TV-ga caalamiga ah ee wadanka Sweden SVT2 ayaa waxaa hada dhamaaday barnaamij uu kamid ahaa Cabdullaahi Xuseen Cali oo ah muwaadin u dhashay dhulka Ogaden islamarkaasna u shaqeyn jiray Maamulka Kilila ee Gumeysiga Ethiopia.

Barnaamijkan SVT2 waxa uu ku aadana qiso cajiib ah oo ay kaga waramayaan dadka badala fikirkooda kadib markay arkaan cadaalad darada islamarkaasna taagera xaqa iyaga oo naftooda halis galinaya una hiilinaya bulshadooda la xaqiray. Hadaba Cabdullaahi ayaa kamid ahaa 3 shaqsi oo TV-ga Sweden taariikh nololeedkooda ay ka sheekeyeen.

Cabdullaahi Xuseen waa ninkii soo saaray Filimadii cadeynayay qaabkii loo qabtay Wariyaashi ree Sweden. Sidoo kale waxa uu soo saaray filimaan badan oo ka hadlaya xasuuqa ay gumeystuhu ku hayaan shacabka Ogadeniya kuwaas oo dhamaantood ah i tus oo itaabsi.

Cabdullaahi Xuseen waxa uu goostay innuu filimadan adduunka tuso, fashiliyana gumeystaha Ethiopia dhibaatada ay ku hayaan shacabka Somalida Ogadeniya. Arrintaas waxaa uu goostay cabdullaahi markii uu arkay dhibka iyo xasuuqa lagu hayo bulshadiisa iyo sida aysan u jirin wax arrintaas caalamka ugudbin kara oo caddeymo la taaban kara keeni kara.

Dhulka Ogadeniya ayaa loo ogoleyn haayadaha Xuquuql insaanka, kuwa gargaarka iyo saxaafada oo dhamaantood laga mamnuucay inay si xor ah ku galaan Ogadeniya kana soo waramaan. sidaas awgeed waa adagtahay in la helo caddeymo filimaan ah oo caalamka loo soo bandhigi karo.

Hadaba Cabdullaahi waxa uu caalamka tusay fal danbiyeedkii iyada oo gacanta lagula jiro oo la xasuuqayo shacabkii. Nidaamka loo dilo dadka, Kufsiga sida loo geysto, jeelasha dadka lagu guro sida loola dhaqmo iyo maamulka gumeystaha oo ka qeyb qaadanaya xasuuqaas. Arrintan oo caalamka wali la arag caddeymo sidaas oo kale u dhameystiran, waxayna noqonaysaa cadeymihii ugu weynaa ee dhulka Ogadeniya laga helo.

Gumeysiga Ethiopia ayaa Cabdullaahi ugu hanjabay inay dilayaan, midaas oo ah miduu u badheedhay oo nolol iyo geeri uu kala doortay in caalamka uu tuso waxa kasocda Ogadeniya. Wuuna ku guleystay. Wali waxaa jira hanjabaado badan oo loo geystay cabdullaaahi iyada oo marar badan loogu hanjabay in la dilayo.

Gumeysigu waxa ay dhibaato u geysteen qoyskii cabdullaahi iyaga oo xidhay adeerkiis iyo dumaashidiis oo lagu eedeyay inay ehel u yihiin cabdullaahi. Nasiib Wanaag Cabdullaahi Hooyadiis iyo Aabihiisba waa ka fakadeen wadanka markii amnigoodu khatar galay.

Cabdullaahi waxa uu halis galiyay reerkiisa iyo naftiisaba. Cabdullaahi waxa uu sheegay innuusan ka qowmameysneen innuu u shaqeyn jiray gumeysiga Ethiopia…waayo markii aan shaqada bilaabayay anigu waxaan u heystay inaan arrimo bulsho oo dadkeyga dan u leh ka shaqeynayay. Markii aan arkay aanada loo geysanayo bulshadeydana waan ka dhiidhiyay oo waxii aan ummadeyda iyo dhulkeygaba u qaban lahaa waan sameeyay. Waana ku faraxsanahay inaan nafteyda halis u galiyay shacabkayga.

Cabdullahi waxaa soo dhaweeyay geesinimadiisa dhamaanba shacabweynaha Ogadeniya meelkasta oo ay ku nool yihiin dibad iyo gudaba.

Barnaamijka SVT ayaa waxaa kale oo lagu soo qaatay Gabadh u dhalatay Wadanka Mareykanka oo u shaqeyn jirtay WALL STREET, balse markii ay aragtay musuqmaasuq ayay ka baxday waxayna soo bandhigtay sirta qarsoon ee Wall Street iyada oo ku biirtay haayado mucaarad ah oo kasoo horjeeda Wall Street.

Waxaa kale oo barnaamijkan lagu soo qaatay General kamid ahaa Ciidamada Syria oo markii danbe mucaarad ku noqday wadankaas kuna biiray xoogaga isbadal doonka Syria.

Barnaamijkan hoos lifaaqan ka daawo

SVT Halyay Cabdullaahi Xuseen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay