Waxyaaba badan ayaad moodaa inuu shacabka Somaliyeed iskaga khaldamay mudadii ay ku jireen dayowga siyaasiga ah. Waxayna arinta dayowgaa siyaasiga ah si dhab ah uga muuqataa marka ay doonayaan inay wax ka yidhaahdaan qadiyadda shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.  Waxaa la yaab leh inuu qof Somali ah oo helay da’ uu goobjoog uga ahaado qayba ka mid ah taariikhdii umadda Somaliyeed ee qarnigii tagay, inay xusuustiisa ka baxdo ama uu doonayo inuu ka saaro qadiyadda dhex taala shacabka Somaliyeed ee galbeedka daga iyo Itobiya, ama duulaanadii isdaba jooga ahaa ee Itobiya ay ku soo qaadayeen shacabka Somaliyeed say u qabsadaan xeebaha Somaliya. Boqorkii Itobiya ee Minilk sow ma ahayn midkii yidhi xadka Itobiya waa Badda Hindiya. Maxaa iska badalay rabitaankii Itobiya? Hadayse ONLF dooratay inay sii wadaan iska caabintii gumaysiga Itobiya iyo doonistii xuquuqda shacabka Somaliyeed ee Ogadenya, muxuu yahay dambiga ay ka galeen taariikhda? Maxaase loogu heelan yahay inay is-dhiibto ONLF oo loogu soo celcelinayaa hubka dhiga oo dadkiina is-dhiibay dhinac ka raaca?

Intaa oo hordhac ahaan hadaan uga gudubno wareysigii ugu dambeeyay ee SomaliSat ka baxay waxyaaba badan ayaan ku ogaanay. Waxaana ugu horeeya arimaha aan ku ogaanay sida ay dadka qaarkii u khaldayaan ama ay u doonayaan inay ugu khaldaan hadafka iyo ujeedada ONLF. Waxayna arintaa ka muuqatay ugu horeynba wariyihii martida loo ahaa ee SomSat.

3ex qodob ayaa asaas u ahaa dooda wariyaha iyo dhamaan daawadayaashii soo hadlayay ee muujinayay inay ka soo horjeedaan ONLF. 1- Ogaden (NLF) waa magac qabiil. 2- Dalka (magacyada badan loogu yeedhayay) Horumar ayuu gaadhay. 3- Nabad ayaa ka jirta.

Waa nasiibdaro in lagu mashquulo qodobadaa oo la’is ilowsiiyo hadafkii qarniga loo soo dagaalamayay ee sida xataa wariyihii martida loo ahaa uu sheegay inay ku burburtay qaranimadii Somaliyeed, inkastoo ay dood cilmi ah ka furantahay arintaa. Sababtoo ah waxaa gacantooda ku burburiyay qaranimadii Somaliyeed kuwii u tagay Itobiya ee kula soo heshiiyay inay baabi’yaan qarankii iyo taariikhdii umadda.

Dhamaan qodobadaa waxaa si fiican uga jawaabay mudane Cabdiraxmaan oo marti ugu ahaa SomSat barnaamijka iyo qaar ka mid ah daawadayaashii soo hadlay. Inkastoo uusan wariyaha sidii loo baahnaa u siinin waqti uu kaga jawaabo Cabdiraxmaan, taasoo qofkii yaqaana tabaha wariyenimada la odhan karo ujeedo ayaa ka dambaysay.

Magaca Ogadenya in loo qaatay ujeedada ah in lagu halgamo waxaa qiraya taariikhda soo taxnayd ee ONLF sababtoo ah urur qabiil ku dhisan lagama yaabo inuu halgan dheer galo. Waxaanan ogsoonahay inay dhamaan ururadii iyo jabahadihii Somaliyeed ey ka wada sinaayeen hordhiga (prefix) ah Somali; (SSDF, SNM, USC, SPM iwm), hasa ahaatee ay wada hagaaseen. Sababtoo ah qabiil wixii lagu dhiso oo ku shaqeeya dhamaadkiisu waa burbur iyo kala tag.

In magaca –Ogaden- ay u bixiyeen dalkaa gumaystayaashii reer Yurub muran kama taagna, sida ay Afrika oo idil ugu magac bixiyeen .. (ma aha sida ay dadka qaarkii ka dhawaajinayeen inuu Xayle Salaase u bixiyay, ee dhul mareenadii reer Yurub ee dhamaadkii qarnigii 18aad ayaa sidaa ku diiwaan galiyay). Magacaa –Ogaden- Itobiyana kama badali karto khariidada caalamka, Somalina kama badali karto. ONLF waa urur u halgamaya xoreynta dalkaa.

Dalka horumar ayuu gaadhay wuxuu ahaa qodob uu carabka ku adkaynayay Wariyaha. Wuxuuna aad u diidanaa in laga doodo oo la cadeeyo ujeedada loo halgamayo inaysan ahayn horumar darteed ay tahay xaqqa dabiiciga ah ee qofka aadanaha ah uu Ilaahay siiyay. Dibu-dhaca, jahliga, saboolnimada, xaqiraada, cadaalad darada, dilka aabayeel la’aanta ah, ku-tumashada xuquuqda aadanaha intaba waa astaamaha gumaysiga. Caalamka kama dhicin meel horumar ayaa socda lagu badashay rabitaankii gobanimada. Hadday midaasi dhici lahayd waxaan xoroobeen oon halgameen dhamaan dawladaha Afrika. Waxaanan ogsoonahay horumarkii dhaqaale ee dawladaha reer Yurub ay ka wadeen wadamadii ay gumaysanayeen inuu 100 jeer ka badan yahay waxyaabaha ay farta ku fiiqayaan kuwa doonaya inay Itobiya ugu xalaaleeyaan dalka Ogadenya horumar ayaa ka socda. Inta badan dalalka Afrika weli waxay ku jiraan xafiisyadii ay u dhiseen gumaystayaashii reer Yurub, waxayna weli ku socdaan wadooyinkii ay u dhiseen.

Waxyaabaha kalee sida dhabta ah u muujiyay inuusan dhex-dhexaad ahayn Wariyaha barnaamijka waxaa ka mid ahaa markuu yidhi xafiis walba oon tago wiil Somaliyeed ayaa fadhiyay, sida isagoo wiilkaa Somaliga ah uu xor ka yahay Itobiya. Waxay ka mid tahay arintaa dhug la’anta ku dhacday Somali badan.

Inaysan nabad ka jirin Ogadenya dood badan uma baahna, sababtoo ah hadday nabad ka jirto oo dagaal hubaysan aanu ka soconin daafaha dalka Ogadenya, Itobiya ayaa u fasixi lahayd dalkaa inay galaan saxaafadda caalamka iyo haya’adaha samafalka oy ugu horeyso Red Cross oon ogsoonahay inaysan siyaasad faraha lagalin. Ujeedada looga saaray haya’adhaasna waa un in aanay indhahooda ku arkin dagaalada ka socda dalka iyo tacadiyada ciidanka Itobiya ku hayaan shacabka aan waxba galabsan.

Hadii la’isku dayo in laga faaloodo wareysigaa SomSat iyo guud ahaan TV-yada Somaliyeed ee brobagaandada Itobiya faafinaya lagama baxayo. Somali waxay u jabtay Itobiya, nasiibdarada haysatana waxaa ka mid ururkii kaliya ahaa ee xaqqa shacabka Somaliyeed u dagaalamayay ayay doonayaan inay hubka ka dhigaan. Ismana weydiinayaan oo maxaa ka dambayn?

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay