28 October 2012

 

 

 

 

Waxaa dhacay shirweynihii bilaha ahaa ee Jaaliyada Victoria. Halkaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Jaaliyadu kulankoodi Bilaha ahaa kaas oo jawi heersare ah ku qabsoomay.  

Sidii caadada u ahayd shirarka jaaliyada waxaa lagu furay aayadaha qur’aanka, waxaana lagudagalay qodobada shirka. Waxaa lagu soodhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Xikim oo ka war bixiyey halganka Ogadenia meesha uu marayo iyo sida loogu bahan yahay abaabul xooogan.

Shirkan ayaa waxaa kale oo looga warbixiyey waxqabadka Jaaliyada iyo ururada  bulshada hoos yimaada sida ururka Dhalinyarada OYSU Melbourne, ururka haweenka iyo gudiyada kale ee jaaliyada dhexdeeda ahba.  Kulankan ayaa waxaa aad loogu bogay amaana loo soo jeediay Maamulka  jaaliyada iyo howlwadeenada  wanaagsan ee Jaaliyada Victoria. Waxaana lagu amaanay Sida xawliga ah ee shaqoyinka jaaliyada u socdaan iyo taagerada naf iyo hooba leh ee shacabka Jaaliyada Vioctoria  lagarab taaganyihiin halganka xaqa ah ee lagu raadinayo aayo katalinta  Shacbiga Ogadeniya.

Shirkan oo fikrado badan liyo qudbado lagasoo jeediyay ayaa gabagabadi kulankan  la iskudhiiri galiyey hadalo guubaabo ah. Iyada oo hoosta laga xaqriiqay in taagerada halganka la saddex jibaaro lana xoojiyo  kawarhaynta xaalada dhulka Ogadneiya.

Jaaliiyada ayaa hambalyo u dirtay iyo taagero Ciidanka Qalabka side ee JWXO.

Ugu danbeentii shirka wuxuu ku dhamaaday jawi fiican
ONA 
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay