Wararka naga soogaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya inay kamiin u dhigeen 15/11/2012 Cutub katirsan CWXO Gaadiid Gumaysi uu lahaa oo marayey inta u dhaxaysa Ceel-wayne iyo Dhanaan, waxaana halkaasi lagu gubay hal Baabuur iyo Askartii saarnayd oo aan waxba kabixin. Waxaa iyadana khasaare lasoo gaadhsiiyey gaadiidkii kale oo la socday gaadhiga halkaasi lagu gubay.

Warar kale oon ka helnay Deegaanka lagu magacaabo Cali-fancad oo katirsan Dagamada Sagag ayaa naloogu sheegay inay ka goosteen 5 kamid ah maleeshiyaadka Hawaarinta oo isku dhiibeen CWXO. Maleeshiyada hawaarinta ah ee ka goostay Cali-fancad ayaa lasheegayaa inay wateen qalabkoodii milatary.

Waxaa bilihii ugu dambeeyey isasootaraysa goosadka iyo baxsiga maleeshiyada hawaarinta, Arinta baxsiga iyo isdhiibka hawarinta ayaa timid kadib markii ay JWXO cafis ufidisay maleeshiyaadkaasi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay