Jaaliyada S.Ogadenia ee Prth oo munaasabada ciida meel kuwada ciiday.

Sida lawada ogyahay ayaa waxaa 26\10\12  laga ciiday  dhamaan wadamada dadka islaamka ahi kunoolyhiin.

Hadaba waxaa si aad u heersaraysa looga ciiday galbeedka Australia (Perth) iyada oo salaada Ciidul Adxa kadib la isoogu soo baxay park wayn oo loo yaqaano Kings Park  halkaas oo dhamaan bulsha wayntu isoogu timid, sida dhalinyarada, haweenka, caruurta , odoyaasha, waxgaradka, iyo culimo awdiinka iyada oo dhamaan bulsho waynatani wajigooda kamuuqatay farxada maalinta wayn ee Ciidul adxa.

Hadaba Jaaliyada Somalida Ogadenia ee kunool Perth ayaa hambalyo ciid iyo salaan udiraya guud ahaan umada muslimka gaar ahaan  Madaxda qaaliga ah ee JWXO\ONLF, ciidamada geesiyiinta ah ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo dhamaan shacabka S. Ogadenia meel kasta ooy joogaan.

Ugu danbayn jaaliyada S. Ogadenia  ayaa rajaynaysa inay Ciidan ciideeda kale kuciddaan bash, bash barwaaqo iyo dhulkooda hooyo oo xor ah Insha,Allah.

Muna Mahad

Perth

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay