Afrika waxay soo martay marxaladda kala gadisan oo ku salaysan intooda badan xaalad dagaal iyo colaad. Arintan ayaa waxay soo bilaabatay qarnigii 16aad. Sanadkii 1527dii waxaa dhacay dagaalkii oogu horeeyay ee uu Imaan Axmed Gurey ku qaaday gumaytayaashii Abyssinia, halkaasoo uu gacant ku dhigay gabi ahaanba boqortooyadii Abyssinia iyo gobolka Geeska Afrika intiisa badan wuxuuna gaadhay magaalada lagu magacaabo (Matama) oo ku taala xadka Ethiopia iyo Sudan. Nasiib daro waxaa markiiba gurmad deg deg ah la soo gaadhay quwadihii aduunka katalin hayay waagaa kuwaasoo uu soo gurmaday xabashida hab diineed. Isbahaysigaa ayaa hub cusub oon gobolka laga aqoonin ku soo kordhiyay oo ugu dambayntii ku qasbey mujaahidiintii inay dib ugu laabtaan halkay ka soo qaadeen duulaan oo ahayd magaala madaxda mujaahidiinta Harar.

Mudadii uu ka talin hayay imam Axmed Geeska Africa waxaa ka dhaqan galay cadaalad iyo kala danbayn isagoo sal ooga dhigay xukunkiisa shareecada islaamka, taasoo horseeday in dad farabadan ay soo galaan diinta islaamka taasoo keentay in aqlibiyadda shucuubta Geeska Afrika ay haystaan diinta islaamka maanta.

Waxaa sidoo kale soo baxay qarnigii 19aad mujaahidkii qaaliga ahaa Sayid Mahamed Cabdallaah Xassan, oo ahaa halyaygii ugu horeeyay Afrika ee dagaal ku qaada xoogagii reer Galbeedka ahaa ee ku soo duulay Afrika. Wuxuu ahaa halyay Somaliyeed oo aan hadhsan waligii, halgamaa hadalkiisii meel mariyay, mujaahid aan milicsan maalmaha aduunka. Wuxuu dagaal la galay 3 dawladood oo kala ah Ingiriiska, Talyaaniga iyo Abyssinia. Dawladii Ingiriiska kaligeed wuxuu lagalay Sayidku inta la ogyahay 41 dagaal. Labada gumaysi oo kalana intaas in ku dhaw oo dagaal ayuu la galay.

Ma istaagin dagaalkii amaba halgankii ay bilaabeen labadaa halyey ilaa ay Somaliya kaga xorowday gumaysiyadii reer Galbeedka ee Ingriiska iyo Talyaaniga. Dalka Ogadenyana halgankii ay bilaabeen halyeeyadaa ayaa weli ka sii socda, halgankaa oo samayn wayn ku leh daganaanshaha Geeska Afrika. Halganada ka hanaqaaday Ogadenya waxaa ka mid ahaa kii Nasrulaahi, WSLF iyo ONLF oo hogaaminaysa halganka hadda socda, lagana sugayo in ay gaadhsiiso shacabka S.Ogadenya xoriyad ay kaga soo kabtaan dhibatadii ay soo mareen in sha alaah.

Hadaan dib u fiirino dulucda qormada, dhibaatada gumaysi ee intaas oo dhan soo socotay ma mid Ogadenya ku gaar ahayd baa? Maxaase xal loogu wayay mar uun qadiyadda Ogadenya? Muxuu yahay xalku qadiyadda Ogadenya xiligan xaadirka ah?

Waxaan horay u soo sheegnay in dagaalo farabadan oo u dhaxeeyay Itobiya iyo umadda Somaliyeed ee gumaysi-diidka ah uu gundhig u ahaa qadiyada Ogadenya. Marka halganka ka socday Ogadenya samayn intee le’eg ayuu ku leeyahay xasiloonida Geeska Africa? Xaqiiqada dhabta ah waxay noqotay inay samayn aad u balaadhan ku leedahay, sababtoo ah Geeska Africa waxaa ka mid ah qawmiyadaha dagga, hal qawniyad oo luuqada wadaaga, diinta wadaaga, dhaqanka wadaaga dhib iyo dheefba wadaaga oo dalka iyo dadkuba uu ka dhaxeeyo. Qawmiyadaa Somlaiyeed waxaa xudun u ah dhul, diin, iyo dhaqan ahaanba Ogadenya. Sidaa darteed waxaa la odhan karaa mar haday calooshii bugto jidhka intiisa kalana wuu la bukaa.

Umadda Somaliyeed meel walba ooy joogto way isku tiirsantahay, deegaan ahaan iyo dhaqan ahaanba. Marka meel kamid ah uu dhib yar ka dhacana waxaa hubaal ah inuu inta kalena uu samayn ku yeelan. Si hadaba xasiloonida Geeska Afrika loo soo celiyo, miyaa xal loo waayay qadiyadda Ogadenya? Aduunka waxaa ka taliya maanta awood reer galbeed. Awoodasi meshay xal la doontana way xalisaa halkii kalana xaabada ayay isku raacisaa. Marka dhibaatada Geeska Africa ka taagan labo miduun weeyaan, markaan ku salayno in reer Galbeedka ay xal u heli karaan hadday doonaan;

1-in ay xalka qadiyadda Ogadenya ay garan hayaan lakiinay  xal la’aanta maslaxadoodu ku jirto.
2-In ay xalka rabaan lakiin xalku dhankuu ka jiro ayna fahmin.

Uma malayn hayo inay tahay midda 2aad oy garan la’yihiin reer Galbeedku oo ah dadkii ka dambeeyay qaska iyo dhibaatada ka taagana Geeska Africa, maxaa yeelay nin haduu dhib abuuro xal keedana waa inuu yaqaan.

Xal waara hadii loo rabo inuu ka dhoco Geeska Africa waa in xal loo helaa qadiyadda Ogadenya. Dhibaatada Geeska Africa ka taagan marbay bilaabatay waxayna ahayd markii Ogadenya gacanta loo galiyay gumaystaha madaw ee Ithiopia, xalkuna wuxuu ku jiraa in shacabka S.Ogadenya loo madax baneeyo aayahoda inay ka tashadaan. Iyadoo aan taas la helin waxaa hubaal ah inuu Geeska Africa uuna dagaynin.

Rabaax M. Cabdi

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay