Wararka naga soo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo xoogan oo lagu qaaday askarta gumaysiga Ethiopia ee jooga dhulka Ogaadeniya. Dagaaladaasi oo ciidamada daalan ee gumaysiga Itobiya lagaga dilay Askar farabadan ayaa u dhacay sidan;

15/11/2012 Deegaanka lagumagacaabo Cumar-caddaan oo Dhuxun udhow dagaal halkaasi kadhacay waxaa Askarta Gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3kale

16/11/2012 Ajooley  oo Sasabane udhow  weerar  ay kuqaadeen cutub katirsan NH/CWXO askar gumaysi oo  halkaasi joogay ayaa waxaa ciidamda mooraalka jabsan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 10 Askari waxaana lagaga dhaawacay 15 kale

17/11/2012 Deegaanka lagu magacaabo Dudumo-cadka  oo Baabili katirsan waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagu dhaawacay 3kale

14/11/2012 Magaalada Haarcad waxaa lagu dilay hal askari oo kuwa gumaysiga Ethiopia ah

11/11/2012 Halka lagu magacaabo Gacan-wanaajiye oo Jeedin  udhow dagaal ka dhacay waxaa ciidamda gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 6 Askari waxaana lagaga dhaawacay 8kale

10/11/2012 Ceelka shidaadla ee Kaaluub weerar mir ah oo ay ku qaadeen cutub katirsan NH/CWXO Askar gumaysi oo halkaasi joogay ayaa waxaa ciidamda gumaysiga lagaga dilya 5Askari

14/11/2012 Deegaanka lagu magac aabo Xadhaadhamaha oo katirsan Magaalada Qabridahar waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay 2 Askari

10/11/2012 Deegaanka lagu magacaabo Hora-howd oo katirsan Jigjiga dagaal kadhacay waxaa askarta gumaysiga lagag dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4kale

11/11/2012 Hora-khaliifo oo katirsan Qabribayax dagaal kadhacay waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay  2 askari waxaana lagaga dhaawacay 7kale

18/11/2012 Deegaanka lagu magacaabo Marsin oo Galaalshe katirsan waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3kale

10/11/2012 Xiisala oo Nusdariiqa udhow waxaa lagu dilay Hal Askari iyadoo lagu dhaawacay mid kake

12/11/2012 Deegaanka lagu magacaabo Dharja-madobe oo Gabagabo katirsan dagaal halkaasi ka dhacay waxaa ciidamda daalan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 6 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5kale

13/11/2012 Tuulada Farmadow  dagaal kadhacay waxaa ciidamada mooraalka jabasan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 6kale

14/11/2012 Xabaasha-qoryaha oo Farmdow udhow  dagaal culus oo halkaasi ka dhacay waxaa ciidamda saama laluudka ah ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 10 kale

14/11/2012 Deegaanka lagu magacaabo Cirday oo udhaw Gabagabo  dagaal halkaasi ka dhacay waxaa Askarta ururiska ah ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 8kale

17/11/2012 Kamiin ay cutub katirsan NH/CWXO udhigeen gaadiid gumaysi oo marayey Deegaanka lagu magacaabo Karin-barkhadle ayaa waxaa halkaasi lagu gubay Hal Baabuur waxaana inta laxaqiijiey ku bakhtiday in kabadan 12 Askari

Waxaa iyaguna jira dagaalo kale oo kakala dhacay taariikhdu marakay ahayd 20,12,13,14 iyo 16/11/2012 Deeganada kala ah Dhagaxmadow,Ceelka shidaalka ee Kaaluub,Kabi-abastar,Fiiqfiiqyaha faarwayne,Adhi-caddeeye iyo Jeeirinka oo Fiiq katirsan waxaa dagaaladaas askarta gumaysiga loogu gaystay khasaare lixaadle

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay