Dalka Koonfur Africa waxaa  ku nool Somali aad ufara badan oo ka kala yimid meela kala duwan. Dadkaa ayaa waxay kala kulmaan dhibaatoyin kala duwan oo ah xaga tuugada ama ciidanka booliska oo sidii la rabay aan xaqooda u marina ama ku xadgudba mararka qaarkood.

Somalida oo  ah dad u jilicisan xaga sharciga maadama ayana jirin cid u dooda, iyadoo Jamuuriyadii Somaliya ay meesha ka baxaday tan iyo 1992. Sidoo kale shacabka S.Ogadeniya ayaan laheyn dawalad u dooda oo caalmka oo dhan qaxooti ku ah inkastoy  haystaan jaaliyado  xoog badan.

Hadaba  waxaa maalmahan ka socoda magalada East London, ee gobolka Eastern Cape baadhitaano  xoogan  oo police-ka wadanka uu wado. Police-ka Koonfur Afrika qaybta TRT 1 ayaa maalmahan magalada dhex socday oo baadhitaan iyo baadhasho xun u gaystey dadka Somalida ah ee dagan East London.

Waxaa naloo sheegay in saaka ay ciidamada police ku xidhxidheen koox dhalinyaro ah  oo lagu eedeyey inay  haystaan qoryo sharci daro ah. Waxaa lagu sheegay inay ahaayeen dadka la qabtay 6ex Itoobiyan ah iyo 4ar Somali ah.

Maamulka Jaliyada Somalida Ogadeniya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqaysa dadweynaha ku nool halkaa inay soo  wargaliyaan haddi ay ku xad gudbaan Qaybaha police-ka wareega in si  looga caawiyo inta karaan kooda ah, gaar ahaan wixii la xidhiidha sharciga iyo qareenada.

Cumar jigjiga/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay