Waxaa dhawaan lagu qabtay magaalada madaxda dalka Kenya kulan balaadhan oo ay soo xaadireen dadweyn badan oo isugu jiray Odayaal dhaqmeedyo, Dhalinyaro, Hooyooyin, Culimaa’udiin, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano. Waxaa kamid ah aqoonyahahankii madasha shirka lagu martiqaaday inay ka hadlaan Dr. Mohamed Ugaas oo ku soo bandhigay goobta cilmi-baadhis uu kasoo diyaariyey dhulka Ogadenia.

Aqoonyahanka Ogadenya sida shucuubta caalamka ee halgan xoriyad-doon ku jira ama soo maray wuxuu u qaybsamay 3ex qaybood. Qayb u quntay inay danahooda gaarka ah ku ekaadaan oo aanay soo dhaafin reerkooda iyo caruurtooda oo shar iyo khayr midna aanay umadda ku darsan. Qayb aqoontii ay umadda u soo barteen gumaysiga kula gorgortamay oo calooshood u shaqaystayaal noqday. Iyo Qayb umadda u baahan aqoontooda iyo kaalinta ay ku leeyihiin halganka aan marnaba ka dhex bixin oo sida uu sheegay mufasirkii Quraanka Sheekha M. Al-Shacraawi (Allaha U naxariistee) ka bixinaya aqoonta ay leeyihiin Zakadii lagu lahaa. Dr. M. Ugaas qaybtan ayuu ka mid yahay. Waxaana ku wehliya qaar badan oo qalinka kula halgamaya cadawga umadda Somaliyeed ee Ogadenya.

Wuxuu ku soo bandhigay kulanka Dr. M. Ugaas daraasad dheer oo ka hadlaysa taariikhda iyo joqoraafiga dalka Ogadeya u kala dhigay:-

1-Qaabka aduunku u arko Ogadenia iyo Itoobiya , hadday ahaan lahayd xag dhuleed,xag dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba.

2– Isbarbardhiga  khayraadka kujira Ogadenia iyo wadamadda ka hooseeya saxaraha Afrika( sub-saharan countries).

3-Dhibaatooyinka ay keentay xukuumadda EPRDF/TPLF iyo sida ay u tir-tirtay xeer-dhaqameedkii aasaasiga ahaa.

4– Xaaladda Siyaasadeed ee Geeska Africa , tan ku saabsan wada hadalka ONLF iyo Itoobiya iyo dardaaran iyo talo uu sheegay inuu ku soo gunaanadi doono cilmi-baadhista uu sameeyey.

Warbixinta uu ka soo diyaariyay wariye M. Ilyaas halkan ka akhri

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay