Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya in dagaalo lixaadle lagu qaaday Askarta gumaysiga Itobiya ka jooga dalkeena dagaaladaas oo khasaare lixaadle loogu gaystay ciidamada mooraalka jabsan ee gumaysiga Itobiya. Dagaaladaa ayaa u dhacay sidan;

23/10/2012 weerar qorshaysan oo ay ku qaadeen NH/CWXO askar gumaysi oo joogtay Deegaanka lagu magacaabo Harqaboobe oo katirsan Wardheer waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 15  kale

Meesha lagu magacaabo Qabaal-jeex oo katirsan Magaalada Awaare dagaal kadhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dila 1Askri.

21/10/2012 Deegaanka lagu magacaabo Tulli oo katirsan magaalada Galaalshe dagaal halkaasi kadhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 1 Askri waxaana lagaga dhaawacay 2kale.

23/10/2012 Caleen oo katirsan magaalada Wardheer dagaal halkaasi ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 1 Askri waxaana lagaga dhaawacay 2kale.

19 iyo 20/10/2012 laba dagaal oo ka kala dhacay Yucub oo katirasan magaalada Wardheer waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 6kale

Waxaa iyaguna jira dagaalo kale oo dhacay 24,25 iyo  27/10/2012 kuwaasi oo ka kaladhacay  Mag-ood  oo Wardheer katirsan,Baladul-amiin oo fiiq katirsan iyo Fardhiig oo Qabridahar katirsan waxaana askarta gumaysiga loogu gaystay dagaaladaasi khasaare lixaadle.

Warar kale oon isla Xarunta Dhexe ka helnay ayaa naloogu sheegay in shalay oo ay taariikhdu ahayd 28 Okt 2012 ay askarta gumaysiga Itobiya iyo maxaysatada hawaarinta qasab kaga dhigeen dadweynihii magaalada Dhagaxbuur in lagu soo shiriyo iyadoo lasheegay in dadka guryahooda iyo goobaha ganacsiga budh lagagag soo saaray si aad ahna loo garaacay dadka si ay isugu soo baxaan shirka uu gumaysigu iclaamiyey.  Waxaa dadka ay gumaysiga iyo kalkaaliya yaashiisu soo ururiyeen lagu qasbay inay ku dhawaaqaan ereyo lagu taageerayo waxay ku sheegeen Dasduurka Itobiya, taasoo jawaab looga dhigayo bay yidhaahdeen dadkii aan weydiinay diidmadii ay ONLF diiday aqoonsiga dastuurkooda.

Dhibaatada kale ee dadkii qasabka lagaga soo saaray guryahoodii iyo meheradihii ganacsiga loo gaustay ayaa waxaa ka mid ahaa in la boob gees ka gees ah ay askartii iyo hawaarintii oo wada socda u gaysteen mehradihii yaryaraa iyo goobihii ganacsiga iyagoo xataa qaatay milixdii taalay mehradaha ganacsiga. Waxaana halkaa ku caydhoobay dad subixiii hore waxoogaa haystay oo galabnimadii caydh ahaa.

Boobka loo gaystay goobaha ganacsiga Dhagaxbuur ayaa ahaa mid aan waayadaan ka dhicin deegaanka waxaana loo aanaynayaa iyadoo tan intii uu bakhtiyey KT Zanawi aan wax mushaahara ah lasiinin askarta gumaysiga Ethiopia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay