Rasuulkeena CS ayaa markii la weydiiyay qofka hadii qadarka u qoran aanu garab mareyn maxaan ka camal falaynaa, wuxuu ku jawaabay; كل ميسر لما خلق  Shaqeeya Mid walba wixii loo uumay ayaa loo sahlay. Waa hubaal arintaa. Waxayna si dhab ah kuugu muuqan markaad aragto qof loo hanweynaa oo meel aad u hooseysa oo aan lagaba filaynin ka soo muuqday.

Aqoonta iyo waaya-aragnimada iyo da’da intaba waa inay qofka aadanaha ah wax u kordhiyaan. Inuu u ololeeyo maanta gumaysiga Itobiya qof aqoon leh, sarkaal sare ka ahaan jiray Xooga Dalka Somaliya (SNA) een wada ogsoonayn wadinaydii lagu soo barbaariyay iyo jacelyka xoreynta dalalka maqan, oo ah shaqsi u dhashay S.Ogadenya oo si dhab ah u ogsoon dhibaatada iyo xasuuqa ay xukuumadda Itobiya ku hayso shacabka aan waxba galabsan ee Ogadenya taasoo maanta uu caalamka wada qiray, wax lagu tilmaamo lama garanayo oon ahayn in aan dhahno shaqsigaasi wixii loo uumay ayaa aheyd inuu gumaysiga u adeego.

Doolaal A. Dhagoole isagoo aad isugu taxluujinaya, iska dhigayana inuu u hadlayo si gentleman-nima ah, ayuu aamaan u soo jeediyay Itobiya, ONLF-na dhaliil iyo aflagaado qarsoon u soo jeediyay. Qofkii garanayay shaqsi ahaan Doolaal oo la socday taariikhdiisii tan iyo waaguu ahaa sarkaalka arintaasi lama uusan yaabin habayaraatee.

Tusaale yar hadaan soo qaadano, siduu sheegay Doolal wuxuu ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka ee 1992kii sida xorta ah loo doortay. Baarlamaankaa waa midkii kali ahaa ee taariikhda dalka Ogadenya ansixiyay in shacabka Soomlaiyeed ee Ogadenya laga qaado afti madax banaan. Doolaal inuu weli ku faanayo taariikhdaa iyo inuu ka qoomameeyay mid ay tahayba, wuxuu ka mid ahaa xubnihii sida aadka ah ugu ololeynayay waagaa in shacabka Somaaliyeed ee Ogadenya Afti laga qaado oy u madax banaanaadaan aayahooda. Waxayna ahayd sababta uu markii dambe uga soo cararay Ogadenya ka dib markuu ogaaday inay arintaa darteed sirdoonka Itobiya u dili doonaan .. ( siduu sheegay isagoo loo labisay dhar haween ayuu soo galay Hargaysa). Taariikhdaa xataa ma aanu soo qaadin Doolaal inkastoo uu ku faanay inuu ka mid ahaa baarlamaanka. Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay ONLF inay qaar ka mid ahaa ururka banaanka u baxeen oo dagaal iclaamiyeen, meesha qaar uu isaga ku jirayna ay ku hadheen Jigjiga. Waxayse ahayd sharafta iyo amaanada taariikhda inuu sheego mudda yar ka dib inuu naftiisa kala soo cararay oo si dhuumaal ah uu ku soo galay Hargaysa.

Inay ONLF diiday dastuurka Itobiya ayuu Doolaal dambi uga dhigay wafdigii ururka uga qaybgalay shirka, hasa ahaatee ma uusan sheegin inuu ahaa qodobkaasi mid ay ONLF iyo Itobiya isla ogolaadeen wareegii 1aad ee wadahadalka in dastuurka Itobiya uu yahay shardiga uu ku furmi doono wareega 2aad ee wadahadalka. Inay ONLF diido dastuurka u qoran Itobiya een ogsoonahay qodobada uu ka kooban yahay, waxay u muujisay un shacabka S.Ogadenya in ONLF uu yahay urur xambaaray masuuliyad taariikhi ah oon la mid ahayn Ibraahim dheere iyo kooxihii la socday.

Taasoo jirta, hadana arinta ku saabsan dastuurka Itobiya diidmadiisa iyo aqbalkiisa wuxuu ahaa un qodob ay Itobiya ugu talagashay inay wadahadalka ku carqaladayso, ka dib markay dareentay inayna ONLF u hogaansanayn siyaasadeedii ahayd inuu qof ama urur S.Ogadenya ka mid ah ee xabad ku riday Itobiya uu dambiile yahay ay tahayna inuu cafis ka dalbado, iskaba daa inuu kala hadlo qadiyad iyo xaqqa aaya-ka-talinta shacabka S.Ogadenya ee qarniga uu soo dagaalamayay xoriyadooda.

Nasiibdaro iyo aqoondaro mid ay ka tahayba Doolaal wuxuu noqday shaqsi cimrigiisii oo gabaabsi ah ay khaatumada kaga xumaatay gumaysiga Itobiya inuu ku difaaco afkiisa.

Taariikhda ayaana kala xusi doonta Dolaal A. Dhagoole iyo gabdhaha weerka qaba ay ku qoran tahay Guul ama Geeri.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay