Hawlgalo cadawga lagu naafeeyay oo meela kala duwan ka dhacay
Wararka nagasoo gadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ka dhacay deegaano kamid ah dalka Ogaadenya ku waasi oo askarta gumaysiga Itobiya loogu gaystay khasaare lixaadle.
Dagaaladaasi ayaa waxay u kala dhaceen
01dii iyo 05tii 11/2012 laba dagaal oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Bulladari oo katirsan Qabribayax waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 11 Askari waxaana lagaga dhaawacay 13 kale
03/11/2012 Deegaanka lagu magacaabo Dhurwaayaale oo katirsan Dagmada Wardheer dagaal halkaasi ka dhacay waxaa askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 Askri waxaana lagaga dhaawacay 2kale
06/11/2012 Boholaley oo katirsan Magaalada Dhagaxbuur waxaa ciidamada daalan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kele
07/11/2012 Magaalada Caado ee Gobolka Doollo weerar mir oo ay NH/CWXO ku qaadeen xero milatari oo kutaala magaalada ayaa waxaa Askarta Gumayisga Ethiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5kale
Waxaa iyaguna jira dagaalo xoogbadan oo ka kala dhacay 06/07 iyo 08/11/2012 Deegaanada kala ah Yoocgaare oo katirsan Qabirdahare saddex dagaal oo kadhacay,Anane oo baali katirsan, Maygaag-wayne oo Fiiq katirsan iyo Galool-ceebeed waxaa askarta gumaysiga Ethiopia loogu gaystay khasaare lixaadle oo isugu jira naf iyo maal.
ONA.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.