Oslo: Waxaa gelinkii dambe ee maanta kulan dag dag ah isugu yimid maamulka JaaliyaddaNorway, oo ka arinsanayey bahdilka iyo gumeynta foosha xun ee taliska Woyaanuhu kula kacay odayaasha waxba aanan galabsan ee wakiilka gumeysiga Abdi iley uu muddada dhawrka maalmood ah ku hortaagan yahay si uu ugu raali galiyo taliska Woyaanaha ee xooga ku haysta dalka Ogadenia.

Kulankan oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha Jaaliyadda Norway, Mudane Abdirahman Sheekh Yusuf, ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo sidii loo dar-dar gelin lagaa halgan Ogadenia, madaama aan loo dulqaadan karin bahdilka iyo foolxumadda dhidid-dhawrka woyaanuhu ku hayo wax walba oo taabanayo sharafta, diint, dhaqanka iyo karaamada shacabka Ogadenia.

Sidoo kale, gudoomiyaha ayaa cambaareyn taas la mid ah dusha uga tuuray ragga caloshood u shaqeystayaasha ah ee uu hor kacayo arxan-laawe Ina Aadan Dhagoole, oo cimrigan u xuub siibtay inuu shaah iyo ganacsi karaadiyo dhiiga shacabka dulman ee Ogadenia, oo maalin iyo habeen lagu hayo xasuuq iyo tirtirid lamid ah kii Naziga oo kale, isaga oo sheegay in riwaayadda ay soo alifeen saraakiisha beesha Tigreegu ay fulinteeda iska kaashadeen Ajjo-gudhay iyo Abdi Ubbo.

Gudoomiyaha ayaa isbarbardhigay sawiradii naxsin lagaa ee wariyayaasha reerSwedensoo gudbiyeen iyo mixnadii ka qabsatay  inay galaan dhulka Ogadenia, midaas oo buu yiri aduun weynuhu la qaracmaya waxa kajira Ogadenia iyo dhibta soo gaadhay wariyeyaasha.

” Waxaa yaab ah in la rumeysto nidaam jidh dil iyo xabsi xaq daro ah u geystay wariyayaal hubka ay sitaani yahay qalin iyo xaanshi, haddana kasoo daaya TV-yadooda wariyayaashii oo amaanaya xabsiga Itoobiya,iyagoo ku sheegay inuusan Hotel waxba dhaamin…laakiin markii ay soo caga dhigteen wariyeyaashi Sweden, ay xajisan kari waayeen ooyintoodii iyo cadaabtii uu marsiiyey Abdi ubbo, Abdulaahi Yusuf Weerar, Gen. Wolde, Dambiile Males Zenawi iyo adeegayaasha Af-qudhmuun u adeega” ayuu yiri Gud. Abdirahman oo u digay kuwa u hanqal-taagaya dhibaataynta shacabka.

Waxaa sidoo kale, madasha ka hadlay Madaxda arimaha ururuka ee Jaaliyadda Mudane Abdishakuur, oo sheegay halganka  xaqa ah ee ka socdo Ogadenia, ujeedaduusu inay tahay sidii shacabka Ogadenia aayahooda ka tashadaan, islamarkaasna helaan xornimo iyo madax-banaani ay kula simaan dadyowga kale ee dunida.

Mudane Abdishakuur, ayaa guul iyo wax lagu farxo ku tilmaamay imaanshaha isa soo tarayse ee ay imanayaan Gacan-rayashaasha taliska Woyaanha  oo ay ugu dambeeyeen Mudane Abdulaahu Hussien, oo dadkiisa u hiiliyey iyo Fanaanka weyn ee Cali Dhaanto, isagoo nasiib daro ku tilmaamay kuwa ku maadsanaya dhibka Shacabka, qayilaad iyo raali gelinka af-qudhmuun u aaday dhulka Ogadenia.

Isku soo wada duuboo, kulanka maamulka Jaaliyadu yeesheen ayaa lagu jeexay talaabooyin lagu dardar gelin hayo halganka Ogadenia, islamarkaasna baaq u diray Shacabka Soomaalida Ogadenia ee ku dhaqan dal iyo dibad sidii loo soo afjari lahaa gumeysiga oo ay ku sheegeen inuu yahay sababta dhib walba oo ku dhaca ummadda Ogadenia.

Mohamed Ilays

ONA/Norway.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay