02/11/2012- Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ayaa Saaka aroorti jidgooye u dhigay Ciidan duulaan ah oo kamida ciidamada Gaarka ah ee Gumeysiga Ethiopia ee u tababaran xasuuqa shacabka Ogadeniya.

Sirdoonka CJWXO ayaa ka warhelay ciidananka Woyanaha ee kusugan magaalada Qabridahar oo usoo baxay asaso ay rabeen inay kusoo waxyeeleeyaan shacabka deegaanka Karibilicle. Waxayna CJWXO ay jidka usii istaageen jidgooyena u dhigeen meel aan saas uga sii foegyn magaalada Qabri dahare.

Waxaa daggaalkaas Ciidamada gumeysiga lagaga dilay laba Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari inta oo kale, iyada oo ciidankii Woyanuhu uu firxaday. Waxaana qeyb kamid ah oo dhaawac iyo firkxadkoodi kamid ah ay soo galeen magalada Qabridahar.

Warkan oo hordhac ah  Faah fahintiisa dib ayaan kala socon doona.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay