Malintii Sabtida ahayd 04 June 11, waxaa Jaamacada (Univesity of Minnesota) ee ku taala magaalada Minneapolis lagu qabtay shir si hersara ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabisay hayada macadka cilmi baadhista geeska Africa ee loo yaqaano marka lasoo gaabiyo “IHASA” Macadkan oo ay xaruntiisu tahay gobolka California ee wadanka Maraykanka ayaa isagu waxaa uu isu taagay sidii uu cilmi baadhis qota dheer ugu samayn lahayd dhibaatoyinka baaxada leh ee ay ciidamada gumaysiga Ethiopia u gaystaan shacabka aan waxba galabsanin ee Ogadenia.

Madasha shirka ayaa waxaa soo buux dhaafiyay qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Jaliyada  Somalida Ogadenya ee gobolka Minnesota, haday noqonlahayn, Aqoonyahanka, Odayasha, Siyaasiyiinta, Hooyooyinka Culumo Awdiinka, Dhalinyarada iyo dhamaanba ururada bulshada ee ka jira gobolka Minnesota.

Madaxa macadkan IHASA Mudane Xamse Xaji Warfaa ayaa isagu waxaa uu si qoda dheer uga hadlay waxqabadkii macadkan mudadii uu jiray waxaa uuna so bandhigay talaabooyinkii ay ku talaabsadeen oo runtii wada ahaa guulo waa wayn oo u soo hoyday shacabka Ogadenya. Mudane Xamse ayaa isagu ku nuux nuuxsaday inay howshan ku qasabtay inay u istaagan kadib markii ay umuuqatay in tariikhada Ogadenya si khaldan looga turjumo oo intabadan dad aan ehel u hayan qadiyada Ogadenya  amaba gumaysiga dulmiga kuhaya shacabka Ogadenya uu hadana tariikhada Ogadenya si xaqiiqada ka fog wax uga qoro, isagoo marksta uu gumaysigu waafajinayo waxa uu ka qorayo Ogadenya danihiisa siyaasiga ah. Waxaa uu Mudane Xamse ugu bishareeyay ka soo qaybgalayashii shirka in Mudadii uu Macadku jiray ay ku guulaysteen inay qoraan buug ka hadlaya taariikhada Ogadenya buugaasna uu la yaalo madbacadii daabacaysay oo ay ku raja wayn yihiin in uu buugaasi soo bixi doono mudo 4 ilaa 6 usbuuc gudahooda ah.

Shirkan ayaa waxaa marti sharaf u haa khubaro aad ugu xeel dheer cilmi baadhista guud ahaan geeska Africa gaar ahaana wadanka Ogadenya, waxayna madashii ku soo bandhigeen tariikh dhaxal gal ah oo dhinacyo badan taabanaysay:- Haday noqonlahayd qaabkii uu wadanka Ogadenya gacanta ugu galay gumaysiga madow ee Abasiiniya, marxaladihii kala duwanaa ee ay maamuladii kala duwanaa ee Ethiopia ay ku soo gumaysan jireen wadanka Ogadenya iyo marxalada qalafsan ee ay xukuumada kaligii taliye Males kula dhaqmayo shacabka Ogadenya.

Dhanka kalana waxaa shirka lagu falanqeeyay sidii xal waara loogu heli lahaa qadiyada Ogadenya, ayadoo ay dhamanba khubaradii shirka ka soo qayb gashay ay isla qireen, inaan daganaasho geeska Afrika uuna suuragal ahayn inata la iska indha tirayo amaba aan xal siyaasi ah loo helin qadiyada guunka ah ee Ogadenya.

Isku soo wada duuboo maalintii koobaad ee shirkan ayaa waxaa uu ku dhamaaday jawi aad u qorxoon, ayadoo shirka maalintii labaadna loo balansanayahay Malinta Axada ah oo lagu wado inu noqdo barnaamij diirada lagu saari doono dhalinyarada.

Mohamed Darba Wayne,
Minneapolis, Minnesota.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay