Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Victoriya ayaa Munaasabada Ciida maanta isugu timid Xaflad BBQ. Halkaas oo dhamaan xubnaha jaaliyada iyo caruurtaba la keenay. Waxaa xafladaas lagu qabtay Yarraville Park oo ah goobta loogu talagalay dadweeynaha dagan gobalka Victoria  in ey ku qabsadaan xaflada lagu magacdaray (BBQ).
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria Halgame Abdi Hussein ( Hikim) ayaa soodhaweeyey dhamaan bulshada ka soqeybgashay xafladaas, una faray hambalyo cideed shacab waynaha Soomaalida reer Ogadenia iyo dhamaan umada muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Maalintaan ayaa fursad u aheyd  dhamaan bulshada kasoqeybgashay munaasabadan farxadeed ee ciida. Waxaa kaloo fursad u aheyd malintaan dhamaan hooyooyinka iyo aabayaasha oo fursad u helay ilmahooda inay helaan goob ay faraxada ciida ku qaataan iyada oo ciyaaro noocyo kala gadisan iyo maaweeliyin caruurba loo sameyay.
Ururka OYSU Melbourne ayaa gacanweyn ka geeystay xafladaan, ayagoo lawareeygay maaweelada ciyaalka, oo meesha kusoo bandhigay barmaamijo kala duwan oo ilmaha loogu talagalay.
Gabagabadii  xafladaan ayaa ku dhamaatay si farxaad ah.
Waxaan Alle ka baryeeynaa in cidaan ciideeda kale aan dhamaan ku ciidno dhulkeena Ogadeni.
Guul iyo Gobanimo

Melbourne

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay