo aan lahayn hadaf shaqsi ah oo uu kula gorgortamo Itobiya. Wareegii 2aad ee wadahadalka waxaa yimid madasha shirka koox ku soo talagashay inuusan sii soconin shirka maadaama ujeedadii ay ka lahayd Itobiya uusan ka hirgalaynin, una muuqatay inay ONLF diyaar u ahayn heshiis ku sheeg la mid ah kuwii hore.

Hadda waxaa bilaabatay marxald cusub oo ah in dacaayad iyo brobagaandadii dib loo bilaabo. Waxaana frimbigii ugu horeeyay ka dhawaajiyay Ibraahim A. Doolaal oon wada garanayno shaqsiga uu yahay. Nasiibdarada Itobiya haysata waxay adeegsanaysaa shaqsiyaad u dhigma Doolaal oo bulshadiisa aan ku dhex lahayn sumcad uu kaga gadi karo fikrada ay Itobiya u soo dhiibto. Doolaal sheekada wuxuu kaga bilaabay inuu yidhaahdo xog-ogaal baan ahay oo ONLF ayaan khabiir ku ahay, wuxuuna ku soo gabagabeeyay wafdigii ONLF dastuurka Itobiya maba garanyaan, sababtoo ah hadday garanayaan way ogolaan lahaayeen deeqda uu wafdiga Itobiya u soo bandhigay. Uma malaynayo hadda inuu jiro qof Somalida Ogadenya ka mid ah oo u baahan in loo sharxo Itobiya waxay tahay ama dastuurka Itobiya ee beenta lagu qoray. Qof masuul ah oo ka cabsada inuu sheego dhibaatooyinka ay shacabkeena u gaysatay gaar ahaan xukuumadda TPLF ee Wayaanaha uma malaynayo inuu ixtiraam ka helayo shacabka Ogadenya. Haduu shaqsi sharaf leh yahay Doolaal oo naftiisa ixtiraamaya wuxuu ka hadli lahaa dhibaatada Itobiya u gaysatay dadkiisa, gaar ahaan Cabdi iley. Hasa ahaatee, Rasuulkeenii CS ayaa horey noogu sheegay in dadka ay la mid yihiin macdanta oo sida birta iyo dahabka aanay isku dhigmin uu dadkuna u kala qiimi badan yahay gaar ahaan markay umadi u halgamayso xoriyadeeda oo gumaysigana uu daadinayo laaluush. Sayid Maxamad Cabdille Xassan Alaha u naxariistee ayaa arintaa horey u sheegay inuu diiday oo sharfta iyo daarta aakhiro ka doortay;

·         Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe

·         Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

 

·         Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne

·         Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale

·         Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

 

·         Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye

·         Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye

·         Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin

 

Shacabka S. Ogadenya gude iyo dibadba aad ayay u soo dhaweeyeen go’aankii uu qaatay wafdigii uga qaybgalay ONLF wadahadalka. Sababtoo ah qadiyadda Ogadenya  waa masuuliyad shacbi oo taariikhda ay xusi doonto qofkii khiyaana.

ONA.

 

 
 

2 Comments

  1. Daljir says:

    Doolaal Adan Dhagoole waa shaqsi aan lahayn damiir iyo dadnimo midna. waligiibaa wuxuu ahaa rufyaan dawladii M. Siyad Bare jaajuus u ahaa. Doolaal waa ninkii walaalkii markii loo magacaabay jagadii Kuxigeenka wasaaradda caafimmadka 3 wiig aan kor usoo kicin isagoo kaxun in jagadaas isaga loo magacaabi waayo. Waa shiqsi niyad xun jecelna inuu maro meel walba oo uu hunguri u mari karo. Kama xishoodo xumaanta inkastoy le’eg tahay. Hadda wuxuu quud daraynayaa inuu isu dhigaalo inuu badalo Cabdi Iley haday usuurto gali lahaydna wuxuu noqon mid boqolaal jeer kjasii liita ninkaa waalan ee fulayga ah ee cuqdadu kabuuxdo.. Waa dixiri doonaya inuu quuto xaarka gumaysiga.

  2. Daljir says:

    War odaygii maradii ayaa kadacday. Inaa Ilillah

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay