Sida caadiga ah meeshii gumeysi iyo cadaadis ka jiro, waxaa ka jira iska caabin iyo gobonimadoon. Halgan gobonimadoonku ma aha iska doon doon ee waa mid qasab ah si loo helo nolol xoriyad iyo sharaf leh.  Waxaana keena halgan xuquuq la’aanta iyo xaqiridda uu gumeysigu keeno. Jeclaw ama ha jeclaan waad ku qasban tahay. Taas ayaana keenta inaad u hurto wax kasta ood jeceshahay, sida naftaadaa iyo hantidaada.

Cadaadiska ummad la cadaadiyo waxaan ka soo qaadan saddex (3) nooc:

1. Ummad u baahan xuquuq iyo sinaan sharciga hortiisa oo ka gadoodsan nadaam keligi talis ah.  Gadoodkaasi iyo halganka xuquuq sharciga hortiisa doonka ah wuxuu u baahan yahay is beddel sinaan iyo daryeel nolosha bulshada.

2. Gumeysi rasmi ah oo citiraafsan gumeysinimadiisa. Gumeysigaasi wuxuu aaminsan yahay inuusan dalkan isagu lahayn. Wuxuu ku sii joogo waa laba arrimood; inoo leeyahay dadku ma baraarugsana oo dawlad ma noqon karaan iyo dadka inta badan ayaa aniga i rabta. 1963 ayey Jabuuti ka dhacday markii halgankii Maxamud Xarbi hogaaminayey lagaga guulaystay aftidii. Dadka gumeysigan noocan ah ku jira gobonimadoodu waa mid baraarugooda qudh ah ku xidhan. Gumeysigii Yurub waxay ka doorteen inay xidhiidh saaxiibtinimo la yeeshaan shacabka ay gumeysanayaan intii ay cabudhis iyo xoog ku haysan lahaayeen mar haddii shacabku indhaha furay.

3. Gumeysi ummad kale soo dul degay إستيطان – settler). Wuxuu gumeysiga noocan ah dafirayaa inuusan dalkan isagu lahayn oo uu shisheeye yahay. Wuxuu isa siiyay dadka iyo dalka iyo hantidoodaba.  Wuxuu dafirayaa qaranimada ummadda uu qabsaday. Wuxuu ka beddelayaa jinsiyadooda oo tiisa ayuu ku qasbaa inay yihiin. Dadka gumeysiga noocan ah haysato iyaga oo la qaba dhibka labada nooc ee kale ayey u dheer tahay in jinsiyadoodii laga dafiro, dhulkoodiina lagala wareego. Si xaqooda loo duudsiyo waa inaan loo ogolaanin horukac dhinac aqooneed iyo dhaqaale. Waxaa lagala dagaalamaa baraaruga iyo inuu shacabkaasi yeesho tayo. Waxyaalaha ay ka midaysan yihiin dhamaantood, waa adeegsiga kooxaha iyo ashqaasta aan damiirka lahayn oo damiir xumo heerkay ka gaadheen aan ka diiraynin xataa haddii qoyskiisa la fara xumeeyo ama la laayo. Gumeysiga Itoobiya ay dadka Somalida Ogadenya gumeysato waa noocan saddexaad. Wuxuu dalka soo galay si joogta ah dhamaadkii Dagaalkii Dunida Labaad. Wuxuu yidhi dalka waa Itoobiya, dadkuna waa Itoobiyaan.

Su’aasha in xal waara loo helo u baahan ee labada dhan ay isku hayaan waxay tahay: Awow-yadana ma ahayn Itoobiya, dalkanguna ma ahaan jirin Itoobiya. Inaan anagu noqono Itoobiyana nalama waydiinin. Sidaa darteed, Itoobiya ma nihin ee naga guur.

Gumeysigu wuxuu ku kala duwan yahay oo kale habka uu u fulinayo xukunkiisa gumeysi. Taas badanaa waxay ku xidhan tahay akhlaaqdiisa iyo hab maamulka isaga dhexdiisa. Haddii uu gumeystuhu dalkiisa xukun caadil ah oo dimoqoraadi ah ku maamulo dadka uu gumeystana ilaa xad wuxuu ilaaliyaa xuquuqdooda insaaniga. Haddii laakiin, uu dadkiisa ku dhaqo cadaalad darro iyo keli talis, kuwa uu gumeystana way ka sii daran tahay sida uu ula dhaqmo. Itoobiya iyada ayaan dalkeeda cadaalad ku dhaqin. Itoobiya ma taqaano xukun caadil ah iyada dhexdeeda.

Waa dalka dhaqankiisu ahaan jiray waligii hadana yahay, qof in loo dilo ama loo ciqaabo dambi uusan isagu gelin. Waxaa dadka loo ciqaabaa (ilaa dil) “dambi” uu qof ay qaraabo yihiin galay. Waxaa degaamo iyo reero loo gubaa ama loo  dhacaa askar ayaa agtiina lagu laayaa. Reero laga qaadayo magtii askar meel u dhow lagu laayey. Waxaas ma aha wax loo adkaysan karo, ama la ogolaan karo. Taas ayaa dhalisay in halganka gobonimadoonka Somalida Ogadenya bilowdo.

Haddii aan ka soo bilaabo halgankeena intii ka dambaysay xorriyaddii Somaliya, waxay Itoobiya ku tilmaantay inuu yahay Jamhuuriyadda Somali oo dhul balaadhsanaysa. Waxay dafiraysay jiritaanka halgankeena si ay aragtida caalamka u khalado. Kadib dagaal sokeeyihiin Somaliya, waxay ku sifaysay halgankeena inuu yahay mid koox islaamist ah (Itixaad) inay wadaan. Waxay mar kasta dafiraysay inuu yahay halgan dadkii dalka lahaa wado oo qaran.

Wuxuu gumeysiga Itoobiya isticmaalay wax kasta oo awoodiisa ah oo uu ku gumaadi karo shacabka. Wuxuu ka go’doomiyey caalamka si aan gumaadka uu ku hayo shacabka loo arag. Wuxuu si toos ah u adeegsaday cabudhiska iyo xuquuq meel kaga dhaca Maamul Goboleedyada Somaliya.  Wuxuu cadowga gumeysigu adeegsaday taageerada Reer Galbeedka oo siyaasadda iyo hubka uu ku dagaalamayo gacan ku siinaysa.

Waxaa caalamaka oo dhan ka yaabiyey, oo meelo badan lagaga faaloodaa gumeysatadii Itoobiya oo intaas oo taageero haysata, oo adeegsanaysa khibradeedii ku dhisnayd cabudhiska iyo gumaadka shacabka tan iyo Minilikhii Koowaad inay curyaamiso halganka iska daaye maalinba maalinta ka dambaysa ayuu sii karaar qaadanayaa. Waxaa xaqiiao ah inuu gumeysigu hadda difaac ku jiro.  Markii goobta dagaalka lagaga adkaaday wuxuu hadda isku waardiyeeyaa saldhigyadiisa iyo magaalooyinka dhexdooda, sida, Caasimadda Jigjiga.  Waxaa halganka lagu masilaa hal  ku dhega  “Badda jawle een la joojin karaynin…” iyo hawlo kale oo cadowga iyo adeegayaashiisa argagax ku  riday.

Markii uu xoog-ku-maquunin ku guul darraystay cadowgu, wuxuu naf mooday dacaayad been ah oo horumarineed. Wariyeyaal caalami ah oo dalka dhuumaal ku galay waxay qoreen in haddii Nabi Adam yimaado meesha keliya uu garan lahaa ay Ogadenya tahay. Si uu dadweynaha iyo caalamka u khaldo wuxuu soo sawiraa mashaariic loogu talo galay sawirada oo Jigjiga dhexdeeda ah. Wax kasta oo horumar ah oo cadowgu maanta sameeyo ma aha mid siyaasadiisa ah inuu dalka Ogadenya horumariyo ee waa mid uu qoriga afkiisa iyo halganka Gobonimadoonku ka keenay. Halgankuna faa’iidada uu shacabka u leeyahay ayey ka mid tahay in cadowga gumeysiga ah la qalaco, si looga darariyo oo dhaqaalaha shacabka ee lagu gunnaynayo saraakiisha Woyaanaha qaar ka mid ah iyaga wax loogu qabto.

Su’aashu waa ma kuwadi doonaa cadowgu inuu (wax yarna ha ahaate) uu mashaariic horumar sameeyo. Taasi waa maya, sababta oo ah horey ayuu masuul Itoobiyaan ah si rasmi ah ugu khudbeeyey inayna siyaasadoodu ahayn in Ogadenya laga helo laba qof: mid aqoon leh iyo mid maal leh. Sababta oo ah haddii shacabku aqoon yeesho ama maal yeesho waxaa kordhaya tayadooda, sidaa darteed, ay adag tahay in la muquuniyo. Waxay siyaasadda cadowga Itoobiya ku dhisan tahay doonida dalka ee ma aha doonida iyo daryeelka dadka. Inay taas tahayna waxaa markhaati u ah gumaadka iyo bara kicinta joogtada ah. Adeegayaasha jaahiliinta ah een kala xaqa iyo baahidaqofka aadamiga ah, mayna dileen, mayna gubeen guryaha, mayna bara kiciyeen boqolaal kun, xabisyada kumayna jidh dhileen kumanaan aan wax galabsan, haddii ay dal horumar shacabka wax u tara sameynayaan.  Eebana kuma gar gaarayo gacan ku dhiigle ma munaafaq ah oo waxa uu leeyahay iyo waxa uu sameynayo ama aaminsan yahay ay kala geddisan tahay. Wuxuu gumeysiga iyo adeegayaashiisa garashada liita garanaynin in shacab baraarugay, Eebbana talo saartay oo himiladoodu tahay unuu ka xoroobo gumeysiga qiimo kasta ha ku fadhido inaan laga adkaan karin.

Waxaan qaybtan ku soo gabagabay halku dhega Jabhadda Midnimo! Mintid! Isku-Tashi! Guul! Allaahu Akbar!

Maxamad I. Cumar/Gudmiye Ku-Xigeenka JWXO

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay